Sign in to follow this  
Jacaylbaro

USA's Strategy Againsts Al-Shabaab ...... True ??

Recommended Posts

Xukumadda Washington ayaa qorsheyneyso inay tilaabada labaad ku bartilmaameedsato shan ka mida Shirkadaha ganacsi ee ugu waaweyn Soomaaliya sida ay Warbaahinta Soomalida qaarkeed ugu xog warameen ilo wareedyo kala duwan oo aad loogu kalsoon yahay.

 

Ila wareedyada waxay tibaaxeen in shanta Shirkadooda ay Washington ku dartay liiska Shirkadaha ay leeyihiin Shabaakadda Al Qaedda ee ka hoowlgala Soomaaliya ay ka mid yihiin labo Xawaaladood ,labo Shirkad Isgaarsiineed iyo Shirkad ganacsi guud,waloow ay dhanka kalena xuseen inay saami aan burneyn ku leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo aan lug ku lahayn falal argagixiso.

 

“ Xukumadda Washington waxay la socotaa Shirkadaha maalgeliya Canaasiirta Al-Shabaab ee ka hoowlgala Soomaaliya,waxaa kale oo ay la socotaa dariiqyada ay dhaqaalaha ku siiyaan ama marsiiyaan laakiin waxaa kale oo aan ognahay in Shirkadaha la xaqiijiyay ay saami aan burneyn ku leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo aan falalka argagixisada lug ku lahayn sidaas daraadeed waa muhiim inaysan ku qatalmin sidii hore u dhacday” ayuu yiri diblomaasi ka tirsan Waaxda Geeska Afrika ee Mareykanka oo u waramay Waagacusub Media.

 

Diblomaasi sare oo ka mida diblomaasiyiinta ugu caansan Soomaaliya ayaa tibaaxay in Mareykanka ay cuuryaminayaan dhaqaalaha Soomaaliya gaar ahaan Shirkadaha ku xiran Al-Shabaab oo ay qorsheynayaan inay xayiraad saaraan.

 

“ Mareykanka waxaanu leenahay qalad labaad haku sameeynina Shacabka Soomaaliyeed iyo dhaqaalahooda,ganacsatada Soomaaliyeed ee nadiifka ahna waxaanu leenahay iska hubiya dadka aad ganacsiga la wadaageysaan”ayuu yiri diblomaasigaas oo xusay in Washington hore xaq daro u xayirtay hantidii Shirkadii Barakat Bank.

 

Siyaasi ka mida siyaasiyiinta waaweyn ee Soomaaliya lana rumeysan yahay inuu yahay hogaamiye xidhiidh wanaagsan la leh Washington ayaa Shirkadaha Soomaaliya ee waaweyn qaarkood ku tilmaamay inaysan ku shaqeyn dariiqa ganacsiga xorta,isagoo xusay inay ku ciyaarayaan bam furan oo halistiisa leh.

 

“ Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya ka jira qaarkood waxay lug ku leeyihiin dilal lagu qaarijiyo shaqsiyaad muhiima oo ay ka mid yihiin aqoonyahano Soomaaliyeed,waxaana la soconaa inay gacan u fidiyaan International Al-Shabaab oo telefoonada dhageysi ku sameeyaan”ayuu yiri mid ka mida siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sida tooska ugu xiran Xukumadda Mareykanka.

 

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Mareykanka ayaa laga soo xigtay inay xalka soo afjarida hoowlgalkooda Soomaaliya u arkaan in la burburiyo ilaha dhaqaale ee International Al-Shabaab taasina ay tahay sababta ay tilaabadooda labaad u bartilmaameedsanayaan Shirkadaha ganacsiga Soomaaliya shan ka mida.

 

Xukumadda Washington ayaa u muuqato inay hoowlgaladeeda Soomaaliya u adeegsaneyso awood Melleteri oo aan la ogayn Mustaqbalka guulaha ay ka gaari karaan,waxayna dhawaan afar gantaal oo ka mida gantaalaha ay Mareykanka u sameeysteen Ruushka ay ku garaaceen degmo yar oo ka mida gobolka Galgaduud laguna magacaabo Dhuuso Mareeb,taas oo ay ku dileen qaar ka mida hogaamiyaasha sare ee International Al-Shabaab iyo shacabka rayidka.

 

Inkastoo aanan kooxda Shabaabka Caalamiga laga wada taageersanayn gudaha Soomaaliya hadana sharci yaqaanada Afrika iyo Wadaniyiinta Soomaaliyeed waxay qalad u arkaan in Mareykanka gantaaladii uu Ruushka u sameeystay ku garaaco bulsho rayida uuna ka qeyla dhaamiyo dunida meeshii lagu dilo Muwaadin Mareykanka.

 

“ Muwaadin Mareykana hadii la dilo Washington way qeeylineysaa laakiin dhanka kale wax dimbiya uma aragto inay gantaalahii Waarso ku garaacdo degmooyin ka tirsan Soomaaliya sida Dhoobleey iyo Dhuusomareeb”ayuu yiri mid ka mida sharci yaqaanadda Soomaaliyeed.

 

Dowladda Federalka ee Madaxweyne Yusuf ayaa siyaasad ahaan ku faraxsan hoowlgalada Mareykanka ee Soomaaliya hasse yeeshee wararka hoose waxay tilmaamayaan in Madaxda sare ee Federalka ka mid yihiin 33 Masuul oo la horgeyn doono Maxkamad Caalamiya si loogu qaado xasuuq dimbiyo dagaal iyo taageerid hoowlo argagixiso.

 

Warbixintaan oo aan ka soo xiganay Saraakiil reer galbeeda oo lagu kalsoon yahay waxay hoosta ka xariiqayaan in 33 Masuul ee la Maxkamadeynayo Mustaqbalka dhaw ay isugu jiraan Siyaasiyiin,Aqoonyahano iyo ganacsato Soomaaliyeed kuwaas oo la dhameystiray gal dacwadeedkooda balse muhiimadu tahay in jaanisyada la kala hormariyo.

 

 

Buuhoodlemedia.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

"“ Xukumadda Washington waxay la socotaa Shirkadaha maalgeliya Canaasiirta Al-Shabaab ee ka hoowlgala Soomaaliya,waxaa kale oo ay la socotaa dariiqyada ay dhaqaalaha ku siiyaan ama marsiiyaan laakiin waxaa kale oo aan ognahay in Shirkadaha la xaqiijiyay ay saami aan burneyn ku leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo aan falalka argagixisada lug ku lahayn sidaas daraadeed waa muhiim inaysan ku qatalmin sidii hore u dhacday” ayuu yiri diblomaasi ka tirsan Waaxda Geeska Afrika ee Mareykanka oo u waramay Waagacusub Media."

I hope it doesn't happen. The last thing we need is the shutting down of our remittance agencies, which provide life-saving services.

 

We should err on the side of caution for lending support to a tiny, foreign-trained group who are confusing the masses and easily exploiting the dire situation in Somalia under the banner of Islam. We don't need their version of Islam if it endangers the lives of innocent people and makes our country a constant target.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Koora Tuunshe's Politicalm views and commentaries remind me of one Abdullah A. Hirad who contributes to Wardheernews. Sometimes, I think the two guys are brothers! Or perhaps the SAME!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Koora Tuunshe's Political views and commentaries remind me of one Abdullah A. Hirad who contributes to Wardheernews. Sometimes, I think the two guys are brothers! Or perhaps the SAME!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this