Sign in to follow this  
Jacaylbaro

A Big Slap On President Rayaale's Face - A Good Sign of Democracy

Recommended Posts

Hargeysa (SDWO - 12/09/07)- Ergadii dhexdhexaadinta, ayaa markii u horreysay si rasmi ah shaaca uga qaaday cidda fulisay iyo cidda aan fulin ee ku fashilantay.

 

Shir-jaraa’id oo ay wadajir u qabteen u shalay Guddoomiyiihii Ergada Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), ayaa waxay si qotodheer uga xog-warrameen marxaladihii kala duwanaa ee ay ergadoodu u soo mareen hawshii dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed, iyaga oo Madaxweyne Rayaale ku eedeeyey inuu waxba ka fulin go’aamadii ergada ee uu hore u ballanqaaday inuu fulin doono, waxaanay si cad daboolka uga qaadeen in go’aamadii ergada ee laga sugayey Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu ka dhego-adaygay fulintooda, iyaga oo isla markaana dusha u saaray Madaxweynaha guuldarrada xallinta khilaafaadka dhexyaal golayaasha qaranka.

 

Hadal dheer oo uu shirkaa jaraa’id ka jeediyey Abwaan Hadraawi waxa uu ammaan ballaadhan u soo jeediyey saxaafadda dalka isaga oo xusay in ay warbaahintu tahay laf-dhabarta wacyigelinta iyo kala war-qaadashada bulshada, waxa kale oo Abwaanku ka warramay sidii ay ergadii dhexdhexaadintu ku samaysantay iyo go’aamadii ay soo saartay ee dhinacyadii madasha wada fadhiyey aqbaleen, isaga oo xusay in dhinacyadii khilaafaadku ka dhexeeyeo ku martiqaaday guddiga in ay go’aan soo gaadho oo markaana soo dhex dhigaan, muxaafidka, mucaaridka iyo golayaasha qarabkaba, wuxuunna Abwaanku sheegay in guddiga sidii ay maslaxadd u aragtay soo dhex dhigtay darafyadii is hayey oo sidaana lagu guddoonsaday, rajadii bulshada ay soo noolaatay, go’aamadiina qolo waliba dhinaceeda wixii ka khusaysay aqbashay, waxa uu intaa raaciyey Abwaan Hadraawi in go’aamadii lagu wada heshiiyey aanay qaarkood ilaa maanta la fulin, kuwaas oo uu ku sheegay Abwaanku in ay yihiin kuwii ugu cuscuslaa, “Waxa ayaan-darro ah in go’aamadii inkastoo markii la isla aqbalay oo cid waliba intii ka khusaysay ay tidhi sidaasaan ku fulinaynaa, haddana in aan go’aamadii ilaa maanta qaar ka mid ah oo waliba kuwo aad u cul-culus ahi aanay fulin, annaguna dabagal uun baanu nahay oo sidii baan u sugaynaa ballanadii iyo guddoonkii la iskla qaatay in la wada fuliyo.”

 

 

 

Abwaan Hadraawi waxa uu carrabka ku adkeeyey in geesinimadu aanay ahayn is xiniinyo taabad, isdhafoor-taabad iyo in awoodaha la isku adeegsado isaga oo arrintaa faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; “Horta geesinimada iyo go’aan qaadashadu maaha uun is xiniinyo taabad, is dhafoor taabad, maaha awoodaha oo la isku adeegsado, maaha nin waliba halkiisa in u dhufays soo galo oo yidhaahdo halkaa dhaafimaayo. Geesinimadu waa samirka iyo dulqaadka, waa go’aan qaadashada, waa tasaamuxa, waa qiimaynta xaaladaha jira, waa maslaxadu maxay ku jirtaa, waadib u dhigashada arrimaha qaarkood iyada oo laga digtoon yahay badbaada, wada jirka iyo maslaxada guud iyada oo la xeerinayo in tanaasul la sameeyo, dabacsanaan la muujiyo oo sharcigu waa la jiifiyaana bannaan la joojiyaana bannaane qofku marka uu isdifaacayo meel uun xejisan ee sharafta iyo magaca ku daddaalo, qofka masuulka ahna waa in astaamaha qaranimadu ka muuqataaa.”

