Sign in to follow this  
dhulQarnayn

Kismayo....latest

Recommended Posts

Wararka ka imaanaya magaalada kismaayo ayaa waxeey ku waramayaan in dagaal socday afar saacadood lagu bur buriyey dhamaan awoodii Maliishiyada Xildhibaan Bare Aadan Shire Hiiraale oo isaga kaliya uu ka baxsaday, waxaa dhamaan isdhiibay maliishiyada iyo saraakiishii Xildhibaan Bare Hiiraale.

 

Saraakiisha isdhiibay ayaa waxaa ka mid ah Yaasin Indho raadaar, iyo kuwa kale oo farabadan, waxaana haatan sida wararku nagu soo gaarayaan loo qaaday saldhiga Booliska ee Magaalada Kismaayo oo uu ku sugan yahay sida la xaqiijiyey Sheekh Xassan Al-turki iyo saraakiil kale oo ka tirsan deegaanka Kismaayo.

 

Magaalada kismaayo ayaa ka dagan sidii maalmihii la soo dhaafay oo ay dagaalada ba'ani ka socdeen waxaad mararka qaarkood maqleysaa rasaas teel teel ah oo ka dhaceysa gudaha magaalada waxaana baaritaan culus ka wada magaalada gudaheeda maliishiyada Alshabaab oo guri guri u galaya xaafadaha looga shakisan yahay maleeshiyada Bare Hiiraale in ay ku dhuumaaleysanayaan.

 

Wadooyinka waa weyn ayaa waxaa isugu soo baxay boqalaal dadweyne ah oo daawanaya Maliishiyada magaalada gacan ku heynteeda la wareegay, iyadoo dhinaca kale meydad iyo dhaawacyo hor leh laga soo qaadayo aagagii ay maaanta ka dhaceen dagaalada qaraar.

 

Dagaalkii maanta ayaa waxaa ku nafweyday ugu yaraan 60 dhaawacuna 80 ka koobnaa maliishiyaadkii ay dirirta ku dhaxmartay magaalada gudaheeda iyo daafaheedaba.

 

Xildhibaan Bare Aadan Shire Hiiraale ayaa waxaa lagu waramayaa in uu u baxsaday Tuulada Qaam Qaamka oo dhanka bari kaga beegan kuliyadii Jaale Siyaad ee Lugloow oo duleedka magaalada kismaayo ku taal, waxaana halkaasi ku horfadhiya maleeshiyaadkii dirirta ay ku soo dhaxmartay magaalada kismaayo gudaheeda oo uu hogaaminayo Af-hayeenka Al-shabaab Rooboow Abuu Mansuur.

 

Dagaalkii maanta lagu qaaday maleeshiyada Xildhibaan Bare Hiiraale ka qeyb qaatay shirkadaha isgaarsiinta ee magaalada Kismaayo, taas oo qadkii ka jaran guud ahaan magaalada Kismaayo kedibna u gudbinayey dhaqdhaqaaqa iyo halka ay ku sugan yahiin maleeshiyada Xildhibaan Bare Hiiraale Xarakaadka Al-shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo -Mid ka mid ah Saraakiisha ururka Al-Shabaab ee hoggaamineysay kooxaha la wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose oo la yiraahdo Sh. Xasan Yacquub ayaa markii ugu horeysay Saxaafadda ugu waramay ujeedada ay ula wareegeen gacan ku heynta magaala xeebeedka Kismaayo ee istiraatiijiga ah, wuxuuna sheegay Wadaadka in ujeedada ay ka leeyihiin la wareegida Kismaayo in ay tahay sidii ay halkaasi ugu hirgelin lahaayeen ku dhaqanka Shareecadda Islaamka iyo in laga ciribtiro Kismaayo kooxo uu sheegay in ay u adeegayeen wax ku sheegay Caddowga dalka ku soo duulay.

 

Sh. Xasan ayaa hadalkiisa intaa raaciyay in qorshaha ugu horeeya ay tiigsan doonaan in ay tahay sidii shacabka Kismaayo ay ugu xukumi lahaayeen Kitaabka Alle iyo Shareecadda iyadoo hadii ay hirgashana uu sheegay in ay u sii gudbi doonto magaalooyin ka baxsan Kismaayo kuwaasi oo uusan carabka ku dhufan wadaadka.

 

Mar uu ka hadlayey kooxaha la wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo qeybaha ay u qeybsamaan ayuu sheegay in ay ahaayeen wax uu ku sheegay Mudadawaciin Islaamiyiin ah oo ka kala socday Maxkamaddaha Islaamiga iyo Ururka mayalka adag ee Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in ay isku soo baheysteen sidii meesha looga saari lahaa maliishiyooyin uu ku sheegay in ay ahaayeen kuwo qabiil oo dadka dhibaato ku hayey.

 

Dhinaca kale waxaa caawa magaalada Kismaayo wararka ka imaanaya ay sheegayaan in kooxaha qabsaday magaaladaasi ay bilaabeen baaritaano ay ka fulinayaan xaafadaha magaalada, iyagoo bartimaadsanaya guryo gaar ah oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaayeen maliishiyooyinka laga saaray Kismaayo.

 

Dadka magaalada Kismaayo ayaan weli soo bandhigin fikradooda ku aadan la wareegida ururka Al-Shabaab ee magaalada Kismaayo, iyadoo horay markii ay Maxkamaddihii Islaamiga markii ay la wareegeen ay kaga hortageen Bannaanbaxyo rabshado wehliya, balse xiligan u muuqda kuwo afkooda qabsaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo- Dadweyne Fara badan ayaa iskugu soo baxay Fagaare weyn oo kuyaala magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose, waxaana dadkaasi la hadlay Kooxihii shalay qabsaday Magaalada Kismaayo.

