Deeq A. Posted September 22, 2024 Qarax ka dhacay goob dhuxuul dhagaxda laga qodo oo ku taal bariga dalka Iran ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 51 qof, halka tiro kalana y ku dhaawacmeen, sida uu ku waramay taleefishinka dowladdu. Wararka intaas ku daraya in tiro badan oo kamida shaqaalihii goobtaas ka howl-gelayay in laga Cabsi qabo inay ku xayiran burburka qaraxa hoostiisa. Qaraxa ayaa ka dhashay gaaska methane-ka ee kasoo daatay goob laga qodo dhuxusha oo ku taal magaalada Tabas, oo qiyaastii 540km u jirta, koonfur barina ka xigta magaalada caasimadda ah ee Tehran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites