Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisadda DF iyo Jubbaland oo u gudubtay dalalka dariska  – Maxaa soo kordhay?

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Ruto.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeyso dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, wuxuuna khilaafka gaaray meeshii ugu sarreysay, kadib tallaabooyin dheeraad ah oo ay ku jiraan isku adeegsiga ciidamo oo ay qaadeen labada dhinac.

Xiisadda ayaa u muuqata inay sii baaheyso, waxayna gaartay dalalka dariska, sida Kenya iyo Itoobiya oo labaduba saameyn ku leh arrimaha gudaha Soomaaliya,

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta wafdi ka socda dowladsa Soomaaliya uu kusii jeedo magaalada Niarobi, kaas oo dowladda Kenya kala hadli doono xiisadda ka taagan Jubbaland.

Ujeedka wafdigan ayaa lagu soo warramayaa inuu la xiriiro sidii meesha looga saari lahaa taageero xukuumadda Naironi siiso Axmed Madoobe oo mar kale dib loo doortay.

Kenya ayaa weli ka aamusan xaaladaha soo kordhay ee gudaha dalka, gaar ahaan dagaalka siyaasadeed ee Villa Soomaaliya iyo maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Horay xukuumadda Nairobi ayaa isugu deyday inay dhex-dhexaadiso labada dhinac, laakiin waxba kama soo bixin, waxaana taasi beddalkeeda ay xiisadda isku rogtay gacan ka hadal.

Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa iyaduna dhankeeda soo faragelisay xiisadda, kadib markii ciidamadeeda dhaq-dhaqaaqyo ay ku tageerayaan Jubbaland ka bilaabeen gobolka Gedo.

Arrintan ayaa u muuqata mid ay Itoobiya uga faa’iideysaneyso xiisadda dowladda dhexe iyo Jubbaland, maadaama aynan xilligan isku wanaagsaneyn Muqdisho iyo Addis Ababa oo horay isugu qabtay heshiiska badda ee uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

Si kastaba, horay dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya ugu eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, ayna sidoo kale ciidamadeeda la wareegeen garoomada iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this