 

Afhayeenka Al-Shabaab Muqtaar Cali Roobow ayaa dadweynaha Reer Kismaayo usheegay in ay si nabadgalyo ah ku shaqeystaan, isagoo sheegay in ay Magaalada ka saareen Kooxo uu ku sheegay in ahaayeen kuwa ka soo horjeeda Shareecada Islaamka.

 

Abu-Mansuur wuxuu kaloo sheegay in ay si rasmi ah ubilaabayaan Adeegyadii dadweynaha ee Garoonka diyaaradaha & dekeda weyn ee Magaalada Kismaayo.

 

“Waxaan dadweynaha Kismaayo usheegaynaah hadii aanu nahay Al-Shabaab in aan wadeyno dadaalada nabadeed ,waxaanu dagaal adag kula jirnaa cid walboo wax gumeysaneysa,waxaan dagaal kula jirnaa Qabaa’ila iyo wax walboo ka horimaanay Shareecada Islaamka” Ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab.

 

Munaasabadan ay hadalada ka jeediyeen xubnahan ka tirsan kooxaha qabsaday magaalada Kismaayo ayaa Wariye ka tirsan AllPuntland oo isku dayey arkida xubnaha hadalada jeedinayaa ayaa loo diiday in lo sii daayo ,halkii ay joogaan madaxdii hadalada jeedinayey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: A popular uprising in Kismayo

 

Frankly, in Somalia, there is no politics without clans.

 

Make no mistake: the swift, righteous takeover of Kismayo port in southern Somalia by Islamist fighters is no ‘al Qaeda’ plot. Undoubtedly, many people will feed the Americans and the Ethiopians with misinformation linking Kismayo’s liberators to international terror groups and cavemen like Osama bin Laden. This has been the mantra since 2006, when the Islamic Courts Union (ICU) first liberated the Somali capital Mogadishu from American-financed, Ethiopian-armed warlords renowned for 16 years of brutality. The strategy of backing despised warlords backfired and provided the catalyst for the popular rise of the ICU, whose fighters soon seized most of south-central Somalia and were welcomed by the cheering thousands.

 

In Kismayo, local clans lived under the oppressive rule of armed clans from the central regions since 1999. Hundreds of local families were displaced from their Kismayo homes and forced to live in refugee camps in Kenya, while the invading clans from central Somalia (Mare-han and Habar Gedir) illegally and immorally lived off the land, the port and the airport. Frankly, in Somalia, there is no politics without clans. While the Mare-han are part of the Da'rod clan-family, the Habar Gedir belong to the H'awiye clan that dominates the central regions and Mogadishu. But their alliance was based on common political and economic interests. This point can be easily explained.

 

In September 2006, Col. Barre Hirale, a Mare-han warlord, refused to join the Habar Gedir-led ICU agenda aimed at destroying Somalia’s Transitional Federal Government (TFG), led by President Abdullahi Yusuf (Da'rod-Majorteen). Hirale’s Habar Gedir ally in Kismayo, Mr. Yusuf Mire Serar, switched alliances to the ICU, magically transforming from a bloody warlord to a dedicated, religious man overnight. Hirale and his Mare-han militias, who thrived in Kismayo with Habar Gedir backing, fled the port town and rushed to President Yusuf’s home base in Baidoa. Not surprising, when the Mare-han militias failed to tow the Habar Gedir agenda, they were easily dismantled from power in Kismayo and forced to live under Yusuf’s shadow.

 

In January 2007, Ethiopian-backed Somali government troops invaded Kismayo and the ICU scattered – splintering into radicals and moderates, clans and sub-clans. As a bloody insurgency erupted in Mogadishu, Ethiopian forces withdrew from Kismayo in March that year, leaving the town under the control of Da'rod-dominated government troops. A month later, the government troops – which an easily be substituted for ‘clan militias’ – divided along clans; namely, Mare-han soldiers versus Majorteen soldiers. The Mare-han troops captured Kismayo, forcing soldiers and TFG-appointed regional administrators belonging to other Da'rod clans to flee to safety. Consequently, flagrant violations of human rights were well-documented by local organizations who reported acts of indiscriminate killings, rape and robbery of property belonging to non Mare-han civilians.

 

In Kismayo, an alliance of local clans fought for their God-given right to live free in the land of their fathers' fathers. They bravely liberated Kismayo so their children can walk and play in peace, and their women's honor and dignity is respected. That local clans sought Islamist support is no surprise; the TFG, preoccupied by the insurgency, neglected Kismayo and allowed brutal militias to suppress the local population. Simply, what happened in Kismayo is a popular uprising, not against the UN-recognized TFG, but against illegal militias who arrogantly refused to recognize the very TFG the world has spent so much resources defending.

 

The days of warlord-rule are over! The international community, namely the U.S. Government, should not be misled by 'al Qaeda' allegations and drawn into another quagmire, which would spread the insurgency like a wildfire across Somalia's deep south. Today, Islamist fighters control most of south-central Somalia; recently, it took Ethiopian troops eight days to travel the 250km-road linking Mogadishu to Baidoa, because they were repeatedly ambushed.

 

If the TFG, or its Ethiopian military backers, attempt to retake Kismayo by force, the insurgency will gain many supporters in regions like Puntland, the TFG's main domestic backer and President Yusuf's stronghold.

 

A wise policy would avoid such a predictable catastrophy

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this