Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Somaliland oo sheegay in ay qabteen eedaysan loo haysto dil maanta ka dhacay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1732895432810.jpg?resize=720%2C72

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeem eedaysane loo haysto dil maanta oo Jimce ah ka dhacay magaalada Hargeysa.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska Somaliland ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen eedaysane Maxamed Baashe Faarax oo loo haysto dil maanta ka dhacay degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa.

Maxbuus Maxamed Baashe oo daโ€™diisu tahay 24 sano jir ayaa ku eedaysan dilka marxuum Khadar Xaashi Ismaaciil kadib markii uu ku dilay mindi sida uu sheegay Booliska Somaliland.

โ€œCiidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Maxamed Baashe Faarax Ina Khadra Badel 24 jir ah oo ku eedaysan in uuย  maanta ku dilay degmada Maxamuud Haybe Marxuum Khadar Xaashiย  Ismaaciil 37 jir ahaaโ€ ayaa lagu yiri qoraalka Booliska Somaliland.

Booliska Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in eedaysanaha baaris lagu samaynayo islamarkaana si deg deg ah sharciga la horgeyn doono.

PUNTLAND POST

The post Booliska Somaliland oo sheegay in ay qabteen eedaysan loo haysto dil maanta ka dhacay Hargeysa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this