Sign in to follow this  
bambo

FREE SOMALIA / SOMALI LAND INSHALLAH

Recommended Posts

bambo   

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo xabsiga laga sii daayay isla markaana maanta ka hadlay fagaare ku yaala magaalada Burco, xukumadana aad u dhaliilay

 

 

Xukumada Somaliland ayaa maanta xabsiga ka sii daysay Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo dhawaan xabsiga loo taxaabay. ka dib markii uu sheegay in beeshiisu go`aansatay ku dhaqanka shareecada Islaamka isla markaana uu shir ku qabtay magaalada Burco.

 

Dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Togdheer ayaa si diiran u soo dhoweysay Suldaan Cismaan Suldaan Cali, iyo Maxamed Faarax Aadan oo ahaa Xubintii la xidhnaaa Suldaanka Xabsiga Maqndheera, Suldaanka oo Kolanayaa Baabuura hogaaminayso ayaa Gelbis ku soo maray Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Burco ka dibna Suldaanka iyo Xubnihii Gudida Dhaqan Gelinta shareecada Islaamka waxay Dadweynihii kale hadleen Fagaaraha khayriyada Burco.

 

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo markii ay dadweynaha magaalada Burco ay ku soo wareejiyeen dhamaan qaybaha magalada waxa uu khudbad ka jeediyay fagaare ku yaala magaalada Burco.hadal kooban oo uu dadka u jeediyay waxa uu ku bilaabay sidan"ALLAAHU AKBAR, ALAAHU AKBAR, Ilaahay baa Weyn, Ilaahay Baa Sareeya, Isagaa Awooda leh, isagaa mahad leh, intaa ka dib aad iyo aad waxaan idinka mahad celinayaa dhamaan Waayeel, Culimo, Waxgarad, iyo Dhalinyaraba, intaad ka kooban tihiin sida sharafta leh ee aad ii soo dhoweyseen aniga iyo Maxamed Faarax ee aad uga damqateen Xadhiga Dulmiga ah, ee Nalagu Afduubay, anagoo Dadkayaga iyo Dalkayagaba waxba u dhimin

 

waxaa weeye waa idin mahad celinayaa waan ku farax sanahay Ilaahay Subxaana Watacaalaa Aduunkan isagaa iska leh, MAYNAAN ODHAN CALAN MA JIRO, MAYNAAN ODHAN DASTUUR MA JIRO, MAANAAN ODHAN DAWLAD KALE AYAANU HALKAN KA DHISAYNA, waxaanu nidhi weeye in Kitaabka Ilaahay sida ay udhigatay ee Dastuurka ku qoran loogu dhaqmo oo loo dhaqan geliyo, oo aan la dhaqan gelin BAYNAL CODe XEER BAANIYAAL iyo Wax la malmaluuuqay, inta Kitaabka lagu dhaartay oo Calanka lagu dhigay oo ummadu Goosatay oo hadana hoosta la dhigo hadana dabadeed cidii soo hadal Qaada la yiraahdo waa QARAN DUMIS waxaan idiin sheegayaa kuwa qaran dumiska ahi waa kuwa AFKA ******TA KA BARTEEN EE AAN WAX KALE U WEHLIN, Qofka dan ka hadla la yiraahdaa waa QARAN DUMIS WAA LAHJADII ******TA, WAA LAHJADII DALKA LAGA XOREEYEY.waxaa weeye Ilaahay Kitaabkiisa ayaa saraynaya ma yeelaynayno dulmi, ma yeelayno waxaynaan dhigan, (waxaan ahayn miyeynu yeelnaa, miyaan iska seexdaa) Waxaa weeye Ina –Riyaale DALKA AFGANBI KUMA QABSAN, DASTUUR BAA U DHIIBAY, ISAGA IYO MUNAAFIQIINTA KU HOOS JIRTA . Dalka Afganbi kuma qabsan waa loo dhintay Dalka, kumanyaal baa u dhintay, kumanyaal baa u curyaamay, kumanyaal baa ciida hoosteeda ku jira, waxaa weeye waxaanu udhimanaynay in Ummada Dawlad ay leedahay Dhisanto, DAWLAD NIN LEEYAHAY DOONI MAYNO, Waxaa weeye ummada Dastuurka halagu dhaqo MAALKEEDA HA LOO NABAD GELIYO, Ummada Qawl keeda ha sareeyo waxaan doonayaa Kitaabka Ilaahay in uu Sareeyo Kitaabka ayeynu Dastuurka ku qoranay, Waa sharci been ma,aha,kuwa ay dhibayso wixii ummada dhigatay hala fuliyo, waxaanu leenahay Ilaahay Naarta ha Geeyo waxaan aniga ka kow ahay oo inta igala mida ugu baaqayaa aniga Dawlad kale iyo Somaliland Duminteeda Horseedayn oo leh Nabad Gelyada ha la ilaaliyo oo idin leh jiritaanka Somaliland hala ilaaliyo oo idin leh dastuurka ha lagu dhaqmo".

 

suldaanka oo aan khudbadiisa ku dhagayanaayay telephone- mobile ah ayaa waxa uu si wayn u dhaliiay xukumada M/weyne Rayaale oo uu ku sheegay in aanay ahayn kuwo ka daacad ah Qaranimada Somaliland isaga oo amuurtaasi ka hadlayana waxa uu yidh"Waxaa weeye Waxa INA RIYAALE Doonayo in Dalka ku maamulo oo ku cabudhiyo WUXUU JEEBKIISA KALA SOO BAXAY waxaan leeyahay waxba kama jiraan, waa been Shalay Wuxuu Waraaqda ku soo qorey Suldaan Cismaan WAAN CAFIYEY, WAR MUXUU CAFIYI KARAA, MA,ANAA CAFIS KA DOONAYA, WAAR DANBIGA AAN GALAY MUXUU YAHAY, DANBIGA AAN GALAY MUXUU YAHAY ,DANBIGA LAYGA CAFIYAYAA MUXUU YAHAY, WAA BEEN waxba kama jiraan ummada go,aan keeda waa in la hir gashaa"

 

waxa kale oo goobtaasi ka hadlay Nuur Faarax oo ahaa Xubnihii Shir gudoonka Gudida Dhaqan Gelinta Shareecada Islaamka wuxuuna yidhi Shreecada Ha noolaato, Ha hirgasho, halagu dhaqmo, Run Ilaahay Haloo Sheego, Waa maalintii aynu isagu soo baxnay Kitaabka Ilaahay kor uqaadistiisa, Waa maalin aynugu soo baxnay in aynu is bar bar taagno oo codkeena, Maalkeena, isla bar bar taagno shareecada Islaamka kor loo qaado oo la dhaqan geliyo, ragii ugu horeeyey ee loo xidhay ee arintaa Calanka Qaaday Waxaan leeyahay Suldaan Cismaan iyo raga kale Waxaad mudateen Karaamada iyo Sharafta ummadiina.

Waxaan leeyahay Diinta ilaahay Nina looga gaban mayo waa in la fuliyaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka Waa loo dhimanyaa, Waa lasku xidhiyaa, waa in loo adkaystaa oo loo dagaalamo, waxaa ugu karaama badan Qof Ilaahay Dartii loo xidho, Kitaabka Ilaahay ee laga Tegay Qofka kor uqaada ee laga tegay ayaa u karaama badan.

 

Xukumada Somaliland wax wari kama soo bixin oo ku saabsan sida loo sii daayay Suldaanka iyo wax wada hadala oo dhex maray isaga iyo masuuliyiiinta Dawlada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this