Sign in to follow this  
General Duke

'Puntland ha noolaato' is heard from thousands in the streets of Laascaanood

Recommended Posts

Laascaanood, Jan 08 - Mudaaharaado lagu taageeray doorashada M/weynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ee Puntland oo ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool

9. januar 2009

 

Banaanbaxyo lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo ku xigeenkiisa C/samad Cali Shaire ayaa ka dhacay xaafadaha magaalada Laascaanood.

 

Dadweyne aad u faro badan ayaa maantay markii ay maqleen in isbadel uu ku yimid hoggaanka Puntand, lana doortay Madaxweynaha cusub Md. C/raxmaan Maxamed Faroole isugu soo baxay wadooyinka magaalada, iyaga oo dareenkooda ku muujinaya sida ay u soo dhawaynayaan isbedalka siyaasadeed ee ka hanaqaaday Puntland.

 

Dadkan isu soo baxay ayaa ku dhawaaqayey erayo ay ka mid yihiin 'Puntland ha noolaato', iyagoo sitay calanka Soomaaliya ee buluuga ah.

 

Sidoo kale ayaa mudaaharaadayaashu ay dhaleeceeyeen hoggaankii hore ee Puntland ee ay madaxda ka ahaayeen M/weynihii hore Cadde Muuse iyo ku xigeenkiisii Xasan Dahir Afqudhac.

 

Sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ahaa, ciidanka Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa siku deyey in ay kala dareeriyaan dadka mudaaharaadyey, markii dambena rasaas ooga kaga qaaday.

 

Qaar ka mid ah dadka mudaaharaadayey ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay.

 

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay mudaaharaadadaas.

 

Maxamed Kooshin,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this