Sign in to follow this  
Cowke

Who Are Recognized Clan Elders Of Puntland. Editorial

Recommended Posts

Cowke   

Waa Kuwee Isimada Puntland?

May 15, 2010 | EDITORIAL, NEWS

 

Editorial

 

Dadka tariikhda yaqaan waxa ay tilmaamaan in magaalada Xuddun la yiraahdo ee gobolka Sool, ay ahayd meeshii dadka dega gobolada la isku yiraahdo Puntland ay ku heshiiyeen waxa loo yaqaan xeer *****, ayna ku heshiiyeen sida ay u qaybsanayaan Saldanada, magta iyo waxyaabo kale oo badan, waqtigaas waxaa lagu tilmaamaa qarnigii 17aad 1600 – 1700, sidey doontaba ha noqotee goobtii heshiiskaas ka dhacay waxaa loo bixiyey Xuddun, oo macnaheedu yahay meeshii lagu xuddumay xeerka *****ga.

 

Saldanada iyo magaca isimadu taariikh dheer iyo door shariif ah ayey ku leeyihiin bulshada degta Puntland, mar bay ahaayeen kuwo taladu iyaga ka go’do ardaaga ay ka taliyaan waxaa ku xeernaa garcas garasho iyo aqoon dheer leh kuwaas oo ka talin jirey beeshaas wixii dani ugu jirto, waxayna lahaayeen wakiilo meelaha aysan gaari karin.

 

Haddii aan taariikhdaas fog soo dhaweeye markii xukunka daakhiliga la qaatey sanadihii 50aadkii, waxaa gobolka Bari talo loogu noqon jirey isimo kooban oo magac iyo maamuus weyn bulshada ku lahaa, Boqor, Garaad, Ugaas iyo Sadex Beeldaaje.

 

Markii guumeystuhu yimid dalka waxaa is badalay xaalka Soomaaliya, waxaa la ridey saldanooyin badan oo waagaas jirey.

 

Qaar kamid ah isimadu waxa ay sii wateen taladii bulshada iyaga oo xubno ka ahaa Golihii Shacabka ee fadhigiisu Muqdisho ahaa sida Ugaas Yaasiin Ugaas Cabdiraxmaan iyo Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi Beeldaaje Maxamed, Garaad Cali Garaad Jaamac oo 60kii ku soo biirey iyo qaar kale.

 

Kadib markii talada dalka ay la wareegeen ciidamdii xooga dalka 1969, doorka isimadu waxa uu ahaa mid ku eg beelaha soo caaleema saarey, waxa ay ku dedaali jireen in beeluhu nabadgelyo kala helaan, deris walaalnimo lagu wada noolaado, wixii dhib ah ee dhacda xeer iyo xaal waayeel lagu dhameeyo, waxaana ay dawladda ka heli jireen mushahar yar oo aan ahayn wax la sheego.

 

Burburkii Dawladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, gobolada waqooyi bari waxaa taladii markiiba gacanta ku dhigay Isimadii gobolka, kuwaas oo tiradoodu aysan ka badneyn 10 isim, siyaasiyiintii SSDF waxa ay ahaayeen kuwo cayaara doorka arimaha dibadda una madaxbanaan, laakiin arimaha gudaha waxaa bud-dhig u ahaa Isimada talada u danbeysana ay ka go’i jirtey. Waxaa la tilmaamaa in ay ahayd markaas marka ay bilowdeen in isimo cusub oo aan soo jireen ahayn markaas la caleemo saaro, waxaana beelaha qaarkood caleema saareen isimo, waxaana arintaasi ay salka ku haysey beelaha caleema saarey isimada cusub oo aan horey u lahaan jirin Isin, isla markaana doonaayey in cadkoodu muuqdo oo aan qof kale mindida daabkeeda u qaban, laakiin muddooyinkaas ma jirin beel Isim iska lahayd in ay mid kale ka dhinac taagto.

