Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xiisadda Eritrea iyo Itoobiya ma isku badeli kartaa dagaal toos?

Recommended Posts

Deeq A.   
Afwerki-Abiy-scaled.jpg?fit=2560%2C1536&

Asmara (Caasimada Online) – Masuul hore oo ka tirsanaa dowladda Itoobiya oo lagu magacaabo Dr. Mulatu Tashoma ayaa kashifay in Eritrea iyo Itoobiya ay dagaal damacsan yihiin, inkastoo wasiirka warfaafinta Eritrea uu beeniyey tuhunkaas, hadana waxaa la xaqiijiyey in ciidamada dalka Eritrea heegan buuxa la geliyey.

Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ma aha sidii hore, heshiiskii dunida ka yaabiyey shan sano ka hor ayaa burburay labadii sano ee la soo dhaafay, waxayna dhawaan labada dal bilaabeen inay si furan isku eedeeyaan.

Eritrea waxa ay tababar ugu yeertay muwaadiniinteeda ka tirsan ciidamada iyo kuwa kaydka ah ee dalkeeda.

Dhanka kale waxaa dhawaan magaalada Addis Ababa ka dhacay shir la sheegay in ay soo qaban qaabiyeen mucaaradka Eritrea oo ay ka soo qeyb galeen dad badan, kaas oo looga tashanayey sidii Afkerki looga tuuri lahaa xukunka uu weligiis heystay ee Eritrea.

Wadamada reer galbeedka ayaa lagu soo waramayaa in ay walaac ka muujiyeen wadahadallo qarsoodi ah oo lala yeeshay saraakiisha kooxda TPLF ee ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Hadaba maxaa burburiyey heshiiskii Hogaamiyayaasha labada dal ay kala saxiixdeen ee caanka ka noqday caalamka, kaas oo sababay in abaalmarinta caalamiga ah Nobel Prize la siiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed?

Madaxda Eritrea ayaa la sheegay in aysan ku faraxsanayn qaabka ay ciidamada Itoobiya uga baxeen gobolka Tigray iyo heshiiskii xabbad-joojinta ee Pretoria Koonfur Afrika.

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Asmara, waxa hawada laga saaray adeegyadii telefoonnada ee labada dal, Eritrea waxa ay xulafo la sameysatay Masar iyo Soomaaliya iyo dalal kale taas oo muujinaysa in xiriirka labada dal uu sii xumaanayo.

Eritrea waxay si cad ugu eedeeyeen ra’iisul wasaare Abiy Axmed ugu eedeysay inuu masuul ka yahay xiriirka xumaaday ee labada dal.

Mucaaradka Eritrea ayaa si bareer ah isu soo bax, igagoo magaalada Addis Ababa shir ku qabsaday, waxaana lagu dhawaaqay inay helayeen barnaamijyo warbaahineed, si afkaarahooda ka dhanka ah xukunka kaligii taliska ah ee dalkooda ka jira ay u soo bandhigaan.

Mid ka mid ah aqoonyahanada u kuur galay waxa hadda dhacaya oo lagu magacaabo Mr. Baisa Waqwaya, wuxuu ka mid yahay qareeno caalami ah, waxayna khibrad sannado badan u leeyihiin xallinta khilaafaadka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna aaminsan sidan “Uma maleynayo inay sax tahay in la qaldo umad isjecel oo aan bilowno in loo dagaalamo waxa ay rabaan madaxda,” ayuu yiri.

The post Xog: Xiisadda Eritrea iyo Itoobiya ma isku badeli kartaa dagaal toos? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this