Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka SSC-Khaatumo oo xaqiijiyay booqashada Ra’iisul Wasaaraha XFS ee deegaannadaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Ayadoo maalmahan la hadal-hayay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu booqasho ku tagayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka gobolka Sool, islamarkaana warar kala duwani ay safarkiisa ka soo baxayeen, ayaa waxaa arrintaas si rasmi ah u shaaciyay Maamulka Khaatumo.

Wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha Diinta maamulka SSC-Khaatumo Jeneraal Cabdi xasan Xijaar ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu dhowaan booqan doono deegaanadaas, asagoo intaas ku daray amniga dhulkaasi uu yahay mid aad u wanaagsan, islamarkaana soo dhoweynta masuulka 3-aad ee dalka ugu sarreeya ay u diyaarsan yihiin.

Soomaaliland iyo Puntland ayaa si weyn u diiddan booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee magaalada Laascaanood, balse dadka deegaanka ayaa u arka tillaabo taariikhi ah, maadaama taniyo burburkii dalka madaxda ugu sarreysa dowladda dhexe aysan gobollladaas tagin.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this