Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa maxay qofka reer Somalia ah uu uga soo hor jeedo in Somaliland dawlad noqoto?

Recommended Posts

Deeq A.   

GmL7BGaXUAEhPWu.jpeg

“Qofka Soomaaliga ah haddaad weydiiso sababta uu u diidayo in Somaliland Dawlad madax-bannaan noqoto, ama dhibta ay ku hayso in Somaliland dal noqoto, wuxu kuugu jawaabayaa “ Dadka Somaliland waa hormuudka Soomaalida, sidaa awgeed haddii aad naga tagtaan waanu kala tegaynaa, waxaana meesha ka baxaya dawladnimada Soomaaliya” waa aragti salka ku haysa aan keligay noolaado (Selfish being). Waa aragti odhanaysa aan keligay noolaado, cid kalena aan u ogolayn nolol iyo horumar.

Weligood ismay weydiin, waar dadkani iyagu maxay rabaan. Haddii tamarta ay gelin lahaayeen sidii ay dawlad u dhisan lahaayeen, wax la garto ayey noqon lahayd. Waxa keliya ee ay heshiish ku yihiin waa minjoxaabinta iyo xinka Somaliland. Waa caqliga muraala-dillaacsan in diyaarada Itoobiya magaca Somaliland ku qortay website-keeda. Maxaa lagu sifayn karaa caqligaas oo aan ahayn
“Mugdi baad gudaysaaye
Oradoo magnuunyahoow
Maanka alle kaa qaadye
Danahaaga maamulo”.

Caqligooda waxay isleeyihiin waxaad beerlaxawsan karaysaan dadka reer Somaliland. Balse waxayna ogayn, in mar kasta oo ay arrimahan ku kacaan ay quwayso midnimada ummada reer Somaliland. Waa arin baraarujin u ah dadka reer Somaliland, gaar ahaan kuwa aan weli ogayn dhagarta Soomaaliya u maleegayso, una iftiiminaysa in jiritaankooda ummadeed dagaal lagula jiro. Kusii socda ayaan leenahay hawlo wacyigelineed baad noo haysaane.

“Gardarada badheedhka ah
Garowshiiyo kama sugo
Gafka iyo xumaantana
Golohooda maba tago
Guul guulka ficilkiyo
Ninka yidhi gobbaan ahay
Adiguna gunbaad tahay
Gaashaandhig mooyee
Hadal dheerba kama guro”

Waa halkii Abwaan Hadraawi ka lahaa

“Waxa ina rag ii guulayaa , tiisa gaarka ahe
Anna waxaan go’aansaday inaan, lay gaboodfaline””

Ibrahim

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this