 

 

 

Waxaanna uu Abwaanku xusay in xaaladaha dalka ka jira la qiimeeyo oo qofku werwerka galo dalkiisa. “Waxaa aad u fiican in xaaladaha jira la qiimeeyo, qofku haddii uu miyirku ku sugan yahay oo xaaladaha jira la qiimeeyo, qofka werwer baa galaya, haddaanay waxani badheedh ka ahayn oo ha dunto oo lagu kala dhaqaaqo ahayn dee qofku waa is-badh-qabanayaa oo waa warbaa galay oo masuuliyad baa jirta cid berito baxsanaysaana ma jirto, haddii aan masuuliyaddu sida ay tahay, dal dhan iyo dad dhan baa masuuliyadooda dusha lagu qaaday markaa waa in masuuliyaddaa sideeda loo ilaaliyo cidda maanta masuuliyadda ugu culus haysaana waa Madaxweynaha, waana in uu ilaaliyaa xayndaabkeeda aan laga tallaabsan karin.”

 

 

 

Abwaan Hadraawi oo iftiiminayey dulucda ujeeddada shirka jaraa’id ay u qabteen waxa uu yidhi; “Qodobaddii aasaasiga ahaa ee saddexda ahaa ee lagu wada heshiiyey, ee ahaa in labadii nine e Komishanka dib loo celiyey mar kale la hor geeyo Golaha, ta laabaad oo ahayd in Miisaaniyadda sidii Golaha Wakiilladu ku soo gudbiyey aan la furfuran oo sidii ay Golaha Wakiilladu ku soo gudbiyeen loo fuliyoa oo aan iminka sababo kale iyo cudur-daarro kale la keenin, kala googayn iyo rifid aanay midna galin, qodobka saddexaadna waxa uu ahaa nimanka xidh-xidhan ee QARAN, annaga sharciga waana laga badiyaa, ma sharci bay ku xidhan yihiin mise sharci-darro ayey ku xidhan yihiin, taas waa la qeexi doonaa, laakiin sida aannu u soo jeedinay ayaa ahayd in la sii daayo, sidii aannu u soo dhignayna mar haddii loo qaatay waa in loo fuliyaa wixii aannu golaha keenayna in daaqada laga tuuraa xaq naguma aha, waxa annaga noo qornaa marka la erayeeyo wuxuu ahaa in raggaa xidhan la soo daayo ninba sida uu doonayo ha u dhigtee, haddii la doonayo in la soo daayana waa la soo dayn karayaa iyada oo dhul fog, dhiib iyo sharer aanan lagu gudbin, maslaxad bayna u tahay ummadda oo dhan, Madaxweynahana sharaf bay u tahay walina waxa aannu taaganahay sidaasaan u nidhi in la siidaayo in fuliyo.”

 

 

 

Waxa kale oo Abwaan Hadraawi u mahadnaqay Shirguddoonka Golaha Wakiillada oo ku ammaanay inay fuliyeen qodobkii ka khuseeyey go’aamada ergada.

 

 

 

