Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay tallaabo ay ka qaaday warfaafinta Al-Shabaab (Aqriso liiska)

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda ayaa caawa soo saartay liiska warbaahinadii Al-Shabaab ay ku faafin jireen wararkooda oo la xiray, kuwaas oo ka badan 10. Website-yada la xiray waxaa ka mid ah (Somalimemo24.net, Radioalfurqaan.co, Dhaxalgalka.info, Faafreeb.com iyo kuwo kale oo Shabaab ay ku faafin jireen gaboodfallada ay ka geysanayaan dalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha oo ay Khawaarijtu lahaayeen, iyadoo horay ay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar-mareeg ama website oo Khawaarijtu ku lahaayeen barta internet-ka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Sidoo kale, dowladda ayaa gacanta ku dhigtay xogta iyo raadadka shaqsiyaad badan oo ku lug lahaa hawlaha barahaan iyo kuwa dhaqaalaha ku bixinayay intaba, sida lagu sheegay warka ka soo baxay dowladda.

“Xogta la helay waxay sahli doontaa in tallaabo laga qaado dembiilayaasha Khawaarijta ugu adeegayay hawlahan,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Inta uu socdo hawlgalka baabi’inta nooc kasta oo Khawaarijtu u isticmaalaan warbaahin ahaan ayaa waxaa lagu burburiyay kumanaan kun oo baro oo ay ka sameysteen baraha kala duwan ee bulshada ee la isticmaalo.”

Hay’adaha dowladda ee u xilsaaran burburinta baraha internet-ka ah ee Khawaarijta ayaa sidoo kale mar dhow rajeynaya inay gacanta u soo galaan website-yada kale ee Khawaarijtu ku gudbiyaan falal dambiyeedka iyo marin-habaabinta, sida lagu sheegay warkan.

Linkiyada website-yada lala wareegay ayaa kala ah:

  • dhaxalgal.net
  • warkiislamka.com
  • dhaxalgal.com
  • somalimemo24.com
  • somalimemo24.net
  • radioalfurqaan.co
  • dhaxalgalka.info
  • faafreeb.com
  • faafreeb.net
  • faafreeb24.com
  • faafreeb24.net
  • amirnur.com
The post DF oo shaacisay tallaabo ay ka qaaday warfaafinta Al-Shabaab (Aqriso liiska) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this