Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka iyo Puntland oo ka wada-hadlay Amniga guud iyo La-dagaallanka Argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1743954099396.jpg?resize=720%2C50

Wefdi sare oo ka socda Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Boosaaso ayaa Shir la yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxtooyada Puntland oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in Madaxweyne Deni uu qaabiley Taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Maraykanka ee  Bariga Afrika, Colonel ED Norris iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal ku yimid magaalada Boosaaso.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Maraykanka ee  Bariga Afrika, Colonel ED Norris iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid magaaladda Boosaaso.”

“Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud, gaar ahaan Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay Dowladda Maraykanka taageerada xagga cirka ah ee ay siiyeen hawlgalka argagixisada Daacish looga sifeynayo buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Madaxtooyada Puntland.

“Maraykanku wuxuu boggaadiyay hawlgalka Puntland ku ciribtirayso  argagixisada iyo guulaha waaweyn ee ay gaareen Ciidamada Dowladda Puntland, waxaana Kulanka looga hadlay sidii loo sii xoojinlaha wadashaqeynta labada dhinac” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.

Halkan ka eeg Sawirada Kulanka

FB_IMG_1743954103261.jpg?resize=720%2C65 FB_IMG_1743954162641.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1743954113459.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1743954127113.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1743954157606.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1743954146646.jpg?resize=720%2C63 FB_IMG_1743954138301.jpg?resize=720%2C52 FB_IMG_1743954143018.jpg?resize=720%2C60 FB_IMG_1743954150222.jpg?resize=720%2C65

PUNTLAND POST

The post Mareykanka iyo Puntland oo ka wada-hadlay Amniga guud iyo La-dagaallanka Argagixisada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this