“Waxaanna nala gudboon in aannu ummadda u sheegno ciddii waxnaga aqbashay in aannu nidhaahdo cidaas way naga aqbashay, ciddii aan naga aqbalina aannu nidhaahno cidaas nagamay aqbalin ilayn hadalka lama agtaagee, waxaan halkan ka caddaynayaa Golihii Wakiilladu si sharaf leh ayey nooga qaateen, hadalka ninka aan runta ka sheegin wax ka daran buu ka sheegaayo been buu ka sheegaa baa la yidhi, Madaxweynuhu nagamuu qaadan isagayna guul u ahayd in uu naga qaato, isagay lib u tahay haddii salka laga fadhiisto, waxaan ka filayey in uu isagu ka ugu horqaata noqdo wixii uu naga aqbalay.” Sidaa waxa yidhi Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), waxaannu intaa in Madaxweynaha ay kulankoodii danbe ugu tageen wax ka yaabiyey, “Markii aannu Madaxweynaha u tagnay anigu [Gaarriye] yaab buu Illaahay ii keenay, wuxuu iigu keenay ninkii waxnaga aqbalayba muu ahayn ee aannu ka tagnay. Horta markaanu u tagnay dhawr iyo toban cisho ayaa ka dambeeyey wixii uu naga aqbalay, markaa aannu meeshiisa tagnay albaabka waa nalaga xidhay oo waana loo aamusay oo naloo dhegooleeyey, waxa nala yidhi odaygu wuu mashquulsan yahay, odaygu [Madaxweynuhu] muu mashquulsanaan jirin markii hore ee markii dambe mashquul buu noqday, markii dambe ee aannu u tagnay wuu naga furay albaabka, laakiin ninkaanu u tagnayna muu ahayn ninkii adraaftii is haysay wax wada aqbaleen ninkii joogay muu ahayn labadii qodob ee uu qaatayba iyaga oo gar garoocan buu noo sheegay, waxaan halkan ka caddaynayaa in uu gar-darran yahay oo gar-darrada leeyahay.”

 

 

 

Isaga oo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) si toos ah ula hadlayey Madaxweyne Rayaale waxa uu yidhi; “Madaxweynow wali labadii qodob ee lagaaga fadhiyey way kuu yaalaan, wixii maalintii dhawayd aad nagu soo tidhina wax ummadda aannu ka iibino oo cuntamaaya maaha, waxaannu kaa codsanaynaa adagay dani kuugu jirtaa oo dadkay dani ugu jirtaa ragga hareeraha kaa fadhiya ee talada xun, talladooda ha yeelin, annagu marka aannu kula talinayno wasiirnimo ma doonayno, lacagna ma doonayno, darajana ma doonayno, laantaasaanu [somaliland] doonaynaa in ay jirto oo aanay innagu dumin, waxaannu ku leenahay wakhti badan oo aad dib u sii dhigataa mayaalo, waxaad nagu tidhi waan ka soo tashanayaa nimanka sii dayntooda, Madaxweynoow ilaa goorma, su’aashaydu waxa weeye ma ilaa kal danbaa, hadalkaagii waxa ka mid ahaa Madaxweyne Iidahaan wax cafiyaa tallow ma tuugtaad cafinaysay raacayaan? Mise waxbaa ka horreeya hadalka ilayn halkiisa loogu tagaaye, Madaxweyne ilaa wakhtigeenu ku sugnaa ilayn waxa haddii aanay wakhti lahayn macno malahee, Madaxweyne waxaan ku leeyahay markaad leedahay cafis baan ku sii daynayaa nimankan waa niman siyaasiyiin ah dadka ciida madaxa looma galiyo si kale u fakir, meel kale uga wareeg hadalkaagii dadkana taasaan markhaati uga dhigayaa, taynu goonida isula nimid ayaad maanta dadka markhaati uga dhigayaa, waxaan leeyahay awood sheegasho in iyo ninkii iga horyimaada dhulkaan jiid-jiidayaa Madaxweyne, waxaannu ku leenahay Maxamed Siyaad Barre ayaa eeday taa waxaad sharaf kuleedahay oo maalintaad ka degto odaygayagii ku tahay markaad noo dhego wadaanato ee aad na dhagaysato, markaasaad Madaxweyne noo tahay, annaguna haddaanu ku nidhaahno waar waad qaldantahay ha u qaadan in aannu kula dagaalamyno ee kuwa hoosta kaaga jira eek u leh waad haggaagsan tahay taayadaa kaaga naxariis badan, waxaan kaa codsanayaa labadii qodob agtaaday yaalaane, miisaaniyadana ha kala gargaroocan ee digrayto ku soo wada saar, nimankiina sida aannu kuugu sheegnay adiga oo aan wakhtiga dheerayn waddadeeda mar wixii waxaa ka yarina ma soconayaan in aad shuruud la’aan ku soo dayso, inaad xuquuqdoodii siyaasiga ahayd u soo celiso, lagaamana yeelayo ha dooranina waxna ma dooran karaan, Madaxweyne waa ha ila tartamina taasiye ka daa adagaa kumaa wanaagsanee, hadalkaana waxaan u balbalaadhinayaa dadkaan markhaati uga dhigayaa in ay isku keen dhagaystaan.”

