Sign in to follow this  
Deeq A.

Fahad oo shaaciyay 5 cashir oo ku jira natiijada kasoo baxday doorashada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
Fahad-1.jpeg?fit=1024%2C762&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sidroonka qaranka, haddana ah siyaasi dibad joog ah ayaa war xasaasi ay kasoo saaray natiijada kasoo baxday doorashada Somaliland oo uu ku guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), sida uu shaaciyay guddiga doorashada maamulkaasi.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in doorashada ka dhacday Somaliland ay tahay mid taariikhi ah oo laga baran karo cashir ku aadan sida ay shacabka gobollada waqooyi usoo doorteen hoggaankooda.

Sidoo kale wuxuu soo saaray 5 qodob oo uu ku cabiray qaan gaarnimada ay Somaliland ka gaartay doorashada iyo natiijada soo baxday, sida ay shacab iyo maamulba ugu qanceen.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-

𝐍𝐚𝐭𝐒𝐒𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐑𝐚𝐝𝐚 π’π¨π¦πšπ₯𝐒π₯𝐚𝐧𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 π₯𝐚𝐠𝐚 π›πšπ«πšπ§πšπ²πšπš 𝐜𝐚𝐬𝐑𝐚𝐫𝐫𝐨 𝐬𝐒𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝;

1. Siyaasadda han iyo hoggaan bey ku bulaashaa, saadaal wacan iyo sabir baana yoolkeeda looga gungaaraa. Tusaale waxaa u ah Mudane Cabdiraxman Cirro.

2. Xisbiyada soo baxay waxay marag u yihiin in siyaasaddii Somaliland uu jiil cusub dhaxlayo, odayaashii hore iyo kuwii dhexe labadaba, waxaa ugu dambeeya Madaxweyne Cirro.

3. Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Alle ha u naxariistee, waa Ustaadka siyaasada Somaliland, waayo jiilka cusub ee dhaxlay siyaasadda waa ardaydii kasoo aflaxday dugsigii siyaasadda Siilaanyo.

4. Mudane Cirro guushiisa waxay ku qurxanayd inuu Siilaayo dhaxlo. Horumar iyo hiigsi sare ayuu gaarsiin lahaa Somaliland. Nasiib darro, wuxuu dhaxlay Muuse Biixi oo uga tagaya masas iyo musiibooyin in la saxaa ay Cirro ka cuni doonto kala bar wax ka badan muddo xileedkiisa.

5. Mudane Cirro, hab xukunkiisa kama duwanaan doono hab xukunkii Madaxweyne Daahir00 Riyaale. Haddii Riyaale isticmaalay tabihii sirdoonka, Cirro wuxuu isticmaali doonaa ilbaxnimo diblomaasiyadeed.

The post Fahad oo shaaciyay 5 cashir oo ku jira natiijada kasoo baxday doorashada Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this