Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Puntland oo fariisimo cusub ka qabsaday kooxda Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka Puntland ayaa dhul hor leh ka qabsaday Kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmis-kaad ee gobolka Bari.

Howlgal dhowr jiho ah oo ay qaadeen Ciidanku ayay ku guulaysteen in ay Daacish ka saaraan aagga deegaannada Curaar iyo Gaatir-oodan oo ka mid ahaa saldhigyadii ugu muhiimsanaa ee ay kooxdu halkaas ku lahayd.

Ciidanka ayaa goobta ugu tagay gawaari iyo mootooyin ay haleeleen duqeymihii ugu dambeeyay ee laga fuliyay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, waxaana sawirro aaggaas laga soo qaaday laga dheehan karaa burbur baahsan oo gaaray gaadiidkii iyo fariisimihii Daacish.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this