Sign in to follow this  
General Duke

what Mogadishu news : President Abdullahi Yusuf Ahmed

Recommended Posts

Col. C/llaahi Yusuf Axmed oo noqday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya

Isniin, October 11, 2004

 

Col. Cllaahi Yuusuf Axmed ayaa xalay loo doortay in uu madaxweyne ka noqda dalka Soomaaliya muddo shan sano oo KMG ah, wuxuuna xilkaas ku hantay 189 cod, halk musharixii ku soo xigay ee uu ka guuleystay oo ahaa Dr. C/llaahi Axmed Caddow uu isna kasbaday kalsoonida 79 mudane oo codadkooda siiyay.

 

Natiijada oo ahayd mid aad loo wada sugayay tan iyo shalay subaxnimadii oo xildhibaanada golaha baarlamaanka la isugu geeyay garoonka K/Cagta Kasarani ee magaalada Nairobi, si ay hal qof oo madaxweyne ka noqda dalka Soomaaliya ay uga doortaan 26 musharax oo isu soo mutaxay in ay xilkaas qabtaan, waxaana musharixiintaas oo 28 ahaa ka tanaasulay labada korneel ee kala ah Xasan Maxamed Nuur Shaati gaduud iyo Jaamac Cali Jaamac.

 

Haddaba, aan dib u qooraansanno qaabkii ay doorashada u dhacday. Dabcan waxay ahayd doorasho marka laga soo tago tii Carta taariikhi ah oo weliba aan dhihi karo waxay u dhacday si dimoqraadi ah marka loo eego sida wax loo kala hufay, waxaana taasi ku amaanan guddiga fududeynta IGAD iyo guddoonka sare ee golaha baarlamaanka, gaar ahaan ninka ugu sareeya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isagu tan iyo markii ay bilaabatay codeynta oo ku beegneyd 1-dii duhurnimo iyo qadar daqiiqado ah ilaa laga soo gunaaday oo ku aadaneyd 10-kii habeenimo aad ugu mashquulsanaa in aaney meesha wax musuq maasuq ah ka dhicin, runtiina taasi waa uu ku guuleystay, inkastoo mar uu ku sigtay in uu xildhibaanada ballan kale oo ay ku kala dooranayaan Col. C/llaahi Yuusuf iyo Dr. C/llaahi Axmed Caddow uu qabto, xiligaas waxay ahayd mar ay doorashada gebo gebo joogtay oo markaasina ay soo idlaatay codeynta wareegga seddexaad oo ugu dambeeyay, kaliyana la sugayo in codadka la tiriyo ayaa waxaa demay qeyb ka mid ah nalalkii ka darnaa garoonka, waxayna taasi keentay in ay qacdiiba soo baxaan warar sheegaya in deminta nalalka aysan ahayn cilad balse loogu talagalay in lagu wiiqo soo bixitaanka labada nin midkood, laakin dadaal loo galay in dib loo soo daaro nalalkaas ayaa lagu guuleystay, iyadoo intaas la iska daba war-wareegayayna uu guddoomiyaha baarlamaanka si xooggan ammaankooda u sugayay sanaadiiqda ay ku jireen codadka, waxaana la arkayay isagoo ay gacmahiisa dul saaran yihiin oo uusan xitaa ku aaminin mas’uuliyiinta kale ee kala tirsan guddoonka baarlamaanka.

 

Qadar daqiiqado ah kadib markii la soo daaray nalalkii ayaa dib loo bilaabay in codadkii la tiriyo, haseyeeshee waxaa dhacay wax la yaab leh, taasoo ahayd in Col. C/llaahi Yuusuf uu wareegga ugu dambeeyo uu musharaxa la tartamayay ee C/llaahi Axmed Caddow uu ku hoggaamiyo codad hal dheeri ka badan, waxaana la sii ogaaday intii ay tirinta codadka socotay in uu Col. C/llaahi Yuusuf noqday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga KMG ah ee Soomaaliya.

 

Markii tirintii codadka ay dhamaatay ayaa waxaa natiijada kama dambeysta ah ee doorashada ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka oo sheegay in uu 179 cod ku guuleystay Col. C/llaahi Yuusuf, isla markaana uu yahay madaxweynaha Soomaaliya, halka uu ka sheegay in uu isna Dr. C/llaahi Axmed Caddow ka helay 79 cod. Dabcan wuxuu korneelku kaga guuleystay musharixii la tartamayay codad labuu laab ka badan intii uu helay.

