Sign in to follow this  
Haashim

Tribalism poison + Nuclear poison

Recommended Posts

Haashim   

hav a look how they poisoned the neglected country

 

web page

 

If you become selfish like us this is your destiny.

 

 

Haddaad Afka Hooyo isku fiican tihiinna waxoogay waqti ah bal sii akhriska maqaalkaan

 

Xaqiiqda dhabta ah sunta lagu shubay Soomaliya

 

MASHRUUCII JASIIRADDII CUSBADA ( il progetto dell’isola di sale)

 

Bartamihii sanadihii siddeetameeyada ayaa Faransiiska iyo Maraykanaku ka shaqeeyeen mashruuca loogu magac daray “Jasiiraddii Cusbada”. Ujeeddada laga lahaa mashruucan baa ahayd in la qorsheeyo raadinta, helidda, marka hore, meelo lagu kaydiyo Sunta Nuclear-ka ee ka timaadda warshadaha waddamadaas iyo kuwa kalaba. Wajiga labaad oo mashruucani wuxuu ahaa in, marka meelahaas ama sites-kaas la helo, la karantiilo (go’doomiyo) deednna la difaaco militari ahaan.

Famiglia Cristiana (FC) wuxuu ka soo xigtay dad muhiima oo la xiriira degaanada sirdoonka reer galbeedka oo aan doonayan in la magacaabo in aakhirtu Maraykanaka iyo Faransiisku ay ogolaadeen taabbagalka mashruuca oo ay siiyeen “green light” si loo hirgaliyo kaddib markuu ku gudbay “feasibility exams-kii”.

Why This name? JASIIRADDA CUSBADA oo loogu magacdarayse waa tuma?

Inkasta oo magaca ay soo hoosgalayeen meelo badan oo mashruucu u gartay fulinta hawshaas haddana site-ka ugu weyn oo magacana laga qaatay, jasiiradda cusbada ee la sheegayaa waa XAAFUUN ee gobolka Bari oo sida la sheegay kayd cusbbo oo farabadani ku duuganyahay.

Sida uu qabo Mr. Aldo Anghese oo ah nin la shaqeeya Sirdoonka Talyaaniga, Xaafuun waxaa lagu doortay dabeecaddeeda juqraafiyeed: Waxay ku taal buu yiri meel lama degaana, dadka iyo duunyadubana ama ku yaryihiin ama aanay joogin. Waa meel si dabiici ah go’doon u ah buu yiri oo xagga badda maahee aan berri looga iman karin. Waxyaalaha lagu doortay Xaafuun waxaa ka mid ahaa tiiyoo ay adagtahay xataa in xagga cirka laga arko xitaa haddii diyaarad lagu dulmaro. Si kastaba ha ahaatee, FC wuxuu qabaa in documents-kii gabagabada ee mashruucaas, lagu codsanayey in la aasaaso meelo qalcadaa (punti di osservazione) oo loogu talogalay ilaalada iyo dhisidda difaac adag oo xagga hawada ah ama air defence shield.

FC wuxuu sheegay in meelaha kale ee mashruucan ka mida ay ku jirto meel ku taal woqooyiga Hobyo (Mudug) oo magaalada u jirta 10km xeebtana 5km. Suxufiyiinta FC waxay diyaarad ku aadeen, say sheegeen Hobyo si ay bal site-kan indhohooda ogu soo arkaan hase yeeshee waa u suuroobi weyday kaddib markii ninkii Pilot-ka ahaa baqdin awgeed diiday inuu dego. Sida ay qabaan site-kan Hobyood oo ay ku jirto sun aad halis u ah iyo qaar waliba radioactive ah waxaa ilaaliya ciidan Ajnabi ah. Waliba intii hadda hal sanaa si aada ayaa loo ilaaliyaa buu yiri ninkii nimankan waday waana nala soo ridayaa (anti-air) haddaan dulmarro.

