Sign in to follow this  
Deeq A.

Shariif oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday Xasan Sheekh, kana gaabsaday inuu…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee gelinkii hore ee maanta lagu qaaday kolonyada madaxweyne Xasan Sheekh oo furimaha dagaalka u socday, isagoo aan soo hadal-qaadin bartilmaameedkii qaraxaas oo ahaa Madaxweynaha.

Sheekh Shariif oo qoraal soo saaray ayaa aad ugu tacsiyeeyey dadkii ku dhintay qaraxaas oo Weriye Maxamed Abuukar Dabaashe uu ka xusay, wuxuuna ka gaabsaday inuu sii falanqeeyo bartilmaameedkii xasaasiga ahaa ee kolanyada madaxweynaha, iyadoo qaar kamid ah askartii ilaalineysay Xasan Sheekh ay qaar dhinteen qaarna dhaawacmeen, sidoo kale uu burburay gaarigii uu saaraa Xasan Sheekh kii ku xigay.

Qoraal ay dowladdu ka soo saartay qaraxaas oo ku soo baxay luuqadda English-ka ayaa lagu yiri, “Abaare 10:32 AM ayaa qarax lala beegsaday kolonyo maraysay degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho, xilli Madaxweynaha JFS uu ku sii jeeday furimaha hore ee dagaalka ee Hirshabeelle, weerarkaasi waa la fashiliyay, waxaana Madaxweynaha uu si nabad ah ku gaaray goobtii uu u socday sidii loo qorsheeyay.”

Sheekh Shariif ayaa kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee aad u dhaliila hoggaaminta Xasan Sheekh, balse bulshada aragtoooda ka dhiibatay qoraalka Shariifka ayaa siyaabo kala duwan u faaqidaya sababta uu u xusi la’yahay in qaraxaas lala beegsaday kolonyada Madaxweynaha.

Hoos ka Aqriso qoraalka Sheekh Shariif:

Waxaan si kulul u cambaaraynayaa weerarka loo adeegsaday qaraxa ee kooxda argagixisada Al-Shabaab maanta ka gaysatay Magaaladda Muqdisho kaas oo galaaftay nolosha dad Soomaaliyeed iyagoo sooman oo aan waxba galabsan.

Waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo bahda warbaahinta geerida naxdinta leh ee ku timid Weriye Maxamed Abuukar Dabaashe oo ka mid noqday dadka shacabka ah ee weerarkaas bahalnimo ku geeriyooday, waxaana Alle u weydiinayaa inta dhimatay Jannatul Firdowsa.

Waxaan sidoo kale soo kabasho deg deg ah u rajeynayaa dadka dhaawacmay.

Weerarkaan wuxuu mar kale shacabka Soomaaliyeed iyo masuuliyiinta xasuusinayaa sida loogu baahanyahay in midnimo iyo wadajir looga hortago falalka gurracan ee kooxaha argagixisada ah.

Ugu dambeyn,  waxaa boggaadin mudan Ciidamada qalabka sida nuucyadooda kala duwan iyo xoogaga difaaca shacabka oo har iyo habeen u taagan kahor taga iyo ciribtirka argagixisada caadeysatay daadiinta dhiiga shacabka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this