Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo kulan la yeeshay madax dhaqameedka iyo hal doorka gobolka Sanaag Togdheer iyo Saraar

Recommended Posts

Deeq A.   

img_10_1743855918217.jpg

img_12_1743855952804.jpg

img_9_1743855902445.jpg

img_4_1743855744399.jpg

img_5_1743855820240.jpg

img_1_1743855691122.jpg

img_3_1743855729355.jpg

img_7_1743855856127.jpg

img_2_1743855712196.jpg

img_6_1743855834661.jpg

img_11_1743855935103.jpg

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐦𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐥𝐝𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐓𝐨𝐠𝐝𝐡𝐞𝐞𝐫, 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐚𝐫𝐚𝐚𝐫

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Waftigii u hoggaaminayey ee socdaalka shaqo ku joogay Gobolka Sanaag ayaa magaalada Ceel-Afweyn kulan kula yeeshay qaar kamid ah madax-dhaqmeedka, Wax-garadka, iyo ganacsatada Gobollada Togdheer, Saanaag ,Saaxil iyo Saraar.

Kullankan isaga ah ayaa lagaga wada hadley sidii looga wada shaqayn loona xoojin lahaa danaha guud aynu Qaran ahaan wada leenahay, sidoo kalena in meel looga soo wada jeesto wixii Qarannimada JSL wax u dhimaya.

Kulanka waxa si weyn loogu gorfeeyey arrimaha Qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah iyo nabadaynta Ceel Afweyn.

Madax-dhaqmeedka, Waxgaradka iyo haldoorkii maddasha ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraaday in ay diyaar u yihiin in ay doorkooda ka qataan qorshaha Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee nabada iyo horumarka dalka iyo dadka iyo arrinta nabadaynta Ceel-afweyn iyo weliba qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah.

Madaxweyne Kuxigeenka JSL Md. Maxamed Cali Aw Cabdi oo hadalka soo xidhay ayaa ka hadlay mihimadda ay nabadu u leedahay addamaha, waxa uu u mahad-naqay Madax dhaqmeedka iyo wax-garadka, isoo sheegay in Xukumadda cusub ay ka go’an tahay in ay qaramayso ciidanka madaniga iyo gadiidkooda, Xukuumaduna ay masuulka ka tahay arrimaha amniga dalka iyo dadka iyo difaaca dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu hoosta ka xarriiqay in
Xukumadda Wax-qabad iyo Waddajir ay diyaar u tahay xoojinta nabada, midnimada iyo wadajirka shacabka Somaliland.

Ugu Dambeyntii, kulankaasi ayaa ku soo dhammaaday guul iyo is-afgarad buuxa.

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

𝗔𝗟𝗟𝗔𝗔 𝗠𝗔𝗛𝗔𝗗 𝗟𝗘𝗛,

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this