Sign in to follow this  
Shirwac

IndheCade: Masaajidyada canshuur waa ineey baxshaan

Recommended Posts

Shirwac   

Midnimo Information Center

mic 06 - 11 - 2005 - Wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha Soomaaliya

 

 

Sheekh Yuusuf Indha Cadde oo Canshuur ku soo Rogay Masaajidyada Gobolka Shabeelaha Hoose

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maamulka horseedka ka yahay Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) uu canshuur ku soo rogey Masaajidyada ku yaala magaalada Marka sida ay sheegayan Ilo muhiimah oo ku sugan Marka.

 

Kulan ka dhacey Masjid ku yaal Marka ayaa waxaa lagu wargaliyey hawlwadeenada masaajidyada inay bixiyaan lacag canshuur ka gadaal markii la sheegay in Masaajida qaarkood ay leeyihiin ceelal biyood ay ka ganacsadaan biyaha oo lacag ka soo gasho.

 

Hawlwadeenada maasijyada magaalada Marka ayaa si adag gaashaanka ugu daruuurey inay bixiyaan lacagtaas iyagoo taasi sabab uga dhigey lacagaha ka soo gala ceelasha biyaha ee masaajidda ku dhex yaal oo ay sheegeen inay ku dabaraan hawlaha adeega Masaajidyada.

 

Maamulka Indha Cadde tallaabada uu qaaday ayaa dad badan waxay ku tilmaameen wax lala yaabo oo ku cusub dadka Soomaaliyed iyo madaxda kooxaha Siyaasadda ee dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this