Sign in to follow this  
Cumar

The battle still continues, Barre's side captures technicals

Recommended Posts

Cumar   

Bu'aale (PP) - Warar saakay laga helay Degmada Bu'aale ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in degmooyinka Bu'aale iyo Saakoow ay ka socdaan xilligaan dagaallo qaraar oo u dhexeeyay Malleeshiyooyinka Col. Barre Hiiraale iyo kuwa Maxkamadaha.

 

Dagaal aan sidaa u sii badnayn oo shalay ka dhacay degmada Bu'aale iyo Dajuuma ayaa sababay inay halkaas isaga baxaan qaar ka mid ah Malleeshiyada Col. Barre Hiiraale iyadoo la sheegay in gawaari nooca dagaalka ahna laga qabsaday Col. Barre Hiiraale.

 

Qabsashada Gawaarida dagaalka ee dhanka Col. Barre Hiiraale ayaa waxaa caddeeyay qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Maxkamadaha, waxaana sidoo kale ay sheegeen inay gawaarida ay qabsadeen ay gaarayaan in ku dhow 16-gawaarida tiknikada loo yaqaan ah oo ay leeyihiin Malleeshiyooyinka Col. Barre Hiiraale, isla markaana ay kala eryeen.

 

Dhanka Col. Barre Hiiraale ayaa iyaguna sheegay inay dagaalkaas ku qabsadeen kooxo tikniko ah oo ka tirsan kuwa Maxkamadaha isla markaana ay ka dileen qaar ka mid ah ciidammadooda, waxaana ay sheegeen in xilligaan ay isku horfadhiyaan goobihii ay horay awalba isugu hor-fadhiyeen.

 

Ilo wareedyo ku sugan Degmada Jilib ayaa u xaqiijiyay Puntlandpost in dagaallo ay saakay ka qaraxeen Degmooyinka Bu'aale iyo Saakoow, waxaana la sheegay in dagaallada hadda socda ay yihiin kuwo aad uga xooga badan kuwii shalay, balse aan qiyaasi karin khasaaraha ay saakay dhaliyeen.

 

Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaallada ka socda degmooyinka Bu'aale iyo saakoow waxaad aqriste kala socon doontaa Puntlandpost.com haddii ALAHA awoodda leh ogolaado.

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadisho

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

 

http://www.puntlandpost.com/newspage.php?articleid=6348

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this