Sign in to follow this  
Cowke

Hargeisa MP Released From Emirate Jail

Recommended Posts

Cowke   

Dawladda Isu-taga Imaaraadka Carabta, ayaa shalay sii daysay Xildhibaan Maxamed Cali Jibriil oo ka tirsan golaha Wakiillada Somaliland

 

Xil. Maxamed Cali Jibriil waxa uu muddo 12 maalmood ah ku xayirnaa Madaarka magaalada Dubai, ka dib markii shandadiisa laga helay Bastoolad

 

Siday faafisay shabakadda wararka Internet-ka ee Ramaasnews, Xildhibaanka waxa lagu sii daayay ka dib markii Madaxweyne Rayaale qoraal uu dawladda Imaaraadka u diray kaga dalbaday in xayiraada laga qaado xubintaas oo ka mid ah Mudaneyaasha xisbiga UCID ugu jira golaha Wakiillada, lagana soo doortay gobolka Sanaag

 

Sida uu sheegay Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo ka mid ah qaraabada Xildhibaanka, waxa uu isla shalay Xildhibaanku u duulay dhinaca dalka Ingiriiska oo uu markii horeba u jihaysnaa. ”Anigoo uu Xildhibaan Maxamed Cali Jibriil ii soo wakiishay inaan u mahadnaqo madaxdii iyo shakhsiyaadkii dedaalka weyn u galay sidii xayiraada looga qaadi lahaa Xildhibaanka oo Madaarka ku xanibnaa, ka dib markii shandadiisa laga helay baastooladiisii, waxa sii daynta Mudanuhu ka dambaysay markii Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin uu qoraal u qoray dawlada Imaaraadka kaga dalbaday in la sii daayo Xildhibaanka, taasoo ay dawladuna tixgelisay,” ayuu yidhi Mustafe-Shiine. Wuxuuna intaa raaciyay; ”Waxaanu u mahadnaqaynaa Madaxweynaha Somaliland ee dedaalka u galay xayiraad-ka-qaadista Xildhibaanka. Waxa kale oo aanu mahad naqaynaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo warqad taas la mid ah u qoray dawlada Imaaraadka Carabka.”

 

Wargeyska Ogaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this