Sign in to follow this  
Gabbal

300 internally displaced families reach the Lower Jubba from fightings in Mogadishu.

Recommended Posts

Gabbal   

Ku dhawaad 300 oo qoys oo ka soo barakacay Muqdisho ayaa soo gaaray magaalada Jilib gobolka J/dhaxe.

 

May 30, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Sahra Cabdi Axmed “Kismaayoâ€

 

Dad ka soo barakacay magalada Muqdisho oo kor u dhaafaya ku dhawaad Saddex boqol qoys oo sida ay sheegeen naftooda kala soo baxay magaalada Muqdisho dagaaladii ugu dambeeyay ee halkaasi ka dhaacay ayaa ayaga oo aan haysan waxa ay ku maareeyaan noloshooda qoxooti ahaan ku yimid magaalada Jilib gobolka J/dhaxe.

 

Dadkan ayaa la dajiyey maalmihii hore xaafada ay sheegeen in ay ku soo dhaweeyeen maamulka degmada Jilib waxayna iyaga oo u badan dad maato oo isugu jira Haween, Carruur iyo dad da’ ah ay sheegeen in ay ka rajo dhigeen guryahoodii ku yaalay magaalada Muqdisho kaddib markii ay arkeen in aan looga tureyn rasaasta Madaaficiida ay is weydaarsanayaa dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho.

 

Waxa ayna sheegeen in ay u sii u gudbi doonaan qaarkood xerooyinka qaxooti ee dalka Kenya si ay u helaan nolol dhaanta mida ay hadda haystaan.

 

Dadkan ayaa sheegay in laga dhacay wax alaaale iyo wixii ay siteen oo ay kala soo hayaameen magaalada Muqdisho kaddib markii ay burcad ka furatay alaabtii u saarneyd gaari Dameero ay kala soo qaxeen magaalada Muqdisho kaddib markii ay ka soo qaxeen xarooyinka magaalada Muqdisho.

 

Maamulka Jilib oo halkaasi ku sugan ayaa soo dhaweeyey dadka soo qaxay waxayna u geeyeen raashin iyo cunooyinka kala duwan oo ay ka soo aruursheen dadka degan

sida uu sheegay ku simaha gudoomiyaha degmada Jilib.

 

Dadkan qxaya ayaa yimid kaddib markii ay labada dhinac ee ku dirriya magalada Muqdisho aysan qaadan xal iyo wadahadal lagu soo dabaalo xiisada taagan iyadoo ay maleeshooyiinkii ay weli is hor fadhiyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this