Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub oo kasoo korortay geerida Cabdiraxmaan Laahoor oo u xirnaa PUNTLAND

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa markii ugu horreysay faah-faahin ka bixiyay geerida ku timid Cabdiraxmaan Shirwac Laahoor oo ka tirsanaa saraakiisha Daacish, balse dhawaan isku soo dhiibay Puntland.

Ninkan oo kooxda u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada gobolka Bari ayaa soo galay gacanta Puntland, intii ay socdeen howlgallada ay ciidamada maamulkaasi ku qaadeen buuraha Calmiskaad, waxaana kadib lagu xiray xabsiga Boosaaso, isaga oo ugu dambeyn geeriyooday.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi kooban bixiyay ayaa ka warbixiyay arrinka ninkan, sida uu kusoo galay gacantooda iyo waxa uu qaban jiray.

“Laahoor wuxuu ahaa nin la sheegay in magaalada Boosaaso hogaamin jiray howlgallada ka dhaca iyo dadka wax ku dila, wuxuu ahaa nin wayn oo odey ah, wuxuuna ku jiray dadkii isa soo dhiibay ee lasoo qabtay” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Laahoor uu ahaa nin odey ah oo dhiigkar qabay, isla markaana uu ku kacay, markii la dajin waayayna uu ku geeriyooday isbitaal la geeyay.

“Ninkaas wuxuu lahaa Dhiigkar, wuuna ku kacay kadibna waa la dajin waayay, xalay dhaqtar baa la geeyay, wuxuuna ku dhintay dhaqtarka” ayuu mar kale yiri.

Mar wax laga waydiiyay wararka sheegaya inuu ku dhex dhintay qolkii uu ku xirnaa ee xabsiga ayaa waxaa uu meesha ka saaray in la dilay ama la shirqoolay Laahoor.

“Sabab loo dilaa ma taallo waayo wax qarsooni ma jiraan nimankan waxaa la hayaa xogtoodi oo dhan taleefoonadoodii ayaa gacanta lagu dhigay, wareysiyo ayaa laga qaaday, waxaa kale oo la hayaa maxaabiistoodii kale ee ajnabi ahayd” ayuu raaciyay.

Cabdiraxmaan Shirwac Laahoor ayaa gacanta Puntland waxa uu soo galay horraantii bishii February ee sanadkan, isaga oo isku soo dhiibay ciidamada howlgallada ka wada aagga buuraha Calmiskaad, halkaas oo uu muddo dheer ku dhuumaaleysanayay.

Ninkan ayaa sidoo kale waxaa horay maxkamad ay ugu xukuntay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay dilal iyo qaraxyo uu ka gaystay magaalada Boosaaso, waxaana lala xukumay rag kale oo ay isku shabakad ahaayeen, kuwaas oo qaarkood la toogtay.

Daacish ayaa haatan wajaheysa xaalad adag, waxaana kooxda ay culays xoogan kala kulantay howlgallada haatan ka socda gobolka Bari ee ay hoggaamineyso Puntland.

Bishii December, ayaa waxaa Puntland ay ku dhawaaqday dagaal ballaaran oo ka dhan ah Daacish, iyada oo tan iyo markaas kadib la wareegtay saldhigyo waawayn oo ay kooxdu ku lahayd buuraha fog ee Bari, halkaas oo uu weli kasii socdo holwgalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this