Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Xisbullah oo Saaka la kulantay Fashil Sirdoon oo guul-darro u dhaweeyay Weerarkii ay u qorshaynayeen Israaโ€™iil

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1724567993628.jpg?resize=720%2C48

Kooxda Xisbullah ayaa saaka la kulantay fashil sirdoonka oo ku dhaweeyay guul-darro, kadib markii ka hor weerarka ay qorsheeyaan in ay ku qaadaan 5 subaxnimo Israaโ€™iil ay la kulmeen weerar weyn oo uga yimid dhinaca Israaโ€™iil oo iskaashi sirdoonka iyo howlgal ka helaysa Mareykanka.

Israaโ€™iil iyo Maraykanka Waxay kiciyeen in ka badan 100 diyaaradood oo gaaracay goobaha Xisbullah inta uusan billaaban weerar kooxda , markaa oo ay si dhammeystiran u duqeeyee gobolka koonfurta Lubnaan. Saraakiisha Mareykanka iyo Israaโ€™iil ayaa sheegay inay heleen sirdoonka sax ah oo ay ku xaqiijiyeen diyaar garowga weerarka 24 saac ka hor xilliga la qorsheeyay, markaasi oo ay duullaan xooggan ku qaadeen illaa 40 goobood oo ku yaalla gudaha Lubnaan.

Maraykanka iyo Israaโ€™iil waxay goobahaasi ku sheegeen in ay ahaayeen saldhigyada ugu muhiimsan Xisbullah ee lagu diyaariyay gantaallada riddada dheer ee ay Xisbullah doonaysay inay ku weerarto Tel Aviv iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee gudaha Israaโ€™iil, balse kumannaan gantaal ayaa lagu garacay goobaha ka hor inta uusan weerarka Xisbullah billaaban, sida u sheegay Afhayeenka ciidanka Israaโ€™iil, Daniel Hagari.

Wasiirka Difaaca Israaโ€™iil, Yoav Gallant ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah gudaha Israaโ€™iil 48 saacadood ee soo socda, iyadoo Maraykanku uu ku dhawaaqay inuu sii wadi doono taageerada Israaโ€™iil ee xaqa ay u leedahay wax uu ku sheegay in ay is difaacdo.

Garoonka diyaaradaha Tel Aviv ee Ben Gurion ayaa muddo kooban hakiyay duulimaadyadii ka dib markii Israaโ€™iil ay ku dhawaaqday weerarkeeda balse waxa uu dib shaqada u billaabay 7 subaxnimo.

PUNTLAND POST

The post Kooxda Xisbullah oo Saaka la kulantay Fashil Sirdoon oo guul-darro u dhaweeyay Weerarkii ay u qorshaynayeen Israaโ€™iil appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this