Sign in to follow this  
sayfulaah-almasluul

fiiri halakn

Recommended Posts

maanta la shiray ergooyinka Soomaalida ee ka soo qayb galay shirka Eldoret

 

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Eldoret

E-mail: Ingiriis@yahoo.com

10/31/2002

 

Guriga Madaxtooyada (State House) ee magaalada Eldoret ayaa maanta waxaa ka dhacay xaflad ballaaran oo Madaxweynaha Kenya Daniel Toroitich Arap Moi uu kula kulmayey kooxaha ka soo qayb galay shirka dib u heshiisiinta.

 

Ergayga Kenya ee shirka, Elijah Wasika Mwangale ayaa ugu horreyntiiba warbixin ka siiyey President Moi qaabka loo soo turxaan-bixiyey shirka Eldoret iyo marxaladaha uu ka soo gudbay. Waxa uu sheegay Mwangale in shirka Eldoret uu yahay jaaniskii ugu dambeeyey ee kooxaha Soomaalidu ay gacmaha ku haystaan.

 

“Mudane Madaxweyne waxaa dhinacyadaada fadhiya dadkii xalka u ahaa dhibaatada Soomaaliya, waxaana ay ku heshiiyeen inay dalkooda ku soo celiyaan nabad” ayuu yiri ergayga Kenya oo sheegay in ku tala-galka ergooyinka shirku uu ahaa inay ka qayb galaan 350 qofood, “laakiin tiradu hadda waxay sii caga cageynaysaa 800 illaa 1000 ruux” ayuu yiri. Hoteellada Eldoret aad ayay u faraxsan yihiin ayuu sii daba dhigay, hadalkaasoo Madaxweyne uu ku qoslay.

 

Elijah Mwangale, waxa uu halkaas ka akhriyey magacyada dadka ka soo qayb galay kulanka oo kala ah; Xasan Abshir Faarax, Cabdalla Deerow ***** , Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Xuseen Maxamed Caydiid, Xasan Maxamed Nuur (Shaargaduud), Maxamed Qanyare Afrax, Xasan Cabdulle Qalaad, Mowliid Macaani, Muuse Suudi, Cumar Finish, Cusmaan Caato, Maxamuud Sayid Aadan, Cabdir***** ***** Biixi, Jen. Morgan, Barre Hiiraale, Maxamed Dheere, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Hilowle Imaam Cumar, Cabdicasiis Sheekh Yuusuf, Jen. Gabyow, Dr. Maxamed Aadan Waayeel, Shariif Saalax Maxamed Cali, Caasha Xaaji Cilmi iyo Maxamed Cusmaan Maye.

 

Markii la sheegay magaca Cumar Finish ayuu Madaxweyne Moi yiri “maxaa laguugu bixiyey magacaas, waaba ebere.” Markii la carrab-dhabay magacyada Qanyare iyo Jen. Morgan ayuu Moi yiri “labadaas nin si weyn baan u aqaannaa.”

 

Mwangale, waxa uu sheegay in dad kooban oo tiradoodu ay gaarayso lix ay kulanka Madaxweynaha ka hadli doonaan, kuwaas oo kala ah; Mowliid, Xasan Abshir, Caasha Xaaji Cilmi, Jen. Gabyow, C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Saalax. Wuxuu ugu hormariyey oo uu u yeeray Mowliid Macaani oo sheegay in xanuunka iyo masiibada galaafatay kumannaan Soomaali ah ay ka damqadeen walaalaha Kenya. “Waxaan dareensannahay in la gaarayo nabad caam ah, mana jiri doono qof naga mid ah oo sameeya sed-bursi, waxaanan codsanaynaa haddii qof naga mid ahi uu jebiyo heshiiska in la mariyio cawaaqibkeeda” ayuu yiri Mowliid.

 

Kaddib Xasan Abshir ayaa loo yeeray. Waxa uu tilmaamay in dowladda KMG ay soo dhoweynayso nabaddii la isku raacay 27-kii bisha October. “Waan fulinaynaa dhinaceenna heshiiska la gaaray” ayuu yiri Xasan Abshir oo sheegay in shacabku uu hayuun u qabo dowladnimo iyo xasiloonaan.

 

Jen. Aadan Cabdullaahi Nuur (Gabyow) oo fadhiga ka yara kici waayey, ayna soo istaajiyeen laba nin ayaa ku hadlay Af-Swahili, waxaana uu ku booriyey dowladda Kenya inay la kaashato caalamka sidii wax looga qaban lahaa cid kasta oo isku dayda inay heshiiska majaxaabiso.

