Sign in to follow this  
Dhubad.

Xabad Joojintii uu Ethiopianku Dalbaday oo Lagu xiry 6 Qodob

Recommended Posts

Dhubad.   

Odaayaasha ****** ayaa sheegay in xiriir dhexmaray iyaga iyo dowladda Itoobiya ay soo saareen lix qodob oo xabad joojin hordhac ah.

 

Lixdaas qodob oo u eg talo ayaa u qornaa sidaan:-

 

• in Ciidamadda Itoobiyaanka ,kuwa dowladda KMG ah iyo kuwa ****** ay ka baxaan dhamaan degaanadii lagu dagaalamay afar saac marka la hergeliyo xabad joojinta.

 

• In Mas'uuliyada dhismayaasha Wasaaradda Gaashandhiga ,kuliyadda Jaalle Siyaad,Istaadiyuum Muqdisho iyo Xarunta Xisbigga lagu wareejiyo odayaasha ****** marka Ciidamada iska soo horjeeda ka baxaan goobahaas.

 

• In habka Nabad gelyada iyo wixii kale ee la xiriira dhismayaasha goobahaas loo gudbin doono Dowlada Itoobiya iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya labataan cesho gudahood.isla markaana waxay odayaasha ****** balanqaadayaan in goobahaas aysan ka abuurmin Qatar nabad gelyo,kana wajahin dhinacyadii ku dagaalamay.

 

• In hogaanka Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM Marqaati ka noqdaan fulinta heshiiska la isla gaaro

 

• Beesha ****** waxay dalbaneeysaa in todobaad gudahiisa laga wada hadlo dhibaatada ka dhalatay dagaalkii dhacay iyo daawooyintiisa.

 

6-Heshiiskaan ayaa waxaa uu dhaqan gelayaa marka la isla ogolaado.

 

Waxaa aad u yar rajada laga qabo inuu hirgelo hindisahaan qabyada ah,waxayna odayaasha shir jaraa'id ku qabteen baarka walaalaha ee Ex Kontorool Balcad.

 

Dagaalka Muqdisho wali waa uu ka soconayaa waxaana sii laba lixaadsaday gurxanka rasaasta oo saakay laga yara nastay

 

 

Ahmed Jelle Hassan

WaagacusubOnline@yahoo.com

+2521-320000 Telcom Somalia

 

Mogadishu - Somalia

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo Wareysi gaara siiyay Waagacusub

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this