 

Kadib markii ummadda Soomaaliyeed ay ku guuleysan waayeen in ay dhistaan dawlad ay u dhanyihiin oo lagu wada qancsan yahay, waxaa loo guntadey in la samaysto maamul ka balaaran kii ku koobnaa gobolada Waqooyi Bari, waxaana la isku raacey in Puntland la asaaso oo ay tahay dawlad goboleed, lagu baadi doono qaranimadii Soomaaliyeed, laguna sugo inta bulshada degta koonfurta Soomaaliya ay u bislaanayaan in la asaaso dawlad federaal ah, ergada shirkaas fadhidey waxay dhamaayeen 433 ergay oo ka kala socdey 5 Gobol iyo Deegaanka Buuhoodle, Waxaa saxiixey asaaskii Puntland 26 Isim oo keliya.

 

Gobolka Bari 8 Isim

Gobolka Nugaal 4 Isim

Gobolka Mudug 5 Isim

Gobolka Sool & Deegaanka Buuhoodle 6 Isim

Gobolka Sanaag 3 Isim

 

Waxayna qalinka ku duugeen 13 Bishii March 1998-dii, waxaana lagu tilmaamaa mid ka mid ah heshiisyadii ugu wanaagsanaa ee dhulkaas lagu qabto, inkasta oo siyaasiyiintu aysan weligoodba fulin balanqaadkooda laakiin maamulka oo ban cidla ah laga yagleelay heer wanaagsan ayuu gaarey maanta, inkasta oo uu qaangaar yahay haddana wax badan ayaa ka dhiman.

 

Kacaankii Isimada Cusub

 

Kadib markii Puntland la asaasey, waxaa soo baxdey oo muuqatay doorka weyn ee ay lee yihiin Isimadu, waxaana mid kasta oo magac jecel isku dayey in uu dorkaas qayb ka noqdo waxaana tusbax xariga laga jaray noqdey isimada cusub ee maalinkasta la cimaamadaayo, arimahaas waxa ay salka ku hayeen dhawr arimood kuwaas oo laga tilmaami karo:

 

Siyaasiyiinta qaarkood oo sameeya Isimada

Xuquuq iyo Sed raadin

Dhaqaale & Magacdoon

Isinkii hore oo nin jilicsan noqdey

 

Si kastaba ha ahaatee Isin kasta maalin maalmaha ka mid ah ayaa abkiisi hore la caleema saarey ama qarniga 21aad ayuu la saanqaadey oo waqtiba kama tegin, waxaase hubaal ah markii ay tahay mid ab ka ab ah way ka maamuus iyo sharaf badan, midda banka cidlada ah laga oodo. Reer guraagu markii ay meel cusub degayaan waxay reerka ku furaan xero laga baxay ama la degi jirey, xooluhu isla habeenkaankaas waa fariistaan, laakiin haddii ban cidla ah aad xero uga oodo, in ay la qabsadaan waa adagtahay, habeenkaasna istaag ayuu ugu dhamaadaa.

 

Waxaa in badan oo ka mid ah dadka indheergaradka ah ay isku raacsan yihiin, in faa’iidada iyo khasaaraha ka dhashey Kacaanka Isimada ay khasaarooyinku badan yihiin, waxaa meel hoose u dhacay magac weyn oo maamuus lahaa, waxaana qofku isku caddeeyaa in uu Isim yahay waa cimaamada midabka cas lagu xardhey ee meelkasta lagu iibiyo oo garabka la saarsado iyo koofiyad yar, waxkasta oo xeer iyo dhaqan ahaa ee Isim lagu soo xuli jireyna meesha waa ka baxdey.

