Cowke Posted July 28, 2010 Galgala:Cabsi laga Qabo in Galgala la duqeeyo..(xog Hoose). 28. juli 2010 Galgala:(Allpuntland)-48-dii Saac ee lasoo dhaafay Waxaa Buuraleyda gobolka Bari & Xuduudaheeda laga dareemayey Diyaarado Jawi hoose kusoconaya kuwaas oo dul heehaabaya Buuralada Gobolkaas oo ay Puntland tuhunsantahay in ay ku dhuumaalaysanayaan Canaasiir ka tirsan Kooxda Alshabaab. Diyaaradahan oo ay Dadka Deegaanku sheegayaan in loo malaynayo inay kasoo kacayaan Maraakiibta shisheeyey ee taagan Xeebaha bari ayaa waxaa ay u badanyihiin kuwo dhowr meelood oo Soomaaliya ah Duqeeyey,islamarkaasna waxaa kujira kuwa aanan Cidna wadin ee ay intabadan Isticmaalaan Hay’adaha Sirdoonka ee reer Galbeedku gaar ahaan Xukuumada Maraykanka. Magaalooyinka Waaweyn ee gobolka Bari ayaa aad looga hadal hayaa Diyaaradahan iyagoo dadbadani ay ka cabsi qabaan in ay Duqeyn rasmi ah ka dhaco Beerta Galgala oo aad looga shaki sanyahay,waxaana maanta suuqyada Siyaasada ee Puntland halmara isqabsaday War sheegaya in Buurahaas ay Duqayni ku bilaabatay,balse markii Danbe Dawladu warkaas waxay ku sheegtay mid been abuur ah oo la buunbuuniyey. Xafiiska Wararka Allpuntland oo xiriir lasameeyey Saraakiisha Ciidamada Puntland ee kusugan Buuralayda dhawaan dagaalku ka dhacay ayaa ay Madaxdu ka gaabsadeen in ay xaqiijiyaan in Duqayni ay suurtagal tahay,waxayna ku gaabsadeen in ay Iyagu isaga filanyihiin Kooxda Alshabaab ee ay dhawaan wada dagaalameen. Sarkaal sare oo katirsan Daraawiishta Puntland ayaa sheegey inuu jiro xiriir badan oo ay leeyihiin Madaxda Puntland & Saraakiisha Maraykanka,waxaana uu sheegey in Dawlada Puntland aysan marna diyaar u ahayn in Buuraleydaas la duqeeyo. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites