Sign in to follow this  
NASSIR

Xabashiga Inaga Daa Gabay

Recommended Posts

NASSIR   

Curiyaha: Maxamed Bashiir Jaamac

 

Inta aanan gelin maansadan waxaan waxyar ka taabanayaa xarafka 4aad ee af soomaaliga oo ah (X). Idinkoo ila arki doona xarafkan waxaa ku badan waxyaalo aan aad loo jeclayn ama qiima weyn lahayn,sida xaasid,xajiin,xumbo ama xunbo,xasarad,xatooyo,xin,xabbad,xisaabtan,xasuuq,xadgudub,xaaraan,iyo kuwa kale oo aanan halkan ku soo koobi karin,oo xabashi ugu dameeyo,oo soomaalidu ay aad u necebtahay.

 

Ma ahi nin aaminsan curaafiska,balse waxaa iga keenay sheekadan nacaybka aan u qabo in askari xabashi ahi soomaaliya dhexdeeda inta la siiyo ogolaansho uuna ka soo qaato soomali uu markaa ku gumaado shacab soomaaliyeed kuna kufsado gabdho soomaaliyeed kuna aar goosto oo kaga dhigo ciil uu qabay iyo caruu kula dhacay.

 

Waxaa is weydiin leh haddii ay xabshida maanta saaxiibo inoo yihiin maxay ku goeen dhalintii soomaaliyeed oo ilaa axmad guray ilaa 1964 ilaa 1977 ku dhimanayey dagaalka xabashida iyo mujaahidiinta maanta weli ka dagaalamaya dhulka somali galbeed.

 

Maansadani waxay ku socotaa xildhibaanada qaranka waxaana taageero uga dhigayaa dhawaaqii ka soo yeeray xildhibaan jinni boqor oo ahaa diidmada xabashida.

 

Ugamana dan lihi ujeeddo siyaasadeed oo gaar ah ee waa mid igaga soo baxday soomalinmo iyo jacayl aan u qabo dalkayga iyo dadkayga qaaliga ah ,ee aan dhaxalka uga helay awoowayaashay. .

 

 

Waxan idhi:

 

Gabay xoolo kuma dhaqan

 

Xoogsina kamaan rabo

 

Xarafkaan qoraayana

 

Xag allaan ka heliyoo

 

Xulufadii rasuulkiyo

 

Xamsa inaan ku biiraa

 

Meel iigu xidhanoo

 

Xaaraan inaan cuno

 

Aadame xaqiis dhaco

 

Kuma darin xisaabaha

 

Dhulkaygana xumaantiyo

 

Xiisadiyo colaadaha

 

Xagashana kolay tahay

 

Inaan laygu xamanayn

 

Xabaalaha shawacliyo

 

Xingalool tan iyo badhan

 

Xubeeriyo buraan yaro

 

Dhahar xididadeediyo

 

Ilaa xeebta laasqoray

 

Xarar dheere iyo howd

 

Xalin iyo hargeysiyo

 

Xamar iyo kismaayaba

 

Xaafuun agteediyo

 

Xiddaa laga ogsoonyahay.

 

Soomaali xul ahoo

 

Waxan ahay xafiidoo

 

Xubigii dalkaygiyo

 

Xiriirkii dadkaygiyo

 

Xariir baan ku jiifaa.

 

Arartaan xariiqiyo

 

Xogta aan warmayaba

 

Xanuun bayga keenaye

 

Aan soo xayuubshee

 

Soomaalaay bal xaafida

 

X da erayga loo qoro

 

Khayr kuma xiriirsana

 

Xumbo waad taqaaniin

 

Xoor cano ma ahaan

 

Xatooyaduna waa ceeb

 

Xasuuq diid ilaahay

 

Xadro diinta laga saar

 

Xiisuhu ma raagaa?

 

Xin miyaa la jecelyahay?

 

Xaasid waa la necebyahay

 

Idin xiijin maayee

 

X du waa dhib badantoo

 

Wax kastoo xumaanoo

 

Ilaahay xarimay baan

 

Xaaraan ku sheegnaa

 

Xarafkaana kama helo

 

Xisbiyda galbeedkuna

 

Waxay xeer u waayaan

 

Ayeey (X )ku sheegaan.

 

Xaruntaan u jeediyo

 

Xeradii ma tegin weli

 

Nayroobi xaalkii

 

Laba sano xusuustii

 

Lagu soo xisaabshoo

 

Xallintii khilaafkiyo

 

Beelaha xasilintii

 

Barlamaanku xawliga

 

Madaxweyne soo xulay

 

Xibir iyo waraaqiyo

 

Xaalka carabta yuu noqon

 

Xayraan lakal noqon

 

Loo noqon xagaagii.

 

Nimankii xiriirkiyo

 

Xeerkeennu uu go ,ay

 

Nimankii xadoo dhacay

 

Xubno weyn dalkeennii

 

Weli xoog ku haystoo

 

Xad kaleeto sii raba

 

Sidee nabad u xeeraan?

 

Xildhibaanka qarankow

 

Adigaa xilkii sida

 

Adigaa ilaahay

 

Ku xisaabin doonaa

 

Xaashaa lilaahiye

 

Xaruntii dalkeeniyo

 

Xuduntiisii weeyee

 

Xamar waa xabiibee

 

Xabashiga inaga daa.

 

Xildhibaanka qarankow

 

Xabashiga inaga daa

 

Xabashiga inaga daa

 

Xabashiga inaga daa

 

Hadii aadse xulufiyo

 

Doolaar xasilin iyo

 

Xoolaha ad damacdaan

 

Xirfadaa ciyaartaan

 

Maatida xaraashtaan

 

Walaydaan xal gaarayn

 

Walaydaan xiriir wacan

 

Ilaahay la xiranayn

 

Sheydaanna xiisuu

 

Naar kugu xodxodayaa

 

Xaruntii dalkeeniyo

 

Xuduntiisi weeyee

 

Xamar waa xabiibee

 

Xildhibaanka qarankow

 

Xabashiga inaga daa.

 

Midna waa xusuusee

 

Xaaji muuse yalaxow

 

Inuu xamar nabdeeyaa

 

Xaduudaha ka qaadaa

 

Xaq ayeey ku tahayee

 

Isna waa xariiqoo

 

Xayn baa ku raacdaye

 

Bal aan eegno xaalkaa.

 

Xildhibaanka qarankow

 

Xabashiga inaga daa.

 

Dhamaad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Hadii aadse xulufiyo

 

Doolaar xasilin iyo

 

Xoolaha ad damacdaan

 

Xirfadaa ciyaartaan

 

Maatida xaraashtaan

 

Walaydaan xal gaarayn

That's just powerful right there :cool:

 

 

BTW this is a geeraar and not a gabay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this