 

Col. C/llaahi Yuusuf Axmed markii uu xaqiijiyay in uu yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya ayuu ku jeestay Dr. C/llaahi Axmed Caddow oo dhinaciisa bidix fadhiyay, waxayna isu salaameen oo ay isu dhunkadeen labada nin si laab furnaan ah, iyadoo kadibna korneelku u soo jeestay dhinaciisa kale, wuxuuna bilaabay guddoomidda hambalyooyin kaga imaanayay dhinaca xildhibaanadii doortay iyo kuwo aan dooran, hase yeeshee u muujinaya in ay raali ka yihiin madaxtinimadiisa, kadibna waxaa madaxweynaha u yimid xubno uu hor socday guddoomiyihii guddiga fududeynta IGAD ee shirka dib u heshiisiinta Danjire Bethuel Kiplagat, kaasi oo ula dhaqaaqay dhinaca meel loo diyaariyay in lagu maamuuso calanka soomaaliyeed, iyadoo uu kadibna C/llaahi Yuusuf gacantiisa ku saaray calanka Soomaaliyeed, halkaasna uu ku qaatay salaan sharaf ay bixinayeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo heesta calanka soomaaliyeed ku salaamayay madaxweynaha.

 

Kadib waxaa la geeyay Madaxweynaha kursigii uu ilaa saakay isha ku hayay, kaasi oo ay hor surnaayeen labo calan oo mid uu yahay calanka soomaaliyeed iyo mid aanan garan waxa looga dan lahaa oo midabo isku dhafan lahaa, waana hubaa in uusan ahayn calankii Kenya, markii uu madaxweynaha in door ah ku fadhiyay kursigii, misana uu dhinacyada eeg eegay ayaa waxaa halkiisa loogu keenay Dr. C/llaahi Axmed Caddow, si uu ugu hambalyeeyo, mar kale ayayna sidoo kale laabta isugu qabteen, iyaga oo wada qoslaya.

 

Dr. C/llaahi Axmed Caddow oo ay xalay u ahayd markii labaad ee looga guuleysto tartanka madaxweynenimada Soomaaliya oo uu weliba heerkan oo kale ka soo gaaray ayaa waxaa uu jeediyay khudbad uu ugu hambalyeynayay madaxweynaha Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo uu ku tilmaamay in uu yahay nin howl kar ah oo ka soo bixi kara xilka loo dhiibay, wuxuuna caddeeyay in la doortay ninkii ugu mudnaa xilkan, isagoo weliba ka rajeeyay madaxweynaha cusub in uu soo celin doono qarannimadii iyo sharafkii Soomaaliyeed ee la tegay bur burkii dowladdii hore, wuxuuna caddeeyay in uu intii karaankiisa ah la shaqeyn doono oo uusan waxba ka hagran doonin.

 

Intaasi kadib waxaa cod baahiyihii la wareegay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ugu horeyn u mahadceliyay xildhibaanadii doortay ee sida uu yiri kalsoonidiisa siiyay, mas’uuliyiinta IGAD ee wasiirrada iyo safiirrada isugu jiray, wakiillada beesha caalamka ee shirka dhaqaalaha ku soo bixinayay iyo weliba Soomaalidii ka soo qeybgashay doorashada madaxweynenimada Soomaaliya ayuu u mahadceliyay, kadibna wuxuu ballanqaaday in sida loo doortay ee kalsoonida loo siiyay uu uga shaqeyn doono sidii loo soo celin lahaa deganaantii dalka Soomaaliya, isla markaana dib loogu dhisi lahaa dalka.

 

“Anigu dadka isku dhaqan maahin, waan ka dhaqan gedisanahay, qaar baa habeen shaqeeya, qaarna waxay shaqeeyaan maalintii, anigu labadaba waan la shaqeyn doonaa ee meel iskama fariisan doono†ayuu yiri Madaxweyne C/llaahiYuusuf Axmed, “waxay noqon doontaa labo arrimood midkood: in ay nafta iga baxdo aniga oo shaqada la iga sugayo si daacad ah u gudanaya oo howlkarnimo muujinaya iyo in aad ila shaqeyn weydaan oo aan wax qaban waayo, markaasina aan xilka aad ii dhiibteen aan dib idin kuugu soo celiyo, isla markaana aan idin iraahdo u dhiibta ciddii aad idinku dooneysaan†ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

 

“Aad ayaan uga xumahay in aan caawa wada tartanno aniga C/llaahi Axmed Caddow oo yaraanteenii ilaa haatan aan saaxibo ahayn, saraakiil ciidamada ka tirsanna aan soo wada ahayn, taasi bedelkeed waxaan jeclaan lahaa in uu caawa ila tartamo qof kale oo aanan is-aqoonin†ayuu ku kaftamay Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in tartankoodaas uu dhamaaday, haseyeeshee ay saaxibtinimada dhexdooda ah sideedii sii ahaan doonto.

