Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Beesha caalamka oo diiday qorshaha gogosha uu fidiyey madaxweyne Xasan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa weli cadaadis xooggan ku haysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayada oo dalbaneysa in gogosha wadatashiga qaran ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga dhigo mid ballaaran oo ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada saamaynta ku leh siyaasadda dalka.

Diblomaasiyiinta ku sugan Xalane ayaa ku baaqay in aan la koobin wadahadalka oo keliya la-dagaallanka argagixisada, sida ay damacsan tahay Villa Somalia, balse sidoo kale lagu daro arrimaha siyaasadeed ee weli taagan, gaar ahaan khilaafka ka dhashay isbeddelka Dastuurka iyo hannaanka doorasho ee dalka. Waxay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay wadahadal furan oo horseeda wadar-ogol siyaasadeed iyo xasillooni waarta.

Sida ay xaqiijinayaan ilo xog-ogaal ah, safiirradu waxay muujinayaan baahida degdegga ah ee loo qabo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, islamarkaana ka tarjumaya xaqiiqada siyaasadeed ee dalka. Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si loo ilaaliyo midnimada dalka, loogana hortago khilaafyo hor leh oo wiiqi kara dadaallada nabadeed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada Muqdisho kulan wadatashi ah la yeeshay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, iyadoo lagu lafaguray sidii loo dardargelin lahaa howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, sida ay sheegeen ilo ku dhow Madaxtooyada.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu madaxweynaha toddobaadkan ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran oo uu sheegay in ay ka qeyb geli doonaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo qeybaha bulshada, si loo helo aragti mideysan oo ku saabsan la-dagaallanka argagixisada. Qorshahan ayaa si weyn loo soo dhaweeyay, gaar ahaan mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka ah.

Si kastaba, warar hoose oo laga helayo Villa Somalia ayaa muujinaya in wali aan si rasmi ah loo shaacin jadwalka iyo ajandaha gogosha wadatashiga, balse uu qorshuhu yahay in diiradda la saaro la-dagaallanka argagixisada. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta baaq xooggan oo ku wajahan Villa Somalia si ay u ballaariso kulanka, una furto dhinacyada siyaasadda sida Puntland iyo Jubbaland oo aan wali qayb ka ahayn wadahadalka.

Kulanka Madaxweynaha iyo saddexda hoggaamiye goboleed ayaa loo arkaa hordhac u ah wadahadallo isdaba-joog ah oo lagu doonayo in lagu mideeyo aragtida siyaasadeed ee dalka, iyadoo la wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo isbiirsaday.

Madaxweynaha ayaa kulankan ku qabtay magaalada Muqdisho, maalmo kaddib markii uu dalka dib ugu soo laabtay safar hal maalin ah oo uu ku tagay dalka Turkiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this