Sign in to follow this  
Kamaavi

Ethiopia: Worsening situation!.. Meles ooy ka taalo.!!!

Recommended Posts

Kamaavi   

Warar goosgoos ah oo wariyayaasha ONA ay noo soo direen:

 

Melas Zenawi oo lasheegay in lagu dawaynayo Cisbitaalka Saint Luke ee Balgiumka.

 

Warka nagasoo gaadhaya wadanka Biljimka ayaa sheegaya in Kaligii taliye Meles Zenawi uu yaalo Ispitaalka Saint Luke ee magaalada Brussels. Waa markii labaad ee mudo 6 bilood gudohood ah la dhigo isbitaal lagaga daweeynayo xanuun ka haleelay caluusha iyo isku buuq xaga maskaxda ah. Shaqaalaha Isbitaalka ayaa layaaban walwalka ka muuqda koox waardiye ah oo la socday kaligii taliye Zenawi.

 

Xanuunka ayaa loo malaymnayaa in uu sababay dhibaatada haysata maamulkiisa, dhaqaalihii dalka oo dhulka galay ka dib markay boob ugu dhaqaaqeen xubna ku dhow isaga oo afadiisa ay ugu horeyso. Sidoo kale waxaa sii xoogaysanaya mucaaradkii iyo iskacaabinta uu Wayaanaha kala kulmayo shucuubta uu xooga ku haysto. Meles Zenaawi ayaa la sheegey sababtoo u doortay Belgium in ay tahay iyada oo ay xidhiidh dhaw leeyihiin Ambassadarka Europe u jooga TPLFta oo layiraahdo Birhaane Gabrekristoos.

 

Jaamacadaha Itoobiya oo lasheegay inay buux dhaafiyeen dad Jaajuusiin ah.

 

Ardayda Jaamacadaha dhigata ayaa walwal ka muujiyay dad badan oo aan ahayn ardaydii la yaqiinay oo Jaamacdaha loo keenay in ay soo dhagaystaan dareenka ardayda iyadoo xisbiga TPLF uu ka baqayo doorashada soo socota in afka dhulka loo daro. Jaamacadaha sida gaarka ah wardoonku isha ugu hayo ayaa waxaa kamid ah: Addis ababa University, Baahirdhar University, Arbaminj, iyo Alemaya university. Sida la wada ogsoonyahay Jaamacadaha Itoobiya ayaa ah halka ay ka bilowdeen kacaanadii isbadal doonka ee lagu afganbiyay xukuumadihii ka horeeyay Kaligii Taliye Zenawi.

 

Ayaamahan danbe waxaa soo xoogaysanayay mucaaradada Ardayda, kuwaas oo ka cabanayay xadgudubka lagu hayo eheladooda iyo gobolada ay ka soo jeedaan. Wardoonka lagu so daad gureeyay Jaamacadaha ayaa muujinaya in cabsi weyn ay soo foodsaartay taliska Meles Zenaawi.

 

Macaluul ba'an oo ka jirta Itobiya

 

Dhawaan waxaa warbaahinta caalamku markale baaahisay in malaayiin dad ah ay gaajo iyo macluul u dhimanayaan dalka Itoobiya. Marka laga reebo Gobolada Galbeedka iyo Kufur Galbeed waxaa Itobiya gabi ahaanba soo foodsaartay cuno yaraan.

 

Xarunta Digniinta Macaluusha ee ay maalgaliso Hayada USAID ayaa shaaca ka qaaday in meelaha ugu daran ee ay macaluushu soo foodsaatay ay kamid yihiin Qoomiyadaha Gobolada koofureed, Oromia, cafarta iyo O'gadenya.

 

Xukuumada TPLF ayaa horey u sheegan jirtay in 19 kii sanoee ay xukunka hayeen ay dalka horumar gaarsiiyeen, gaar ahaan in beeralayda Itoobiya ay barwaaqeeyeen. Baahida macaluusha ah ee maanta soo shaacbaxday ayaa fashilaad ku noqotay xukuumada wayaanaha ee Itoobiya ka talisa.

 

Qayla dhaanta macaluusha ayaa siweyn uga caraysiisay Meles Zenawi waxuuna canaan kulul dusha uga tuuray hayadaha gargaarka isaga oo ku eedeeyey in ay buun-buuninayaan macaluusha ka jirta guud ahaan Itoobiya. Asbuuc kadib eedaas ayay xukuumada Wayaanuhu garwaaqsatay in ay adagtahay in laqariyo 12 million oo macaluul la’ildaran.

 

 

ONA

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faafan   
haa, Meles jabkiisii wax ka hadhey baa iska yar, maanta diyaar garow balaadhan waa in la isku diyaariyo sidaan fall-outka iskooga celino, itoopia oo qaraxdey waxey isku badali, aduunka dhibaatada oogu weyn...halganka dheer waa gabo gabo inshallah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faafan   

haa dhubad waa sidaa, 1990kii awoodeenii baa 77kii ku baa ba'day, laakiin maanta ciidan iyo awood aad u sareysay baa diyaar u ah.

 

dhinac ciidan, dhinac siyaasadba maanta waa loo mideysanyahay, aduunkana wuu ka warhayaa, waxey noqon nasoo kala gaadha, axmara iyo tigree halkaas bey sheekadu ku dhamaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Warar lagu baahiyay idaacada Ginbot ayaa sheegtay in xaalad caafimaad oo deg deg ah soo wajahday Melez Zenawi, warka ayaa intaas ku dareen in xaaladiisa cakiran tahay kadib si deg deg ah loola cararay Hospital lagu daweeyay hada kahor oo ku yaala Wadanka Bulgium, xanuunka Melez ayaa lagu sheegay in uu yahay xaga neerfayaasha iyo xiidmaha.

 

Xaaladiisa ayaa lagu sheegay inay tahay mid la xariirta xiidmaha sidoo kale cudurada ku dhaca nerfayaasha halkaas oo si deg deg ah loola cararay Hospitalkaas oo laba bilood kahor lagu daweeyay waa sida idaacada Ginbot hadalka u dhigtaye.

 

Warka ayaa wuxuu intaas ku darayaa in ay raaceen lix xubnood oo ah sirdoonka watana Number Codes ka Bastooladahoodana loo sharciyeeyay. Waxaana dhamaan lagu badalay safaaradii wadanka shaqaale kale kuwaas oo loogu talagay si aan warka u baxin loona ogaan, shaqaalahan ayaa dhamaan laga keenay Addiss Ababa ahna xubno ku abtirsada Qoomiyada Tigreega.

 

Ginbot Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this