Sign in to follow this  
GAAROODI

SOMALILAND DEPUTY SPEAKER, TAKES PART IN COMMONWEALTH NATIONS MEETING.

Recommended Posts

GAAROODI   

www.sdwo.com

 

 

DWO (London 08/02/2010) Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Somaliland Mudane Cabdi Casiis Maxamed Samaale iyo Gudoomiyaha gudida baarlamanka ee la dagaalkana musuqmaasaqa Mudane Adan Tarabi Oogle ayaa ka qaybgalay shirkii baarlamaanada dalalka xubnaha ka ah barwaaqosooranka oo Somaliland si gaar ah loogu soo casuumay.

 

 

 

Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo SDWO.COM ay ku booqatay hotelkii uu ka deganaa magalaada London oo ku yaala xarunta baarlamanka ingiriiska ee westminister agtiisa oo la yidhaah City Westminister Hotel ayaa warbixin naga siiyay ujeedada socdaalkooda iyo waxyaabahii u qabsoomay intii ay UK ku sugnaayeen. Mudane Samaale wuxuu noo sheegay in shirkani ahaa shir ku saabsan Adkaynta nabadgelayada iyo dimoqraadiyada wadamada barwaaqasooranka iyo dalal gaar ah oo lagu soo casuumay oo ay Somaliland hormood ka ahayd. Waxaanu gudoomiye ku xigeenku noo sheegay in Somaliland si rasmiye loogu martiqaaday shirkan oo magaca Somalilandna uu ka dhexmuuqday list ka dalalkii ka qaybgalay shirka. Shirkan ayaa waxyaabahii waaweeynaa ee lagu falanqeeyay isla markaasna lagu lafaguray ayaa waxa ka mid ahaa xiriirka ka dhexeeyada nabadgelayda, cadaalada, horumarka iyo saxaafada madaxabanaan iyo sida aanay afarta midna mida kale uga maraarmin oo hadii mid la waayo dhaamaantood la wada waayayo oo ay midiba mid ka kale ku xidhantahay.

 

 

Gudoomiyaha Baarlamanka Ingiriiska iyo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Somaliland oo is gacanqaadaya

 

Gudoomiyahu waxa si gaar ah uu ula kulmay gudoomiyaha aqalka baarlamanka ingiriiska John Bercow iyo Gudoomiyaha Baarlamanka dalka Ireland oo uu labadoodaba uu kala hadlay arimaha qadiyada Somaliland, waxaanu uga mahadnaqay martiqaadka rasmiga ah ee ay u fideyeen baarlamanka Somaliland waxaanu ka codsaday in aqoonsi rasmiya la siiyo Somaliland isla markaasna laga taageero dhinaca dibu dhiska iyo horumarinta nabadgelyada, dhaqaalaha iyo dimoqraadiyada.

 

 

 

Shirkan oo socday 31kii January ilaa 6dii February ayaa waxa uu ka socday xarumaha baarlamanaka dalkan ingiriiska ee Westminister iyo labadii cisho oo danbaysay oo uu ka socday baarlamanka dalka Ireland. Gudoomiye ku xigeenka ayaa intii ay shirarkaas ka qaybgelayeen si goonigooni ah ula kulmay wufuudii ka kala socodatay baarlamanada dalalka barwaaqasooranka isla markaasna kala hadlay arimaha qadiyada Somaliland isla markaasna uga xogwarameen horumarka, nabadgelyada, dooroshooyinka iyo dimoqraadiyada ka hanaqaaday Somaliland. Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Mr Samaale ayaa yidhi waxa xusid mudan in wufuuda kala duwan ee aduunka ka kala socotay ay ahaayeen kuwo aad xogagaal ugu ahaa arimaha Somaliland iyo horumarka iyo dimoqraadiyada ay Somaliland ku talaabsatay isla markaasna ay dhamaantood ku hanbalyeeyeen Somaliland.

 

 

 

Gudoomiye ku xigaanka Baarlamanka C/Casiis Maxamed Samaale iyo Gudoomiyaha SDWO Guled Abdi Sheekhaash

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this