Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinta khasaaraha ka dhashay Weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday hoteel ku yaalla magaalada Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   
Qaraxyo.jpg?resize=620%2C330&ssl=1

Dagaallamayaal hubeysan oo ka tirsan al-shabaab maanta weerar ku qaaday hotel ku yaalla magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo ay odayaal dhaqameed iyo mas’uuliyiin dowladeed ku lahaayeen shir ku saabsan abaabula dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Weerarka oo qaraxyo ku bilowday ayaa waxa ku xigay dagaalyahanno hubaysan oo toos u galay hoteelka kuwaasi oo toogasho ku bilaabay dadkii ku sugnaa gudaha islamarkaana saacado ka dagaallamayay halkaasi sida laga soo xigtay laamaha Ammaanka magaalada Baladweyne.

Ugu yaraan 10 qof oo ay ku jiraan odayaal dhaqameed caan ah ayaa ku dhintay weerarka halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan waxaana burbur xooggan gaaray dhisnaha hoteelka iyo gaadiid bannaanka yaalla balse weli tiro koob sugan laguma samayn khasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo ay mas’uuliyadiisa sheegteen mileeshiyaadka Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahinta khasaaraha ka dhashay Weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday hoteel ku yaalla magaalada Baladweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this