Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Siilaanyo's Security Tightened ,,,,

Recommended Posts

Gabbiley (Waaheen) Amaanka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj: Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo ) ayaa si wayn loo adkeeyay iyadoo ay Shalay ilaalinayeen Ciidamo ka tiro badan intii hore u ilaalin jirtay kuwaasoo gaadiid iyo lugba ku socday.

 

Adkayntan Amaanka Gudoomiyaha waxa laga dareemay shalay mar uu Gudoomiyahu Booqasho la xidhiidha ololaha Doorashada ku soo maray Gobolka Gabilay iyo Deegaanada hoos yimaada.

 

Xoojinta Amaanka Gudoomiyaha ayaa waxay ku soo hagaagtay iyada oo wakhtigii Dorashada uu xili yari ka hadhsan yahay isla markaana uu socdo ololaha ay wadaan Musharaxiintu, waxaana laga cabsi qabaa in Dad u cadaw ah Somaliland ay Kharbudaan Ololaha Dorashada.

 

Waxa kale oo ay ka danbaysay mar ay dhawaan Komishanka Doorashooyinku fareen Taliyaha Ciidanka Boliska inay adkeeyaan amaanka Musharaxiinta madaxtinimada, mana cada in talaabadan lagu adkeeyay amaanka Gudoomiyuhu ay la xidhiidho amarka Komishanka iyo inay tahay mid si gaar ah uga timid xisbiga Kulmiye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isusoo Bixii Ugu Balaadhnaa ee Abid Taageerayaasha kulmiye ee Togwajaale ku Soo dhaweeyaan Hogaanka Xisbiga Kulmiye:

 

isku soo baxan baaxada leh ayaa si wayn loo soo agaasimay, iyada oo ay soo qaban qaabiyeen masuuliyin ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga oo ka soo jeeda deegaanka degmada tog wajaale... Sawirro

 

Tog wajaale(GNs ) dadwaynaha reer tog wajaale ayaa isku soo bixii ugu balaadhnaa ee abid lagu qabtay magaladaasi, taasi oo ay soo dhawayn ugu muujiyeen Musharaxiinta jagooyinka madaxwaynaha iyo madaxwayne kuxigeenka ee xisbiga kulmiye Ahmed maxamed Maxamud silaanyo iyo C/raxmaan C/laahi ismaciil saylici oo hawlaha ololaha doorashada ku yimid magaladaasi .

 

Isku soo baxan baaxada leh ayaa si wayn loo soo agaasimay, iyada oo ay soo qaban qaabiyeen masuuliyin ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga oo ka soo jeeda deegaanka degmada tog wajaale iyo masuuliyiinta xafiiska degmada ee tog wajaale ayaa si heer sare ah loo soo agaasimay, taasi oo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan gudida fulinta ee xisbiga, madax kale iyo marti sharaf aad u tiro badan

 

Muuqaalkii guud ee soo dhawaynta

dadwaynaha reer tog wajaale ee sida wayn iskugu soo baxay soo dhawaynta musharixiinta xisbiga kulmiye ayaa ilaa habeen hore qabanqaabadooda laga dareemayey magaalada iyaga oo koox koox iskugu abaabulaya sida iskaashatooyinka kala duwan ee ka jira magaalada ururada bulshada iyo ganacsataduba. sharaacyada magaaladuna aad u fahmad badnayd, tukaanada lagu iibiyo dharkana amba lagu tolaa ay cidhiidhi ahaayeen oo raguna kaga adeeganayeen isku joogyo ka kooban midabada calanka xisbiga kulmiye dumarkuna xijaabyo iyo dalado ka kooban midabada calanka kulmiye iyada oo aad moodaysay inay tahay habeen la isku qaban qaabinayo ciid.

 

Subaxnimadii hore ee shalay ayaa dadwaynaha reer tog wajaale oo hal dabala ahayd iskugu soo baxeen garoonka kubada cagta ee magaalada iyaga oo ku labisnaa calamaanta xisbiga kulmiye iyo dharka hidaha iyo dhaqanka iyaga oo ciyaar dhaqadmeedyada kala duwana ku madadaaloonayey ilaa inta uu ka soo gaadhayey musharaxa madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa, kuna buraan burayeen buraanburo ay ku taageersan yihiin xisbiga kulmiye kuna dhawaqayeen ereyo iyo hal kudhigyo ay ku muujinayeen tageerada xisbiga ilaa intii ay ka soo madal gaadhayeen musharaxiinta iyo waftigoodu oo ku beegnayd abaaro 11:00 duhurnimo xiligaas oo la isla oogsaday sawaxan si wayn loogu taagerayey musharaxa wakhtigaas oo ay si toos ah u bilaabmeen barnaamijyada iyo qorshayaasha ay ugu tala galeen in ay ku maamulaan dalka

 

Masuulyiinta uu Hogaaminayo Axmed Siilaanyo, C/casiis Samaale, Mujaahid Muuse Biixi, Saylici ayaa Halkaasi kula hadlay Dadwaynaha Reer Wajaale waxaanay Aad uga mahadnaqeen Ganacsatada iyo dadwaynaha reer togwajaale Cududa taageero ee ay xisbiga u muujiyeen iyo soo dhawaynta aan kala hadhka lahayn ee ay ku taageereen masuuliyiinta Xisbiga kulmiye.

 

 

20100608012053.jpg

 

4682230776_cfffff7967.jpg

 

4682230666_9382295c12.jpg

 

4681599549_e67b5c4ca2.jpg

 

4682250972_71f6b47b20.jpg

 

4682250834_124410e450.jpg

 

4682250760_1023861ae0.jpg

 

4682250672_ed4ca9e542.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this