 

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaa uu markaasi kadib ka codsaday dowladaha IGAD ee ay Soomaaliya ka midka tahay iyo beesha caalamkaba in ay ku garab galaan dowladda cusub ee Soomaaliya ee aan waxba heysan taageero diblumaasiyadeed, mid dhaqaale iyo weliba mid ciidan oo hubka looga dhigo maleeshiyooyinka hubeysan, isla markaana ay soo gaarsiiyaan dowladda cusub ee Soomaaliya heer ay ammaankeeda ku sugi karto oo markaasina ay canshuuro ku qaadan karto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/laahi Yuusuf Axmed waa kuma?

 

Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo waxaa uu dhashay sanadkii 1934-kii, wuxuuna waxbarashadiisii ku soo qaatay dalka Soomaaliya, waana nin leh aqoonta dhinaca ciidamada iyo weliba mid aan badneyn oo dhinaca sharciga ah, waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay nin hal adag oo waxqabad leh.

 

Korneelka jagadaan loo doortay xalay in badan ayuu ku haminayay, wuxuuse isagoo 70 sano jir ah nasiib u yeeshay in uu madaxweyne ka noqdo dal bur bursan oo aaney madaxweynenimadiisu lahayn heybad la mid ah mida ay leeyihiin dalalka aaney ku dhicin mid la mid ah nasiib darrada heshay qarankii Soomaaliyeed.

 

Korneelka dhowr jeer ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii ay dowladdii hore ee mileteriga ahayd ogaatay in uu wax ka abaabulayay dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah dowladdaas oo uu gar wadeen ka ahaa marxuum Maxamed Siyaad Barre, kadib Col. C/llaahi Yuusuf waxaa uu wax ka soo dhisay, isla markaana uu madax ka soo noqday jabhaddii SSDF ee sida weyn uga soo horjeeday dowladdii Mileteriga ahayd, waxaana dabayaaqadii sagaashameeyadii loo doortay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo uu ahaa tan iyo intii uusan noqon xalay madaxweynaha Soomaaliya.waa xaas leh afar carruur ah.

 

Deegaano ka tirsan dhulka Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa ayay wararka naga soo gaaraya sheegayaan in aan laga abshireysan doorashada madaxweynenimada Soomaaliya ee Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, waayo waxaa weli meesheedii taala xiisad colaadeed oo u dhaxeysa maamulka Somaliland iyo midkii uu ka dalacay Col. C/llaahi Yuusuf ee Puntland, wel wel xoog leh ayayna dadka reer Somaliland ka muujinayaan in uu shirkii labada sano ka socday Kenya uu aakhirkii madaxweyne ka noqdo nin aysan jecleysaneynin oo markaasina ay ka suurowdo in uu mar kale ku qaabilo shaar wax xoogaa ka weyn midkii uu horay u watay xiligii uu madaxweynaha ka ahaa maamulka Puntlnad, yacni waxay wadnaha farta ugu hayaan oo ay ka baqanayaan in uu faragelin ku sameeyo maamulka Somaliland, noocii ay doontaba ha ahaatee.

 

Maalinta Khamiista ah ee nagu soo fool leh ayaa madaxweynenimada Soomaaliya loo caleemo saari doonaa Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, iyadoo xafladdaasina ay ka soo qeybgeli doonaan madax ka socota dalalka gobolka iyo mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin xoghayayaasha Qaramada Midoobay iyo Ururka Jaamacadda Carabta waa Kofi Anan iyo Caamir Muusa, waxaana markaasi kadib loo maleynayaa in uu madaxweynaha si rasmi ah u bilaabo socdaallo aqoonsi iyo taageero doon ah oo uu ku kala bixin doono dalal badan oo ay ugu soo horeeyaan Itoobiya iyo Mareykanka, iyadoo inta ay ka suurtageleyso in ay dowladdiisa fariisato dalka Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho ay ku sii shaqeyn doona dalka Kenya oo haatanba xafiis, guri iyo ciidamo ammaankiisa suga looga sii diyaariyay.