 

Gabyow, waxa uu weydiistay Madaxweyne Moi inaan lagu kala tagin shirka maadaama wejiga koowaad uu xirmay, waxaana uu codsaday in dhammaan kooxuhu joogaan shirka illaa laga dhisayo dowlad. “Dadkeennu dowlad ayay is haybinayaan ee Madaxweynow hana kala dirin” ayuu yiri Jeneraalka oo sheegay in loo baahan yahay ciidamo hubka ka dhiga Soomaalida. “Haddii ay beesha caalamku na siiso taageero iyo tabar annaga ayaa hubka ka dhigayna dadweynaha” ayuu yiri Jen. Gabyow.

 

Waxa uu sheegay in Moi uu u aqoonsan yahay Madaxweynihii Afrika. “Sidaad darted, Mudane Madaxweyne soo booqo caasimaddii dalka Muqdisho, si laguugu soo dhoweeyo sharafta iyo haybadda aad mudan tahay” ayuu yiri Jen. Gabyow. Kaddib, Moi ha noolaado ayaa lagu qayliyey.

 

Caasha Xaaji Cilmi Aamin oo ku hadashay magaca haweenka iyo kan bulshada rayidka ah ayaa xustay in aafada iyo ugu badan ee Soomaaliya ka dhacday ay dusha ka saaran tahay haweenka iyo caruurta, si walba ha u dhacdee waa in hadda laga shaqeeyaa maslaxadda ummadda.

 

Caasha oo gunaanadkii ku soo afjartay hadalladeeda ereyo af Sawaaxili ah waxa uu hadalkeedu farxad geliyey Madaxweyne Moi oo markii ay khudbadda dhammeystay gacan qaaday. “Waxaa hubaal ah inaan ka firfircoonnahay ragga” ayay ku tiri.

 

Cabdullaahi Yuusuf oo isagu ahaa qofkii keliya ee ku hadlay af-Soomaali ayaa sheegay in kulanku yahay mid taariikhi ah. “Ragga fadhiga isugu yimid waxaan ka mid ahay raga ugu da’da weyn, sidaas darteed garashadeydu maanta waxay i siisay inaan ka shaqeeyo maslaxadda Soomaaliya” ayuu yiri, isagoo u mahad-celiyey dowladda Kenya iyo Madaxweynaheeda sidii ay isugu dhabar jebiyeen nabadeynta Soomaaliya.

 

“Anigu si gaar ah baan abaal ugu hayaa Madaxweyne Daniel Arap Moi” ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf oo sheegay in muddo laga joogo dhowr iyo labaatan sano uu ku soo baxsaday dalka Kenya isaga oo hoggaaminaya saraakiil fakad ah oo ka yimid dhinaca Soomaaliya.

 

“Madaxweyne Moi oo markaasi ahaa Madaxweyne Ku-xigeen, ahaana Wasiirka Arrimaha Gudaha ayuu ahaa ninkii magangelyada siyaasadeed i siiyey” ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf oo hadalkiisa uu Madaxweyne Moi yiri “waa run.” Waagaas buu yiri Cabdullaahi Yuusuf aniga iyo Moi-ba midkeenna ma saadaalinayn inaan maantay isugu imaanayno Eldoret Soomaali oo wax ka fayow aysan jirin. “Tartiibaadka ay howlaha u wadeen Guddiga IGAD ayuu u sheegay Moi inuu ka maqsuuday.

 

“Wax badan baa iska keen beddelay” ayuu sii daba dhigay. “Waan daalannahay dhammaanteen, sida aad dadka ka aragtid waa wada xiiqsan yihiin, qaarkeen waxaa ku dhacay dhiig-kar, sokorow iyo jirrooyin aan la aqoon” ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf oo ka qosliyey Daniel Arap Moi.

 

“Aniga ayaa dadkan ugu caafimaad badan, anna waxaan ku shaqeeyaa Beer dad kale leeyihiin” ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf oo khudbadda oo ahayd lix daqiiqo iska dheereystay. Waxaa igu ballan ah maantay inaan fuliyo heshiiskan oo aanan dagaal dambe qaadin, haddii aan la isku dayayn in lay burburiyo.