 

URANO PROJECT:

 

Sannaddii 1987-kii dalka talyaaniga isagana mashruuc international ah baa laga qabanqaabiyey oo saldhigiisu ahaa magaalooyinka Roma iyo Milano. Mashruucaas oo la oran jiray URANO waxaa ujeedadiisu ahayd in saddex meelood oo lama degaanka Saxaaraha, Somalia iyo meel kale oo Asia ka mida lagu aaso caddad aad iyo aad u farabadan oo qashin suna iyo haraa chemicals ah oo noocyo badan isugu jira. 15-kii Agoosto ee isla sanadkaas ayuu dhacay ansaxinta mashruucaas oo ay saxiixeen niman KHAA’IMIIN ah oo kala yiraahdo: Elio Sacchetto oo ka socday shirkada Minera Rio de Oro iyo Luciano Spada oo ka socday shirkadda Instrumag. Yeelkeede, ninka mashruuca calanka u siday oo promotion-ka u samaynayey waxaa la yirahdaa Guido Garelli. sida baaritaan lagu helay Ninkan dambbe wuxuu ku shaqaysanjiray saddex Identity ama aqoonsi (saddex wajiile) oo kala ah: Mid Soomaali ah, mid Talyaani ah iyo mid Muwaadin Saxaaraha Galbeed (polisario).

Arrinta mashruucani maahayn mid qarsoodi ah, sida documents-ka laga akhriyeyna dhoofinta waskhdaasi waxay ahayd mid waafaqsan sharciga Talyaaniga iyo kan adduunkaba (International Law). Waxyaalaha lagu taxay inay meelahaa u dhoofimayaan waxaa ka mid ahaa expired insectcides, haraa daawoowyin iyo qashinka warshadaha iyo waliba, bay yiraahdeen, qashin haraa ah oo aan noocisa la aqoon.

 

Markii ay dhacday dawladdii Siyad Barre, aad ayay dadka hawlahan ku shaqi lihi isugu-baaqeen sidii mashruuca looga taabbogelinlahaa Somalia. Warqad ay wada jir ugu saxiixeen magaalada Nairobi24-kii June 1992-kii Mr. Garelli iyo nin la yiraahdo Ezio Scaglione ( Console onorario della Somalia) iyo ninka aadka loogu muransanyahay ee deggan xamar lana yiraahdo Marocchini baa laga akhriyey inay wadahadallo la yeelanayaan Soomaali si ay uga helaan dhul ay wasakhdaas ku aasaan.

Bilihii Agoosto iyo September ee isla 1992-kii ayaa xoghayaha hay’ada Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha degaanka (UNEP) ee fadhigeedu yahay Nairobi, Mr. Mustafa Tolba wuxuu ganay “qayladhaan” uu ka digayey shirkado Talyaani ah oo qashin sun ah ku quba Somalia. Ninkaasi wuu ka gaabsaday inuu sheego magacyada shirkadahaaas waayo, buu yiri, dad badan ayaan naftooda halis gelin lahaa haddaan magacyo sheegi lahaa.

Isla beryahaas waxaa la sheegay in Hargeisa laga dejiyey, lama sheegin sababta iyo sida toona, 81 kun oo litir oo ah sunta cayayaanka dhirta oo gabowday.

Hay’adda UNEP waxay sannadkii 1997-kii u dirtay Xeebaha Soomaalida qaarkood dad cilmibaarayaala oo uu hogaaminayey nin macallin Chemistry horay uga ahaan jiray Jaamicaddii Soomaalida oo la yiraahdo Mahdi Geeddi Qayad oo muddo bil ah soo wareegay xeebaha Mudug ilaa J. Hoose oo yaab badan soo sheegay.

 

Western Waste Dumping Activitries in Somalia (second party)

Sunta Soomaaliya Loo Dhoofiyo (qaybtii labaad)

 

 