 

Madaxweynaha ayaa laga sugayaa in uu soo magacaabo ninkii ra’iisul wasaare ka noqon lahaa dowladdiisa, kaasi oo sida laga soo xigtay madaxweynaha qudhiisa u baahan wada tashi in laga sameeyo, wuxuuna markaasi kadib ra’iisul wasaarahaas soo dhisi doonaa xukuumad ay hor taalo howl aad u adag iyo in ay ka soo dhalaasho ballanqaadyo uu madaxweynaheeda ku soo galay doorashada.

 

Doorashada madaxweynenimo ee Col. C/llaahi Yuusuf ayaa si weyn looga soo dhaweeyay magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya, iyadoo meelaha qaarkood isla xalayba laga dhigay banaanbaxyo lagu taageerayo guusha Col. C/llaahi ee madaxweynenimada Soomaaliya, waxaana magaalooyinkaas ka mid ah Garowe, Boosaaso, Gaalkacyo, Jowhar iyo Baydhabo, iyadoo banaanbax maanta la qorsheeyay in uu ka dhaco magaalada Muqdisho oo beryahaan la abaabulayayna dib loo dhigay ilaa amar dambe, iyadoo aan la ogeyn waxa keenay dib u dhigistiisaas.

 

Magaalada Muqdisho dadka ku dhaqan qaarkood waxay doorashada ninkaas odayga ah u arkaan in ay tahay mid wax ku ool ah waayo waxay dadka badankood qabaan fikirka ah in uu dalkan bur bursan iyo dadkiisan qabyaaladdu madax martay ee qarannimada dooneyn uu wax ka qaban karo nin sida Col. C/llaahi Yuusuf Axmed mileteri ah oo aan aaminsaneyn in soo celinta nidaamkii dowladnimo lagu gaarayo baryo iyo walaalow.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu , Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/LAAHI YUUSUF AXMED OO XALAY DOORASHO WAQTI DHEER KADDIB KU GUULEYSTAY MADAXWEYNENIMADA SOOMAALIYA

 

(KHUDBADDII MADAXWEYNE C/LAAHI YUUSUF KADIB DOORASHADIISII)

“Dadka Soomaaliyeed Qaarna Waxay Shaqeeyaan Habeenkii, Qaarna Waxay Shaqeeyaan Maalintii, Labadabana Waan La Shaqeyn Doonaa..â€

 

NAYROOBI, Isniin 11/10/04

 

Col. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa xalay doorasho saacado badan socotay kaddib codad aad uga badan kuwii uu helay musharaxii la tartamayey kula guuleystay Madaxweynenimada Soomaaliya.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed oo ay la tartameen musharaxiin fara badan wareeggii hore oo uu helay 81 cod oo uu ku hoggaaminayey wareeggaas, isla markaana wareeggii labaad ee doorashada helay 143 cod oo ay kula jireen wareeggaas C/laahi Axmed Caddow oo helay 81 cod iyo Max’ed Qanyare Afrax oo helay 37 cod aaya wareeggii saddexaad cod hal dheeri ah ku helay inuu qabto Madaxweynenimada Soomaaliya.

Wareeggii saddexaad ee ugu dambeeyey oo ay codeen 270 Xildhibaan ayuu C/laahi Yuusuf Axmed helay 189 cod, halka C/laahi Axmed Caddow uu helay 79 cod, labo codna halaabeen.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed markii lagu dhawaaqay guushiisa wuxuu u dhaqaaqay goob lagu diyaariyey calanka Soomaaliya oo uu saaray bir dheer kaddibna uu salaanta astaanta calanka ku qaatay, halkaasuu uga sii gudbay ay halkii ay fadhiyeen guddiga Doorashada oo uu Guddoonka Baarlamaanka ku soo salaamay, kaddibna uu u sii dhaafay halkii ay fadhiyeen wasiirada IGAD oo uu yaalay kursigii loo diyaariyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo uu ku fariistay.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed oo salaan iyo marxabeyn la soo dhexmaray dad badan oo isugu jiray Soomaali iyo ajnabi ayaa khudbad gaaban jeediyey, taasoo uu ku bilaabay mahad celin uu u jeediyey Baarlamaanka, IGAD iyo beesha caalamka.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu ka ballan qaaday Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka hortooda ka ballan qaaday inuu dib u soo nooleynayo Qarankii burburay ee Soomaaiya gaar ahaan mideynta, isu keenidda iyo sidii looga kaban lahaa burburkii.

Wuxuu sheegay C/laahi Yuusuf in ninka ay wareeggii ugu dambeeyey isu soo hareen C/laahi Axmed Caddow ay muddo dheer saaxiibo ahaayeen ayna ka wada tirsanaayeen ciidankii Soomaaliya uusana jecleysaneyn in ninka uu la tartamayo uu isaga ahaado.

