Sign in to follow this  
Deeq A.

5-ta cutub ee la horgeynayo BF si loo beddelo xilli ay weli taagan tahay doodda dastuurka

Recommended Posts

Deeq A.   
Dastuurka.jpg?fit=820%2C681&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in dhowaan loo gudbiyo cutubyada shanaad ilaa sagaalaad ee Dastuurka, kuwaas oo ay diyaarisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya.

Cutubyadan ayaa horey usoo maray marxalado dood iyo dhageysi dadweyne ah, si loo helo aragti mideysan oo ku saabsan wax-ka-beddelka Dastuurka.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin ayaa faah-faahin ka bixiyay muhiimadda ay leeyihiin cutubyadan, isaga oo tilmaamay in cutubka shanaad uu diiradda saarayo baahinta awoodaha iyo nidaamka federaalka, halka cutubyada kale ay ka hadlayaaan Baarlamaanka, Madaxweynaha, Xukuumadda iyo Garsoorka.

“Cutubkaan shannaad waxa uu ka hadlayaa baahinta awoodaha oo Federaaleynta (Asteenta awoodaha) waana la dhahaa,” ayuu yiri Wasiirka Xasan Macallin.

Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in afar cutub oo hore (1-aad ilaa 4-aad) horey loo dhammeystiray, halka shanta cutub ee xiga (5-aad ilaa 9-aad) hadda la diyaariyay si Baarlamaanku u meelmariyo.

Qaybaha harsanna waxaa la qorsheynayaa in la dhammaystiro inta lagu guda jiro kalfadhiga toddobaad ee Baarlamaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay inay dadaal badan gelisay dib-u-eegista Dastuurka, iyadoo qeybo ka mid ah wax-ka-beddelkaas loo gudbiyay bulshooyinka ku dhaqan magaalooyinka dowlad-goboleedyada si ay uga dhiibtaan fikiradooda.

Si Dastuurka u noqdo mid rasmi ah, waxaa loo baahan yahay in la qabto afti dadweyne. Hase yeeshee, arrintan waxay dhalisay dood ay qabaan dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo marar badan ku baaqay in geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka uu noqdo mid loo dhan yahay oo ay ka wada qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda ee dalka.

The post 5-ta cutub ee la horgeynayo BF si loo beddelo xilli ay weli taagan tahay doodda dastuurka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this