 

 

 

Intaa kadib, qaar ka mid ah su’aalihii la weydiiyey labada hal-abuur iyo jawaabihii ay ka bixiyeen waxa ka mid ahaa:

 

 

 

Su’aal: Waxaad tidhi Madaxweyne talada aannu ku siinaynaa waa talo nasteexa, waxaanad carabka ku adkaysay kuwa kugu naban ee aan talada nasteexa ku siinayn ha dhagaysan. Waa kuwee kuwaasi?

 

 

 

Jawaab: Abwaan Gaarriye: Waxa ka mid ah nin wasiir-ku-xigeen ah oo maalin dhawayto ka akhrideen joornaalada oo yidhi Madaxweyne cid kaa saraysaa ma jirto, talana adiga ayuun bay kugu go’daa, waxaan anigu ku leeyahay Madaxweyne waa lagaa sarreeyaa oo shicibka ku doortay baa kaa sarreeya.

 

 

 

S: Ergo dhexdhaaxdineed baad ahaydeen, shirkiinan jaraa’idna si adag baad ula hadasheen Madaxweynaha, talooyin badana waad u soo jeediseen, kolkaa markii aad Madaxweynaha la kulanteen ee aad hor fadhideen, sidan aad iminka u hadlaysaan ma ula hadasheen oo ma ula taliseen?

 

 

 

J: Gaarriye: Haa….haa, waanu isla afbaxnay, waliba siiba waxaan iskula afbaxnay qodobka nimanka xidhan, ayaanu aad isula afbaxnay, oo nidhi ka daa tani kuu socon maysee oo waji kale uga wareeg, waana ta ku dhalisay in uu nagu yidhaahdo bal waddooyin kale ayaan eegayaa, markaa waanu iskula afbaxnay, si adagna waanu ula doodnay

 

 

 

S: Ergadiinu markii aad arrintan dhexdhexaadinta gelayseen dhinacyadii ishayey baad isugu yeedheen oo isa soo horfadhiisiseen, markaa maxaa idiin diiday inta aad iminka shirkan jaraa’id qabanaysaan in dhinacyadii ishayey mar kale isugu yeedhaan una sheegtaan go’aamadiinii wixii ka fulay iyo wixii baaqday?

 

 

 

J: Gaarriye: Markii hore ee wax nalaga aqbalay ee isku wada keenay shir-jaraa’id uun baanu qabanay oo aannu dadka ku wargelinaynay in go’aamadayadii la aqbalay, cidda damiirkayagu wax u sheegayaana waa shicibka, ilayn annaguba shicib baanu nahay oo awood badan malihine, iminkana wixii soo baxay shicibkuun baanu uga warramaynaa dhinacyadiina ay ku wada jiraan, ilayn iyaguna shicibka aannu la hadalayno ayuun bay ka mid yihiin.

