Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta weerar madaafiic ah oo lagu qaaday degmada Aadan Yabaal

Recommended Posts

Deeq A.   
Hoobiye-1-scaled.jpg?fit=2560%2C2212&ssl

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar loo qadeegsaday madaafiic oo xalay lagu qaaday qaybo kamid ah gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaafiicda ayaa lasoo wariyay in lala beegsaday saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin halkaasi, balse ma gaysan wax khasaare ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in Al-Shabaab ay madaafiicda kasoo tuurayeen duleedka degmada, kadibna ay ka hortag sameeyeen ciidamada huwanta.

Sidoo kale, waxaa hawada sare lagu arkay diyaarado dagaal oo iyaguna dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay aagga degmada Aadan Yabaal, taas oo keentay inay kala firxadaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee soo gaaray halkaasi.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan baaris ku aadan weerarkaasi, waxayna sheegeen inay soo qabteen dad tuhmanayaal ah oo loo haysto inay hagayeen weerarka madaafiicda ee xalay lagu beegsaday degmada Aadan Yabaal.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana aagga degmadaas isku fidiyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda oo diyaar u ah inay ka hortagaan Shabaab.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa maalmahan culeys xooggan soo saartay kooxda Al-Shabaab oo dhowr weerar ka fulisay, iyada oo isku deyday inay dib ula wareegto deegaanno horay looga saaray, waxaana kamid ah Ceel Cali Axmed iyo Alkowsar.

The post Xogta weerar madaafiic ah oo lagu qaaday degmada Aadan Yabaal appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this