 

Dastuurka Puntland iyo Isimada

 

Axdigii u horeeyey ee Puntland doorweyn ayuu siin jirey Isimada, talada u danbeysa iyaga ayey dib ugu laabaneysey, waxaa ka mid ahaa qodob ah, haddii dawladdu dastuur afti lagu ansixiyo muddo sadex sano ah ku diyaarin weydo waa jiritaan beeleysaa, waxaana talada ku wareegaysaa Isimada, arintaas oo ahayd middii horseedey dagaaladii ka dhacay Puntland sanadihii 2001 – 2003, ee Isimada Puntland naftirkoodu ay dhibane ku noqdeen kadib markii si gardaro ah lagu diley Suldaan Axmed Maxamed Hurre.

 

Dastuurka cusub ee hadda sugaaya in afti loo qaado door weyn ma siinaayo isimadda, waxaa ka hadlaaya qodobka 110 waxaana uu u qoran yahay sidan:

 

Isimada la aqoonsan yahay waa heerka u sareeya arimaha dhaqanka; Isimadu ma geli karaan arimaha xisbiyada siyaasadeed; doorka isimadda waxa uu ku soo koobayaa qodobka 110, faqradihiis 1-6, in uu yahay arimaha dhaqanka oo keliya, dastuurku ma caddeyn qaabka lagu kala garanaayo Isimada la aqoonsan yahay iyo kuwa aan la aqoonsanayn, haddii lagu aqoonsanaayo in aabahood iyo awoowayaashood ay salaadiin ahaayeen, waxaa jira kuwo Puntland wax ka asaasey oo Saldanada samaystey aabahood iyo awoowgoodna aysan Isim ahayn, waxaaba dhici karta in shirkii Puntland lagu asaasey ay guddoominayeen.

 

Haddii aan xeer adag loo samayn isimadda, kaas oo beelaha u qeexaaya tubta la doonaayo in ay qaadaan si looga fogaado sicirbararka Isimadda ku dhacay waxaa hubaal ah in markasta ay maamulka iyo Isimaddu labo waddo kala qaadayaan, mid maamulku waa ku saxsan yahay Isimo u dhigma Baarlamaanka Dawladda Federaalka meel la geeyo malahan, waxaa jirta aragti ah Isimadda iska lahaa ansixinta xubnaha galaya Golaha Wakiilada ayaa asal iyo marjac dhaqanka u ah, waxaase isweydiin mudan Beelaha qaar ayaa jira xubnoba aan ku lahayn Golaha Wakiilada, haddii aysan ku lahayn Isimkoodu talada dalka aragti kumalaha miyaa, waa arimaha u baahan in si wanaagsan loo qeexo, waxkastana caddaladda gundhig looga dhigo.

 

Isimadii ku shirey Bosaso

 

Todobaadkii la soo dhaafey isimo gaaraya 28 Isim oo dhamaantood ah kuwii gadaal ka samaysey ayaa Madaxweynaha Puntland dhaliil xoogan u jeediyey, isimadan xaq waa u leeyihiin in ay shiraan, dastuurka Puntland waxaa ku cad in qofku aragtidiisa xor la yahay isla markaana cabbiro karo si furan, haddii aanu ka shaqeyneyn nabadgelyo xumo, laakiin isimadan ma aqoonsan yihiin dastuurka Puntland haddii ay aqoonsan yihiin iyagu waa ka duwan yihiin dadka caadiga ah, marka hore shir aysan isimada oo dhan u dhamayn in magaca Isimada ay ku hadlaan daw maahayn, marka labaad doorka dastuurku siinaayo waa in ay arimaha dhaqanka ku ekaadaan iyo heshiisiinta beelaha, hawshii ay iska lahaayeen ayeyna maamulka ku eedeeyeen ee ahayd heshiisiinta beelaha, arinta ugu daran waxa ay ahayd iyaga oo ku dhawaaqey Shir deg deg ah la isugu yimaado kaas oo looga arinsanaayo aayaha Puntland, miyeysan taasi ahayn burbur iyo fawdo umadda loo horseedaayo.