 

 

 

Source: Jamhuuriya, Sept 12, 2007

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Awood Sheegasho iyo Ninkii iga horyimaada dhulkaan jiid-jiidayaa, Madaxweyne [Rayaale] waxaa ku leeyahay Siyaad Barre ayaa eeday taa, waxaad sharaf ku leedahay oo aad Madaxweyne ku tahay oo aad odaygayagii ku tahay markaad noo dhaga wadanaato, ee aad na dhageysato”

HERE

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadrawi_gaariye.jpg

 

Hargeysa, Somaliland, September 15, 2007 (SL Times) – In a press conference held on Tuesday in Maansoor hotel, Hargeysa, the arbitration committee which mediated last month the long stand-off between the president and the lower house of parliament has called on president Rayale to fulfill his part of the committee’s three point accord.

 

The chairman of the arbitration committee, M I Warsame (Hadrawi) along with a leading member of the committee M H Dhama (Gaariye) urged the president to honor the promise and pledge made to the arbitration committee where he had initially agreed to release the detained Qaran party leaders and accept the implementation of the 2007 national budget which was amended by the lower house of parliament early in the year.

 

The agreement that the arbitration committee persuaded the president and the lower house chair committee to accept had these clauses: (1) The lower house of parliament would vote a second time on the upper house nominated electoral commission candidates; (2) The president accepts the 2007 national budget amended by the lower house of parliament, 3). The detained Qaran leaders should be released unconditionally and their political freedoms should be restored.

 

In the press conference, Hadrawi and Gaarriye said they were dismayed that the president has decided to back-out of the agreement after the lower house of parliament had fulfilled its part of the pledge thus ending a long-standing dispute between the government and the lower house of parliament over the electoral commission candidates.

 

President Rayale, in a meeting held last Saturday with the arbitration committee, made it known to them that he is in no position to endorse the 2007 national budget amended by the lower house [in it’s entirety] and that he was prepared to pardon and release the detained Qaran leaders, only after receiving, a written request from them for his presidential pardon.

 

Hadrawi said, “we are thankful to the lower house for fulfilling its pledge and honoring us and the nation, they deserve our commendation and respect. Unfortunately, I wish I could say the same for the president. The president has stated that there is a formality which cannot allow him to simply release Qaran leaders from their imprisonment because a court of law has made a ruling against them and found them guilty to crimes against the state and that they must first write a request for a presidential pardon before they can be released from prison. Regarding the national 2007 budget amended by the lower house, the president has said that the 2007 budget cannot be implemented by his government at this given moment because the time frame for this budget will almost expire in a few months time and that his government is willing to use only the allocated money for the local elections in the 2007 budget and the money designated in the budget for the conversion of the old Somalia currency to the Somaliland shilling in Buroa and eastern regions.”

 

Gaariye was more blunt and critical of the president’s stance. He emphasized, “We as the arbitration committee have to tell the truth to the people of this country. We cannot beat around the bush and at the same time say that we mediated and the lower house had fulfilled its pledge to the committee and the nation, while the president, for reasons of formalities could not complete on his part all the points in the accord. I will say and state that the president has failed the nation and has broken his pledge to the arbitration committee. The president has not fulfilled what he had pledged to us and the nation. The lower house of parliament has accomplished what they pledged to us and the nation and I honor them for doing this. I give my sincerest advice to the president. Mr. President, you cannot continue to lead this nation without being true to your words and the law of the land. We are all witnesses to what happened to Siyad Barre when he thought that he could do whatever his folly desired, and you’re bound to end up worse than the fate of Siyad Barre because he had a strong and powerful state which was recognized internationally. You have a state which is weak and impoverished. Mr. President, I advise that the little we have put together in Somaliland that you don’t rip it apart to pieces and destroy it for the mere sake of wanting to be seen as strong and resolute. Be brave and save this nation from those around you who are bent on misleading you with their crooked and fabricated lies. Listen to our advice, we are not ministers, nor do we want to be, nor are we seeking financial reward from you. We just want you to be honored and respected by the very people you lead as their president. Do the right thing and take our advice by releasing the Qaran leaders from prison without tying any conditions to their release, the same applies for the 2007 national budget amended by parliament.”

 

 

Source: Somaliland Times

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this