Prof. Mahdi Geeddi Qayad (Mr. Qayad wuxuu macallin ka ahaa Jaamicaddii Soomaaliya) oo ah mid kamida ah la taliyayaasha hay'adda Qaramada Midoobey u qaabbilsan xagga degaanka iyo bey'ada ee UNEP wuxuu shaqadiisa xog iyo xaqiiqo raadiska ah bilaabay 10-kii bishii may 1997-kii. Gaba-gabadii baaritaankaas oo lagu soo sameeyey gobollo badan oo ka mida Somalia, gaar ahaan nawaaxiga xeebaha, waxaa lagu soo tebiyey wareysiyo iyo raad-raacyo aan yarayn. Laba arrimood baase xusid gaara mudan: Dhimashadii nin kalluumaystaa oo ku dhintay xeebta Baraawe kaddib markuu furay bac badda ka soo caariday oo aan la aqoon waxa ku jiray deednna wixii ku jiray ay ninkaas soo gaareen. Arrinta kale waxaay la xiriirtaa haan weyn (tank) uu dhererkeedu dhanyahay illaa 6 mitir oo iyana markeeda xeebta badweynata hindiya ka soo caariday ilaa haddana taal meel u dhexaysa Cige iyo Mareeg. Hay'adda UNEP waa ay qariyeen wixii ka soo baxay shaqada team-ka Mr. Geeddi hase yeeshee suxufidii talyaaniga ee baaritaanka sameeyey waxaa u suuragashay inay nuqul (copy) ka helaan report-kii shaqadaas laga diyaariyey oo ay ku jireen sawirro iyo vedeo-ba.

Suxufiyiintaasi waxay kaloo soo xaqiijiyeen jiritaanka meelo farabadan oo kamida Soomaaliya oo tobankii sanaddood oo ugu dambeeyey lagua aasay ama daadshay sun aad halis u ah. Dhulka koofurta waxaa ugu muhiimsan magaalada Jamaame ee aagga Kismaayo iyo nawaaxiga xeebaha Marka iyo Muqdisho. 19-kii bishii Agoosto 1996-kii, Ali Mahdi ayaa isnna si rasmi ah ogolaansho u siiyey nin talyaanni ah oo kamida kuwaan horay u soo sheegnay lana yiraahdo Ezio Scaglione si uu uga aasaaso meesha la yiraahdo Ceel-Baraf rug lagu kaydiyo iyo warshad sii kala hufta qashinkaas suntaa ee dibedda laga soo waarido. Waraysi ay la yeesheen Gen. Morgan ayuu isaguna sheegay in sida uu aaminsanyahay 1992-kii in Warsheekh oo woqooyiga Xamar ku taal lagugubay qashin haraa nuclear ah. Meelaha kale ee qashimadaas lagu duugay waxaa kamida bay yiraahdeen: Jawhar, agagaarka waddada Boossaasso - Garoowe iyo dhulka u dhexeeya gobolada Bari iyo Sanaag. Intaas oo berriga ah waxaa dheer kuwa badda oo qaar badan ay arkeen kalluumaysatadu.

Mr. Halifa Omar Darameh oo isnna u hadlayey isla UNEP arrimahani waa kuwo welwel weyn nagu haya cawaaqib-xumada ka iman kartana maaha mid soo raageysa oo qura ee waa mid deg-dega qorshahayaguna wuxuu ahaa inaan la dagaallano burcadnimada lagu hayo dhulka iyo xeebaha soomaaliyeed ee baylahda ah. Nasiib darro buu yiri lama ilaalin karo 3300 km oo xeeb ah.

 

DHIBAATADA ILAA HADDA QASHINKAASI KEENAY:

 

Waxaa aad ugu soo kordhay qaar kamida dhul xeebeedka sida agagaarka Marka kansarka ku dhaca carrabka iyo qanjirka Triode-ka. Waxaa la xaqiijiyey dhalashada dhallaan badan oo aan dhismaha jirkoodu ahayn mid caadi ah. Waxaan ilaa hadda la ogeyn natiijadii ka soo baxday baaritaan ay sameeyeen qaramada midoobey oo la xiriiray laba qarax (explosions) oo aad loola yaabay si isdaba joog ahna uga dhacay, taariikhdu markay ahayd 5-tii iyo 7-dii bishii Dicember ee 1995-kii dhulka u dhexeeya gobolada Sanaag iyo W/Galbeed tiiyoo laga maqlay iyadana gobolka Sool. Maalmihii qaraxyadaas ka dambeeyey dad badan oo goboladaas deggan baa dhibaato kala kulmay xagga neefsashada.

