Sign in to follow this  
Captain_Mike20

Alshabab launches new unified offensive to capture mugdisho.

Recommended Posts

Al-Shabaab & Dowlada KMG oo Dagaal Kulul Ku Dhex Maray Xallay Muqdisho & Duqeymo Dagaalkaa Bar Bar Socday

 

MUQDISHO(OWN)- Ciidamada Dowlada KMG ah iyo kuwa AMISOM oo wada socda ayaa waxa uu xalay dagaal kulul ku dhex maray Xarafada Al-Shabaab degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, Dagaalkaa ayaa waxa weheliyey duqeymo loo geystay xalay qeybo ka mida magaalada,

 

Dagaalka ayaa waxaa uu bilaawday sida la sheegay kadib markii ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fadhiisimo Milatari oo ay ciidama AMISOM ku leeyihiin degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, waxaana durbadiiba halkaa ka bilaawday dagaal culus oo fool ka fool ah.

 

Dagaalka ayaa waxaa bar bar socday madaafiic xoogan oo ay is weedaarsanayeen dhinacyada ku dagaalamaya degmada Boondheere, waxaana madaafiicda ay isku ridayaan ay ku dhacayeen goobo ka baxsan meelaha ay ku dagaalamayaan.

 

Inta la ogyahay Dagaalkaasi ayaa waxaa ku dhintay 5 qof oo rayid ah iyadoo ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kale kuwaasi oo u badnaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxaana la sheegayaa in qasaaraha dagaalku uu intaasi ka badnaan karo.

 

Dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda ay is weedaarsanayeen ciidamada dowladda KMG oo kaashaanaya AMISOM iyo kuwa Xarkada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa waxaa laga maqlayay qeybaha kale ee Magalaada Muqdisho iyo degmooyinka kale ee dhaca Waqooyiga gobolka Banaadir.

 

Majiro wali wax war ah oo ku aadan dagaalka xallay oo ka soo kala baxay ciidamada dowladda kMG Soomaaliya iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab, hase ahaatee dagaalkii xallay ayaa waxaa uu ahaa mid la isku adeegsanayay intiisa badan madaafiic farabadan.

 

Cabdi Xasan Cilmi.

 

Oodweynenews.com./Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Timur   

Another massive skirmish is what it is. They will fight here, fight there, and then get back to positions. No one is going to take a city that has 8,000 extremely heavily armed AMISOM troops, there's no avoiding the elephant in the room.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this