Sign in to follow this  
Som@li

Djibouti oo cambaaraysan weerarkii cirka US

Recommended Posts

Som@li   

Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti, Maxamuud Cali Youssouf, ayaa cambaareeyay weerarkii cirka ee dhowaan ee Maraykanku ku qaaday Koonfurta Soomaaliya.

Wasiirka, ayaa sheegay in tallaabadaasi ay uga darayso xaaladdii keeni lahayd in lagu guulaysto nabad, waxaana uu intaasi ku daray in dowladiisu ay aad uga walwalsan tahay wararka sheegaya in dad rayid ah oo Soomaali ah ay ku dhinteen weerarada.

 

Mr Youssouf, ayaa qirtay in Djibouti aan horay loo ogaysiin weerarada cirka, kuwaasi oo la sheegay in laga fuliyay saldhig Maraykanku ku leeyahay dalka Jabuuti maalintii Isniinta.

 

Wasiirka arrimaha dibedda, oo wadankiisu uu xad la wadaago Soomaaliya, ayaa sheegay in faragalintii hore ee dibedda ee Soomaaliya in aan lagu gaarin natiijadii laga filayay.

 

Source--BBC

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this