Sign in to follow this  
Kashafa

Ethiopians shell SOS hospital

Recommended Posts

Kashafa   

Goobaha ay Ciidamada Itoobiyaanka Madaafiicda ku garaaceen ayaa waxaa ka mid ah qeybta lagu xanaaneeyo Caruurta Agoonta ah iyo kuwa ay Waalidiintoodii tuureen ee Isbitaalka SOS, waxaana halkaas ku dhaawacmay labo ruux oo ka mid ah howl-wadeenadii Isbitaalka, halka Madfac kale oo ku dhacay iridka Isbitaalkana uu ku dhaawacmay qof rayid ah oo wadada marayay.

Source

 

Nothing new here. The scorched earth tactics continue unabated.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

3 ka mid ah shaqaalaha isbitalka SOS oo ku dhaawacmay Madaafiic galabta lagu garaacay qeybo ka mid ah Deg. Heliwaa

 

Mogadishu 10, Nov. 07 (Sh.M.Network)- 3 ka mid ah shaqaalaha Isbitalka SOS ayaa ku dhaawacmay Duqeyn dhinaca madaafiicda ah oo galabta lagu qaaday qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobolka Banadir, iyadoo dhinaca kale israsaaseyn ay ka dhacday saldhigga booliska degmada Heliwaa.

 

Sida ay Shabelle u sheegeen dadka deegaanka, ilaa 11 madfac oo aad u xoogan ayaa ku soo dhacday inta la og yahay xaafadaha SOS iyo Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho.

 

3 ka mid ah shaqaalaha Isbitalka SOS ayaa ku dhaawacmay madaafiic ku soo dhacday Isbitala SOS sida ay Shabelle u sheegeen saraakiil ka tirsan isbitalkaasi.

 

Madaafiicdaan ayaa sida ay sheegayaan dadka deegaanka waxa ay ka imaaneysay fariisimada ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin warshaddii hore ee Baastada iyo Maslaxa.

 

Waxaa jira qasaarooyin kale oo ay geysteen madaafiicdaan oo wali isi soo taraya.

 

Dadweyne fara badan ayaa isaga cararay deegaanka suuqa xoolaha markii ay bilowdeen duqeynta.

 

Sidoo kale israsaaseyn xoogan ayaa waxa ay ka dhacday saldhigga booliska degmada heliwaa, iyadoo israsaaseyntaan ay u dhaxeysay ciidamada booliska iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, lamana oga wali qasaaraha ka dhashay.

 

Suuqa xoolaha ayaa waxa uu ka mid yahay meelihii dhowaan laga helay meydadka dad rayid ah oo gaaraya ilaa 12 ruux oo ay dileen ciidamada Ethiopia.

 

Dhinaca kale 7 ruux oo hal qoys ka soo wada jeeda oo 5 ka mid ah ay yihiin Caruur ayaa maanta ku dhaawacmay xaafadda Albaraka ee magaalada Muqdisho, ka dib markii gurigooda uu ku soo dhacay hoobiye aan ilaa iyo wali la garan meesha uu ka yimid sida uu Shabelle u sheegay aabihii qoyskaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this