1997-kii dhulka xeebtaa ee u dhexeeya Mudug iyo Nugaal ayaa dad waxay cabbeen biyo ku jira foosto deednna si degdega ayey u sakaraadeen tiiyoo dhiig-bax caloosha, afka iyo sankaana lagu arkay. Aakhirtu qaarbaa u geeriyooday arrintaas awgeed intii kalana waxaa loo qaaday isbitaalka Médcine Sans Frontière ee magaalada Kismaayo. Arrintan mid aad ugu eg ayaa ka dhacday tuulo la yiraahdo Calanley ee gobolka Galgaduud bishii agoosto ee 1998-kii iyo Bulo- Barakoow oo ah gobolka Baay.

Bilihii Janaayo iyo Febraayo ee isla sanadkaas waxaa Shabeelada Hoose ku dhintay tobonaan qof oo lagu arkay dhiig-calooleed. Tani waxay kaloo ka dhacday Sh/dhexe (Cadale iyo Ruun Nirgood) isal sanadkaas bishii Juun.

Baaritaan uu sameeyay nin Caalim ah oo u dhasshay Algeria lana yiraahdo Khadem Amoudi ayaa sheegay in dhimashada faraha badan ee sannadadan ku timi geela soomaaliyeed ay u badantahay inay keentay sunta lagu aaso wadankaas.

Dr. Pirko Heinonen oo u shaqaysa UNICEF fadhigeeduna yahay Baar-dheere ayaa sheegtay in magaaladaas cudur aan la aqooni dadkii xasuuqay oo in kayar laba bilood gudahood ay ku dhinteen illaa 120 qof dhiig-bax sanka iyo cirridka iyo xummad baana astaan u ahaa.

Dossier-kii suxufiyiinta ka tagtay dalka Talyaaniga ee ka tirsanaa jaraa'idka la yiraahado Famiglia Cristiana oo toddobaadle ah iyo qaar ka tirsan joornaalka la yiraahdo " La Repubblica" oo isna maalinle ah (daily) waxay ku soo gabagabeeyeen in hadda dhawaan la dhawrayo in la soo af-jaro baaritaan ay waayahanbba wadeen maxkamado dhawra oo talyaani ah oo ku shaqo leh baaritaanka dhoofinta qashinka noocana iyo waliba hub iyo lacag xaaraan ah.

 

Waxaa soomaaliyeeyay oo soo diyaariyey:

Bashir Sh. Mohamed M. Hussein

Ancona - Italy

 

P.S: Waxaa Dossier-ka ka muuqdday oo ka mid ahaa Maps (khariiradda Somalia oo ay ku tilmaamanyihiin meelaha ugu daran ee suntaas lagu aasay) iyo sawirro ay kamidyihiin waxyaalaha badda ka soo caariyey

 

Warbxinta oo aan ka soo xiganay Familis Cristiana ayadoo talyaanin ah ka aqriso fadlan halkaan Riix

 

Fadalan fikirkaada ka dhiibo adigoona qof ku xadgudbeynin kuna soo dir imeelka ah ssomaliska@hotmail.com ama deyniile@hotmail.com

 

 

Warbixintaa waa mid dhab ah waxaana laga soo daayey ayadoo lagu cadeynaayo cadeymo TV Dubey Asbuucii hore waxaan meeshaasi cadeen buuxada ka soo saaray ninka u qaabilsan Qaramadamidoobay Qeybta Daawada ee Somaliya Asagana ayaa sheegay in uu haayo cadeemo badan iyo walib baaritaan ay sameysay qaramada Midoobay ay ku cadeyneyso in sun lagu shubay Soomaliya , waxa kale uu sheegay in uu u sheegay Siyaad Bare in uu joojiyo howshaan ay wado Talyaaniga mana iga soo jawabin ayuu ku yiri marka waa wax dhab ah ma ah ciyaar iyo hadal waa kaweentahay arinta, waxaa kale oo jira buug si fiican uga faaloonaayo dhacdadaan magaciisana la yiraahdo Germana Leoni Dohnayi Franca Oliva Somalia Grocevia di traffici Internasionali ,bugaan ayaa sheegaayo masuuliyiin badan oo aan hada taageersanah in ay ka qeyb qaateen dhimashada dadkooda iyogoo qaatay lacag ama hub kadibna ogalaaday in sun lagu shuba wadanlka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this