Sign in to follow this  
Land_Soldier

Saaxil not happy with Silaanyo's Goverment

Recommended Posts

Reer Saaxil Oo Cabasho Ka Muujiyey Saamiga ay Ku Yeesheen Xukuumadda Cusub.

 

02/08/2010 Berbera(berberanews):- Dadweynaha gobolka xeebeedka Somaliland ee Saaxil ayaa cabashooyin ka muujiyey saamiga uu madaxweynaha cusub ee Somaliland Md Axmed Siilaanyo ka siiyey xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo magacaabay.

 

Sida laga warqabo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa hal wasiir ka siiyey 26 wasiir iyo wasiir ku xigeen oo uu dhawaan magacaabay, waxana si aada uga cawday isla markaana uga xumaaday dadweynaha ku dhaqan gobolka Saaxil.

 

Dadka gobolka Saaxil ayaa waxay cabashadan ku sababeeyee in aanay u qalmin saami intan leeg, maadaama uu gobolku yahay gobolka ugu dhaqaalaha badan isla markaana uu kamid yahay gobolada ugu dadka badan Somaliland.

 

“ suuro gal maaha in degmada Balligubadle la siiyo 3-wasiir, gobolka Saaxil oo dhanna la siiyo hal wasiir, waxan leeyahay madaxweynaha cusub caddaaladu waa in dadka meesha jooga si isu dheeli tiran wax loogu qaybiyaa” sidaa waxa yidhi Saleebaan C/laahi oo ka tirsan dadka ku dhaqan gobolka Saaxil oo aanu dareenkiisa wax ka waydiinay.

 

“ waxan u arkaa in xukuumada cusub ee uu soo dhisay madaxeynuhu ay tahay raali gelin dadkii ololaha ugu cad cadda, laakiin waxan leeyahay dadka cid ololaysay iyo cid aamustayba isku si waxa ha loogu qaybiyo” ayuu ku daray.

 

Marka la eego guud ahaanba dareenka reer Saaxil ee saamiga xukuumadda cusub ayaa ah mid niyad jab iyo u qaadan waa ku noqday dadka gobolka, waxana merfeshyada iyo goobaha dadku iskugu yimaaddaan lagu falanqaynayaa sababaha saamiga intan leeg loo siiyey.

 

Inta badan dadku waxay ku cabirayaan in saamiga yar ee la siiyey gobolkkooda uu sabab u yahay gobolka oo aanu taageero badan ka helin xisbiga Kulmiye doorashadii madxtooyada.

 

sl_gobollo_cusub.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Need to get used to Silaanyo as President.

 

I remember him demonstrating infront of Presidential palace saying he didnt recongnize Goverment of Riyaale,this was less then a 1 year ago.

 

Kulmiye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this