 

Jawaabta Isimada Soojireenka ah

 

Isimada soo jireenka ah oo muddo dheer indhaha ka qarsanaayey ninka dhahaaya isimada Gobolka Bari ayaan afhayeen u ahay, oo afhayeenimadaas waxna ku taageera waxana ku canbaareeya in ay u jawaabaan gar iyo daw ayey ahayd, sababtuna waa qof aan ii hadal ku oran in aad ku hadasho magiciisa waa meel ka dhac, anigu makala faddilaayo oo ninwalba reer ayaa caano ku shubtey ama isaga ayaa caano isku shubey, laakiin haddii isimku ka soo talaabo arimihii Beeshiisa oo uu u soo talaabo arimaha guud waa lama huraan in jawaab laga baxshaa.

 

Jawaabta Madaxweynaha & Kala doorashada hadalka

 

Kadib markii warbaahinta uu ka hadley Suldaan sheegtey in uu afhayeen u yahay isimada Gobolka Bari ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo arintaas ka hadlaaya ku tilmaamey ninkii u hadley raggii eedeeyey Madaxweynaha in uu yahay nin argaggixisadu soo dirtey aabihiis iyo awoowgiisna aysan isin ahayn, argagixisaduna ay isimada gashey, hadalkaasi maahayn mid daw ah mana ahan hadal loo isticmaalo shacab aad madaxweyne u tahay, kala doorashada hadalkuna waa wax weyn, waxaa jira laba erey oo isku macne ah laakiin hadba kii aad doorato ay wax kuugu dhismi karaan ama kaaga dumi karaan, mid xun iyo mid wanaagsan, mucaarad iyo mu’ayidba Madaxweynuhu waxa uu yahay Madaxweyne, waa markii labaad oo ay arintaani dhacdo waxaa ka horeeyey Nabadoon Cabdicasiis Afguduud oo tuug lagu sheegay,Rabbi ha u naxariistee Cali Cilmi Afyare oo Bakheyl uu muddo dheer soo haybinaayey oo sooryo uu filaayey iska dhaafe soo dhaweyn ka waayey ayaa yiri:

 

Waxba yaanuu ku siinee haddii uu ku hawili waayo; Oo hadalka kaan laga heshiin kuugu horeysiiyo; hah mawaad hureysaa allow lagu……..si kastaba ha ahaatee khudbad yar oo Madaxweynuhu ka jeediyey Masjid ku yaala Garoowe taas oo ku aadanayd bulshada ********iya ayaa daaweynteedi muddo dheer qaadatay, waana muhim in hoggaamiyuhu hadalka soo jiidashada, midnimadda iyo walaalnimadda ku dhisan uu markasta doorto, kana fogaado hadalka kaan laga heshiin.

 

Nidaamka Xisbiyada Badan

 

Sandkaynu joogno waa 12 guuradii Puntland, nidaamka beelaysan waa mid dhib iyo shiddo badan waa mid dib u socod ah, waa mid kii karti iyo aqoon lahaa dib u dhigaaya, qofwalba taariikhda waxbaa u gala oo ka hara, kooxda haysa talada waxay hastaan fursad weyn oo ay ku hirgelin karaan balanqaadkoodi ahaa in nidaamka Xiasbiyada badan Puntland laga hirgelinaayo, qofwalbana dhaxalka uu dadkiisa uga tago ayaa loo ayaa, waxaa la soo gaarey xiligii la hiigsan lahaa han sare, aduunka tegayna dhinac laga raaci lahaa.

 

Digniinse waxaan u iri hadal yaroon ugu danbeysiiyay

Gudiyahay docdiinaa khalqigu wada dayaayaaye

Dusha waxaad ku qaadeen culays dayn ka xoog badane

Dariiqaad fashaan baa hadhow laysku daadihine

Haddaad idinku dalabyeelataan kala didweeyaane.…….(Waxaa tiriyey rabbi ha u naxariistee Afyare)

 

Ismaaciil X.Saciid

Editorial | ©2010 Horseed Media.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this