Sign in to follow this  
Cowke

Theirs Fears That Galgala Might Be Airstriked

Recommended Posts

Cowke   

Galgala:Cabsi laga Qabo in Galgala la duqeeyo..(xog Hoose).

28. juli 2010

 

Galgala:(Allpuntland)-48-dii Saac ee lasoo dhaafay Waxaa Buuraleyda gobolka Bari & Xuduudaheeda laga dareemayey Diyaarado Jawi hoose

kusoconaya kuwaas oo dul heehaabaya Buuralada Gobolkaas oo ay Puntland tuhunsantahay in ay ku dhuumaalaysanayaan Canaasiir ka tirsan Kooxda Alshabaab.

 

 

Diyaaradahan oo ay Dadka Deegaanku sheegayaan in loo malaynayo inay kasoo kacayaan Maraakiibta shisheeyey ee taagan Xeebaha bari ayaa waxaa ay u badanyihiin kuwo dhowr meelood oo Soomaaliya ah Duqeeyey,islamarkaasna waxaa kujira kuwa aanan Cidna wadin ee ay intabadan Isticmaalaan Hay’adaha Sirdoonka ee reer Galbeedku gaar ahaan Xukuumada Maraykanka.

 

Magaalooyinka Waaweyn ee gobolka Bari ayaa aad looga hadal hayaa Diyaaradahan iyagoo dadbadani ay ka cabsi qabaan in ay Duqeyn rasmi ah ka dhaco Beerta Galgala oo aad looga shaki sanyahay,waxaana maanta suuqyada Siyaasada ee Puntland halmara isqabsaday War sheegaya in Buurahaas ay Duqayni ku bilaabatay,balse markii Danbe Dawladu warkaas waxay ku sheegtay mid been abuur ah oo la buunbuuniyey.

 

Xafiiska Wararka Allpuntland oo xiriir lasameeyey Saraakiisha Ciidamada Puntland ee kusugan Buuralayda dhawaan dagaalku ka dhacay ayaa ay Madaxdu ka gaabsadeen in ay xaqiijiyaan in Duqayni ay suurtagal tahay,waxayna ku gaabsadeen in ay Iyagu isaga filanyihiin Kooxda Alshabaab ee ay dhawaan wada dagaalameen.

 

Sarkaal sare oo katirsan Daraawiishta Puntland ayaa sheegey inuu jiro xiriir badan oo ay leeyihiin Madaxda Puntland & Saraakiisha Maraykanka,waxaana uu sheegey in Dawlada Puntland aysan marna diyaar u ahayn in Buuraleydaas la duqeeyo.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this