Col. C/laahi Yuusuf oo muddo ku dhow todobo sano inta badan ahaa Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland horeyna ugu caan ahaa mucaarad ka soo horjeeday dowladdii Milateriga ee Soomaaliya wuxuu xalay ka codsaday dadka Soomaaliyeed inay garab istaagaan dowladdiisa hubkana iska dhigaan isna uu u ballan qaadayo inuu garab siinayo.

“Dadka Soomaaliyeed qaarna waxay shaqeeyaan habeenkii kuwana maalintii labadabana waan la shaqeyn doonaa†ayuu yiri C/laahi Yuusuf oo sheegay in inta uu xukunka hayo uu saddex arrimood mid noqon doono, inuu guto howsha loo doortay, inuu ku dhinto isagoo wada iyo inuu Baarlamaanka isaga haddii uu wax qaban waayo.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed oo ah Korneyl ciidankii Xoogga dalka Soomaaliyeed wuxuu ka codsaday beesha caalamka iyo Urur goboleedka IGAD inay garab istaagaan dowladdiisa gaar ahaan keenista ciidamo shisheeye iyo howlaha kale ee dowladda isagoo yiri “Dowlad mucsir ah oo aan waxba haysan ayaan nahay, kaalmo ayaana ka rabnaa caalamka iyo IGAD inta aan canshuurteena qaadaneyno oo aan isku filnaaneynoâ€.

C/laahi Yuusuf wuxuu sheegay inuusan meel fariisaneyn oo uu howl qabanayo isla markaana uu inta ka harsan maamulka dalka dhameystirayo.

C/laahi Axmed Caddow oo ah ninka looga adkaaday doorashada wareeggii ugu dambeeyeyna la soo gaaray ninka noqday Madaxweynaha cusub ayaa hadal uu jeediyey doorashada kaddib ballan qaaday inuu intii karaankiis ah ilaaheey hortiis ballan qaadayo wixii uu awoodo.

“shirkani waa midkii ugu waqtiga dheeraa uguna mawaafaqada badnaa, walaalkeey Madaxweynaheena C/laahi Yuusufna waa la doortay†ayuu yiri Caddow oo beesha caalamka iyo shacabka dowladda Kenya u mahad celiyey.

Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo inta badan intii la sugayey natiijjada doorashada la arkayey isagoo musharaxiin uu ku jiray C/laahi Axmed Caddow la sheekeysanaya amaba ay wax isku sheegayaan ayaa jeediyey khudbadiisa xalay isagoo ay ka muuqatay dagani badan.

Doorashada oo ahayd mid cad cad qaab muuqdana loo diyaariyey ayaa bilaabatay abaarihii 1:15 duhurnimo, soona gabagabowday abaarihii xalay 10:30 habeenimo.

Doorashadaan oo bulshada Soomaaliyeed ay kala socdeen dalka gudihiisa iyo Adduunyada ay qurba joog ku yihiin ayey si gaar ah ugula socdeen warbaahinta Soomaailda oo ka haqabtirtay.

(QARAN PRESS)

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA JABUUTI OO FARIIN U DIRAY C/LAAHI YUUSUF DAQIIQADO KADIB MARKII LOO DOORTAY MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

JABUUTI, Isniin 11/10/04

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa fariin u soo diray Madaxweynaha dowladda Federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed kaddib markii daqiiqado loo doortay Madaxweyne.

Fariintaan oo uu Ismaaciil Cumar Geelle xalay u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayuu ku sheegay inuu aad ugu hambalyeynayo xilka loo dhiibay C/laahi Yuusuf isla markaana ay taageerayso dowladda Jabuuti dowladda Soomaaliyeed.

Hambalyadaan oo laga sii daayey Telifishinka RTD ayuu Ismaaciil Cumar Geelle si aad ah ugu hambalyeeyey C/laahi Yuusuf oo xalay loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, waana Madaxweynihii ugu horreeyey ee hambalyo u soo dira C/laahi Yuusuf doorashadisii.

QARAN PRESS)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Now Abdulahi Yusuf is not about clan and does not represent a clan. I think to establish a Somalia that we can one day look forward is a Somalia that we have the right machinations for.

 

Abdulahi Yusuf is the president of Somalia, let's not let qabiil enroach that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abdulahi Yusuf is the president of Somalia, let's not let qabiil enroach that.

 

I totally agree with you Horn, to some it was a surprise that Hiiraale's forces where celebrating in Kismayu and that they were shooting in the air. They did this beacause they wanted some good for their country.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this