Sign in to follow this  
Deeq A.

Guleed Saalax: Daacish waxay aad Puntland ugu xoogaysatay lixdii sanno ee Siciid Deni xilka hayay

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250302_105625807.jpg?resize=720

Dr. Guleed Saalax Barre oo xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland ayaa sheegay in Argagixisada ISL ay aad u xoogaysatay lixdii sanno ee uu xilka hayay Madaxweyne Siciid Deni, kaddib markii Xukuumaddiisu dayacday Amnigii Puntland.

“Waxaa muuqata dayac masuuliyadeed oo aad u wayn oo ay tahay in la iswaydiiyo lagana xisaabtamo. 6 da sano ee Madaxweyne Deni xilka hayay waa waqtigii ay si mug leh u saldhigteen cadawga ISIS fursad wayn oo sidaas ay iskugu diyaariyaana ay heleen” ayuu yiri Guleed.

Dr. Guleed Saalax Barre oo si adag ugu dhaliilay Madaxweyne Deni dayaca Amni oo uu u horseedday Puntland, kaasi oo ay ka faa’idaysatay Argagixisada ISIS ayaa ka dalbaday in uu cudur-daar ka bixiyo mas’uuliyad-darradii keentay in wakhtiga intaasi le’eg Argagixisada lagu eegto Shacabka.

“Ha u cudurdaarto dadka reer Puntland si le’eg sida uu ugu faanayo guusha dagaalka. Sida aan ugu garab istaagnay dowladda dagaalkaan xaqqa ah si le’eg waa in aynu ula xisaabtanaa uuna u qaataa dayaca masuuliyadeed iyo hagrashada 6 dii sano ee cadawgu dhulka ku xididaystay” ayuu sii raaciyay Guuleed Saalax.

Siyaasi Guuleed Saalax Barre ayaa sidoo kale sheegay in loo baahanyahay isla xisaabtan dhab ah si aysan mar danbe u soo noqon dayaca Xukuumadda Deni ku samaysay shacabka Puntland, islamarkaana mudda lix sano ah aysan wax tallaabo ah ka qaadin Argagixisada ISIS oo is urursanaysay mudadaasi.

PUNTLAND POST

The post Guleed Saalax: Daacish waxay aad Puntland ugu xoogaysatay lixdii sanno ee Siciid Deni xilka hayay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this