Sign in to follow this  
General Duke

Somali Parliment endorses reconciliation conference and commitee

Recommended Posts

Baarlamanka KMG ah oo maanta ansixiyay qorshaha dib u heshiisiinta qaran

 

 

Mogadishu 26, May.07 ( Sh.M.Network) Baarlamanka Somalia oo maanta ku kulmay magaalada Baydhabo waxa uu ku ansixiyay cod aqlabiyad ah qorshaha guddiga dib u heshiisiinta Somalia ee uu madaxda ka yahay Cali Mahdi Max’ed.

 

Kulankaan oo ay soo xaadireen in ku dhow 160 mudane ayay uga doodeen qorshaha shirka dib u heshiisiinta qaranka ee dhowaan dowladda KMG ah ay ku dhowaaqday in uu ku qabsoomayo magaalada Muqdisho bartamaha bisha June ee soo socota.

 

Dood dheer ka dib ayaa baarlamanka Somalia uu isku raacay in la ansixiyo qorshaha shirka dib u heshiisiinta qaran, iyadoo ilaa 151 mudane ay u codeysay halka 8 kalena ay ka aamustay sida uu ku dhawaaqay natiijada Gudoomiye K/xigeenka labaad ee Baarlamanka Somalia, Cismaan Cilmi Boqorre oo shir gudoominayay kulankaan.

 

Kulankaan oo uu ka qeybgalay Ra’isulwasaaraha Somalia, Cali Max’ed Ghedi ayaa Ra’isulwasaaraha qudbad dheer oo uu halkaasi ka jeediyay waxa uu kaga hadlay howlaha shirka dib u heshiisiinta qaran.

 

Geedi ayaa waxa uu sheegay in shirkaaasi uu yahay mid lagu heshiisiinayo beelaha kala duwan ee Somaliyeed ee khilaafka uu ka dhaxeeyay 16 ka sano, isagoo sheegay in guddiga shirkaasi hagaya ay ku shaqeyn doonaan axdiga KMG ah iyo siyaasadda dowladda Somalia.

 

Waxa uu sheegay inuu jiro in dadku ay kala saari la' yihiin guddiga qaranka ee dib u heshiisiinta ee baarlamanka kal hore uu ansixiyay iyo guddiga aan dowliga aheyn ee kal hore Baarlamanka uu ansixiyay, waxaana uu tilmaamay in gudigaasi uu ka mid yahay hay'adaha kala duwan ee dastuuriga ah halka gudiga aan dowliga aheyn uu howlihiisa ku eg yahay qabashada shirweynaha dib u heshiisiinta.

 

Kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta qaran Cali mahdi Max'ed uu gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu kulamo kula leeyahay hay'adaha deeqaha bixiya gaar ahaan hay'adda UNDP oo bixineysa qarashaaadka shirka.

 

 

Click here to find shabelle news in english

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

My point exactly....that building is a cemetary now...so they r gettin together on dead moms and their babies....Pigs

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^What building is a cemetary? Adeer the whole of Mogadishu is a big cemetary were many women, children and old menw ere ethnicly cleansed starting from 1991. Now the latest casualties were combatants the women and children were told to leave for their safety and now they are allowed to return. Unlike the bad bad old days.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Has this parliament ever rejected anything proposed by the puppet regime? If not, then it qualifies and it probably is the quintessential rubber stamp.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this