 

Waxaa shardi ah ayuu yiri inaan is badbaadinno oo aanan isku durdurinin. “Barbarkey ka baxdaa waa Bakeyle Qalleen” ayuu yiri, nabaddana yaan lagu laalin geed-dheer, waa dhow-dahay gogolka Maandeeqe. Nolosheyda ma aanan arag ayuu yiri shir ka dhib yar oo ka xasiloon shirkan Eldoret, anigoo dhammaan shirarkii la qabtay ka qayb galay

 

Waxa uu qirtay inuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee xabbad ka rida ciidda Soomaaliya. “24 sano ka hor aniga ayaa billaabay xabadda, maantana aniga ayaa billaabaya joojinteeda” ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf oo ku eedeeyey Cabdiqaasim Salaad inuu xalay ka sii daayey laanta Soomaaliga ee BBC-da war laga anfariiro.

 

“Mudane Madaxweyne, ninkaas wuxuu ka daayey raadiyaha war burburinaya shirkan” ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf oo isla markiiba kasbaday dareenka Madaxweynaha Kenya oo madaxa ruxay. “Haddaad ku cadaadin lahaydeen inuu halkan joogo, uma hadleen siduu xalay u hadlay” ayuu sii yiri. Waxa uu farta ku fiiqay Cabdullaahi Yuusuf inuu ka xun yahay in qayb Soomaaliya ka mid ah ay shirka ka maqan tahay, taasoo aan u naqaanno Waqooyi Galbeed, beesha caalamkuna u yaqaannaan Somaliland.

 

Shariif Saalax Maxamed Cali ayaa isna sheegay in bulshada rayidku ay bogaadinayso heshiiska ay gaareen kooxaha siyaasadda ee Soomaalida. “Samata-bixinta ummadda waa in lagu dadaalaa” ayuu yiri Shariif Saalax.

 

Madaxweyne Moi oo xalay ku hoyday Eldoret waxa uu sidii la filayey u jeediyey ergooyinka Soomaalida khudbad istaajiyey xaadda siyaasiyiinta. Waxa uu yiri “toddobaad walba waxaa Soomaaliya ku dhasha 100 carruur ah oo ka soo baxa caloosha hooyadood iyagoo rajadoodu ay god ku dhex jirto.”

 

Marsden Madoka oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa Daniel Arap Moi ku soo dhoweeyey khudbadda. “Soomaaliya barwaaqo ayay ku tallaabsan doontaa marka aad heshiisyada dambe isla meel dhigtaan, hubka iska dhiga, joojiya tafaraaruqa, ka taliya danta dadkiinna, ka horumariya dantiinna tan bulshada” ayuu yiri Moi.

 

Waxa uu ku adkeeyey inay kooxuhu qaybsadaan awoodda dalka si wadajir ah. “Ku tartama xisbiyo siyaasi ah ee ha ku tartamina dhiigga dadka, rajo geliya dadweynihiinna oo u oomman nabad, waxaan idinla doonayo waa heshiis ee dedejiya intaanan xilka ka degin bisha December” ayuu yiri.

 

Madaxweynaha Kenya, waxa uu aqbalay talo-soo-jeedintii Gabyow ee ahayd in shirku degdeg u guda galo wejiga labaad, kooxuhuna dhammaan ay goobjoog ahaadaan. “Waa tahay, ee wada xaajooda, hana seexanina, waayo hurdadiinnu waxay dhib u keenaysaa dadkii joogay Soomaaliya” ayuu yiri.

 

Daniel Arap Moi, waxa uu degdeg u dalbaday in la furo dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo kooxihii xiray ay hadda i hor fadhiyaan ayuu yiri, waa inaad la hadashaan maliishiyadiinnii si ay u fasaxaan dekedda iyo garoonka.

 

“Fowdada iska fogeeya, ka tashada sidii aad u gaari lahaydeen horumar dhaqaale, meeshii nabad ay jirto ayaa baraare uu ka jiraa, meeshii colaadeysan sida Soomaaliya waxay dhaxasha gaajo iyo macluul” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya oo sheegay inuu booqan doono magaalada Muqdisho marka shirku soo dhammaado.

 

“Dhex-dhexaad ayaan idiin nahay, mana idiin kala hiilinayno ee idinka uun is fahma, hana is cuuryaaminina” ayuu yiri Moi oo markii uu hadalka dhammeeyey uu guddoonsiiyey Calanside calanka Soomaaliya iyo calaamaddii SYL.

 

Waxaa kaddib goobta kulanka laga qaaday Soomaaliyeey Toosoo. Toosoo isku tiirada. Hadba kiinna taag-darran taageera weligiin. Markii heestu dhammaatay waxaa dhulka si qiiro iyo xamaasad leh ugu dhacay Calanside oo Madaxweyne Moi uu amray in la istaagiyo. Kaddib gooni gooni ayaa loola kulmay Moi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this