Sign in to follow this  
Juje

DKMG ah oo ishortaagtay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta

Recommended Posts

Juje   

Mogadishu 10, July 07 ( Sh.M.Network)- Dowladda Somalia ayaa ka hor istaagtay wafdi dhaqaatiir ah oo ka socda ururka Jaamacadda Carabta in ay soo galaan magaalada xarunta ah ee Muqdisho si ay kaalmo caafimaad ugu fidiyaan dadka ku dhaqan dalka Soomaaliya.

 

Waregeyska sharqul Awsat ee kasoo baxa carriga Ingiriiska ayaa kasoo xigtay saraakiil ka tirsan ururka Jaamacadda carabta in xoogagga amaanka Somalia ay u diideen 6 dhakhtar oo u dhashay waddanka Masar oo qeyb ka ah wafdi ka socday jaamacadda carabta in ay soo galaan magalada Muqdisho in kastoo dhakhaatiirtaasi ay siteen baasaboorro dal ku gal leh iyo document xaqiiq ah .

 

Xog-hayaha guud ee ururka Jaamacadda carabta Camar Muusa ayaa wafdigan u soo diray dalka Somalia si ay gacan bini aadannimo oo dhinaca caafimaadka ah ugu fidiyaan tobannaan kun oo Soomaali ah xilli Isbitaallada magaalada Muqdisho ay la liicayaan dhakhaatiir yari iyo dawo la’aan .

 

Durbadiiba waxaa xiriir dag dag ah arrintaasi maalintii shalay ka yeeshay dowladda Masar iyo xukuumadda Somalia si xal looga gaaro arrinta dhakhaatiirtan hase yeeshee xiriirradaasi wax natiijo ah kamaanay soo bixin.

 

Waftigan Dhakhaatiirta ah ayaa markii loo diiday in ay kasoo dagaan garoonka diyaaradaha magalada Muqdisho waxa ay u weecdeen oo ay ka dageen magaalada Jabuuti ee waddanka jabuuti iyagoo halkaasi ku sugaya bal in dowladda Somalia ay dib uga laabato go’aankeedaasi kadiska ah ee ay dhakhaatiirta ugu diidday in ay soo caga dhigtaan Muqdisho.

 

Wargeysku waxa uu leeyahay saraakiil ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyay in wafdigan oo horay uga shaqeeyay magaalada Muqdisho uu xiriir la leeyahay golaha maxaakimta Islaamka .

 

Saraakiishu waxa ay sheegeen in waftigan dhakhaatiirta ahi uu si suuq madow ah dawooyinka u siiyo dhinacyo ka baxsan xukuumadda Soomaaliya .

 

Eedeymahaasi ayaa waxaa si kulul u beeniyay saraakiil ka tirsan dowladda Masar iyo ururka jaamacadda carabta iyadoo saraakiishaasi ay tilmaameen sida aadka ah ee ay dowladda Masar uga xuntahay mowqifka dowlada Somalia ay ugu bareertay in ay isku hor taagto howlaha bini aadanimo ee uu waday wafdigaasi.

 

Maaha khilaafkii ugu horreeyay oo soo kala dhex gala dowladda Somalia iyo ururka jaamacada carabta iyadoo horay ay dowladdu ugu eedeysay Jaamacadda carabta in ay u janjeerto dhinaca golaha maxaakimta islaamka Soomaaliyeed.

 

 

Click here to find this article English

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this