Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Kuxigeenka xoghayaha Qaramada Midoobay oo maanta kulan kula qaatay Muqdisho

Recommended Posts

Kuxigeenka xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho ra’iisul Wasaare Sharma’arke.

 

Sida uu Idaacada Shabelle u sheegay Afhayeenka Xukuumada KMG Soomaaliya C/qaadir Walaayo ayaa waxa uu tilmaamay in Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayo ku xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ay maanta Muqdisho kulan kula qaateen ra’iisul Wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya.

 

C/qaadir Walaayo ayaa waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay u balanqaadeen ra’iisul Wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya in Xafiisyo ay ka furanayaan qaybo kamid ah dalka Soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay in Qaramada Midoobay ay guddiyo u soo dirayso isagoo sidoo kalana tilmaamay in la is dhaafsaday qodobo kala gadisan.

 

Lama oga wax yaabaha sida rasmi ahaan kaga soo baxay kulankooda marka laga reebo qorshayaasha Qaramada Midoobay ee ku aadan in Xafiisyo ay ka furanayso gudaha dalka Soomaaliya kuwaasi oo aan si rasmi ah loo carabaabin halka ay ka furanayaan iyadoo sidoo kalana aan la shaacin wafdigan xilliga ay yimaadeen iyo waliba xilliga ay baxayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this