Sign in to follow this  
Cowke

Save The Children Hold Tournament For Ganbool Primary School. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Hay,adda Save Childareen oo maanta Koob gudoonsiisay Dugsiga sare ee Ganbool oo qaday Koobkii loo dhigay Dugsiyada sare ee Garowe(Sawiiro )

 

(Garowe) RBC; Waxaa maanta lugu qabtay xarunta Hay,adda cilmi barista Puntland ee PDRC Xaflad koob lugu gudoonsiinayay Dugsigii ku guulaystay koob kubadda Cagta ahaa oo ay qabatay Hay,adda Save Childaren oo ka mid ah Hay,addaha ka howlgala Puntland .

 

Xafladaa waxaa kazoo qaybgalay Masuuliyiin kala duwan oo ka kala socda Maamulka Dowlada Hay.adda Save Childareen iyo Kooxihii koobka loo qabtay iyo marti sharaf kale oo lugu casuumay .

 

Furitaanka Xafladaa ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan kuwaas oo dhamaantood sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tilaabadaa lugu hormarinayo sportska oo ay qaaday Hay,adda Save Childareen .

 

Koobkaan soo gabagaboobay ayaa waxaa ka soo qayb galay Afar dugsi sare ee Caasimada Puntland ka howlgala waxana koobkaa uu ahaa mid dhibca lugu kala qaadayay hasayeeshee waxaa ku guulaystay Dugsiga sare ee Ganbool ee Magaalad Garowe.

 

Wasiirka S/S/S portska Puntland Axmed Cigaalle Cawaale oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu amaanyo Save Childareen tilabada ay qabatay waxuuna ugu yeeray in dadaalkooda ay sii wadaan oo uusan intaa uga ekaan .

 

Cawalle ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in sportska kor loo qaado si Puntland uga dhaxamuuqato olambikada aduunka tartamada ay qabtaan waxuuna ku dhiiri galiyay dhalintii ka soo qaybgashay in dadaal dheeraad ah ay muujiyaan si ay u noqdaan kuwa dadaalkooda ugu suuragaliyo in tartamada aduunka ka qayb galaaan.

 

Cali Saciid oo ah madax ka socda Hay,adda Save Childareen oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkaan ay maanta gabagabeeyeen uu ahaa mid tijaaba ah islamarkaana waxa uu sheegay in ay hayaan mashaariic kala duwan oo loogu talagalay in dhalinta lugu hormariyo.

 

Sargaalkaa ka socda Hay,adda Save Childaren ayaa intaa sii raaciyay 2500 oo dhalan yaro ugu talagaleen in ay u abuuraan xirfado ay biri ku shaqaysan karaan sida in labaro Dhisida guryaha, Makaanikada, Korntada, iyo waxayaabaha kale ee farsamada gacanta, waxuuna sheegay in barnaamijayadaa ay yihiin kuwa ay dhamaan doonayaan in deegaanada Puntland ka fuliyaan.

 

Cali siciid waxa uu sheegay in barnaamijyadaas oo dahan ay la kaashan doonaan Uruurada dhalinyarada Gobalada ka jira kuwaas oo uu sheegay in ay ka qaadan doonaan hal Uruur oo arimahaa kala shaqeeya sida Uruurka MUDAN oo uu sheegay in Nugaal ka qaateen.

 

Waxa uuna ugu baaqy dhamaan dhalintii koobkaa Save Childaren dhigtay in ay isku sabraan, ku dadaalaan hormarinta Sportska oo ah is dhaxgalka Bulshada islamarkaana sumacad u soo jiidaan Puntland maadama ubixii soo koraayay ay yihiin.

 

Ugu danbayntii ayaa halkaa lugu gudoonsiiyay Dugsiga sare ee Ganbool oo ku guulaystay koobkii afarta dugsi ku tartamayeen waxaana sidoo kale xafladaa lugu bixiyay abaal marino ay Helen ciyaartooyga ugu fiican kan ugu akhlaaqda badan iyo kan ugu wanaagsan inkastoo xafladaa aysan soo xaadirin kooxda Imaamnawai oo koobka ka qayb gashay .

 

Waa Markii ugu horaysay ee muda dheer kidib koob loo qabto Dugsiyada sare ee Puntland islamarkaan uu si buuqa la,aan ah ku dhamaado waxana inta badan koobabka la dhigo ay ahaan jireen kuwa buuq dhaliya sababa in hakad la galiyo koobkaa.

 

RBC NEWS

 

Xafiiska Garowe

 

C/raxmaan ilkacase

 

121-300x225.jpg

 

313-300x225.jpg

 

216-300x225.jpg

 

49-300x225.jpg

 

514-300x225.jpg

 

74-300x225.jpg

 

82-300x225.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this