Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The World Learns from Somaliland

Recommended Posts

Hargeysa (Waaheen) Somaliland oo ah Dal yar oo Curdina oo aan wax Aqoonsi ah ka haysan Beesha Caalamka, ahna wadamada Faro ku tiriska ah ee Qaarada Africa qaatayna hanaanka Dimuqraadiyada ee Xisbiyada badan ayaa waxa arrin aad loola yaabo noqotay inay ku soo kordhiyaan arrin cusub Dimuqraadiyada taas oo ay kaga daydeen Wadamo Beesha Caalamka ka tirsani.

 

Dhacdadan cusub oo ah hanaanka korodhsiimo ee muddada xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo ah mid daba furan ah oo aan la garanayn xilliga ay ka dhamaanaysa shuruudna looga dhigay xilliga ay doorasho qabsoonto in ay muddada xilku kaga eegtahay, ayaa durba waxa hirgaliyay oo kaga dayatay Somaliland Xukuumadda wadanka Falastiin ka dib markii Xukuumada Wadankaasi iyo Ururada Mucaaridku ku heshiiyeen in xilka Madaxwaynaha loo kordhiyo Mudo aan la Cayimin, taas oo ah illaa inta Doorashadu qabsoomayso,

 

 

Komishanka Doorashooyinka Somaliland markii ay ka dhawaajiyeen in aanay suuro-gal ahayn in wakhtigan doorasho la qabto oo aanu Server-kii sax ahayn, Xisbiyada Mucaaridka ahi ay ku gacan saydheen iyaga oo leh ha la kordhin mayo, maalin lagu dari mayo, halka Xukuumadu ay u ololaynaysay inay Guurtidu kordhiso muddada uu Madaxwaynhu Xilka haynayo, iyagoo Shacabkuna ay walaac ka muujiyeen halka ay xaaladu marayso, iyagoo doonaya in aanu dibu-dhac ku iman xilliga Doorashada, balse aan doonayn inuu wadanku bilaa hoggaan ku dhaco ayna tahay in loo kordhiyo, balse aanay garanaynin halka uu xalku ku jiro.

 

ayaa Golaha Guurtida Somaliland waxay qaateen go’aan geesinimo leh oo wax ku ool ah oo lagaga daydo ka dib markii ay keeneen qorshaha ah in muddada xilka Madaxweyana iyo ku-xigeenka Madaxweynahu ku eekaato marka doorasho dalka ka qabsoonto bil ka dib kaga eekaato.

 

Arrintaasi ay Somaliland ku dhaqaaqday ayaa si buuxda u hirgaliyay Xukuumada Falstiin iyo Xoogaga Mucaaridka oo isku maandhaafsanaa arrimaha Doorashada, iyadoo xukuumadu doonaysay in loo kordhiyo Madaxwaynaha, taas oo ay ka biyo diideen kuna tilmaameen inay tahay Qayru sharci oo aanay ogolaan doonin Ururda Mucaaridka ah ee Falastiin.

 

Balse go’aan ka soo baxay Golaha Shuurada ee Wadanka falastiin ayaa waxa lagu go’aamimay in Madaxweyne Cabaas oo ah Hogaamiyaha Ururka Al-fatax uu xilka Madaxweynaha sii hayn doono tan iyo inta ay doorasho ka qabsoomayso dalka.

 

Arrintan ayaa la filayaa in ay sii socon doonto oo ay qaadan doonaan dalal badan oo ku jira kacaa-kuf siyaasadeed oo iska hor keenay Mucaarid iyo Muxaafid, gaar ahaan dalal badan oo ku yaala qaaradda Africa iyo Asia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhacdadan cusub oo ah hanaanka korodhsiimo ee muddada xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo ah mid daba furan ah oo aan la garanayn xilliga ay ka dhamaanaysa shuruudna looga dhigay xilliga ay doorasho qabsoonto in ay muddada xilku kaga eegtahay, ayaa durba waxa hirgaliyay oo kaga dayatay Somaliland Xukuumadda wadanka Falastiin ka dib markii Xukuumada Wadankaasi iyo Ururada Mucaaridku ku heshiiyeen in xilka Madaxwaynaha loo kordhiyo Mudo aan la Cayimin, taas oo ah illaa inta Doorashadu qabsoomayso,

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this