Sign in to follow this  
General Duke

Samsam Ahmed Dhualeh: Yet another Somali tragic tale

Recommended Posts

War dheeri ah oo ku saabsan dhibaatadii iyo xarigii loo gaystay Samam Axmed Ducaale

By PP Posted to the web 20-10-2004, 21:06:39

 

Garoowe:-Samsam Axmed Ducaale oo 17-kii bishii Agoosto 2004, lagu xiray magaalada Hargaysa looguna gaystay Kufsi,Jir-dil, ayaa markii ugu horaysay la keenay maxkamadda Hargaysa 5/10/2004.

 

Samsam oo iyada lagu eedeeyay in ay tahay basaasad ay soo dirsadeen maamulka Puntland, dhibaatadaasina u soo gaartay qoyska ay u dhalatay darteed, ayaa waxaa isla maalintii maxkamadda la keenay waxaa la waayay xeer ilaaliyihii dacwadda ku soo oogi lahaa,waxaana lagu gaaray goobtaas ilaa abaarihii 11:20 barqanimo.

 

Waxa kaliya oo soo xaadirayna waxay ahaayeen Eedaysane Samsam Axmed Ducaale,Qaaligii Maxkamadda iyo Markhaantiyaal cadaynayay eeda loo soo jeediyay Samsam iyo dadwayne aad u tiro badan oo dhagaystayaal ka ahaa dacwadda.

 

Maqnaanshaha Xeer ilaaliyaha ayaa dadku ku sheegeen in uusan hayn eedayn dhab ah, oo loo qaateen ah.

 

Gudoomiyaha maxkamadda ayaa isagu markii la waayay Xeer-ilaaliyihii waxa uu isagoo ishaaray dhinaca ay fadhiyaan ragii markhaantiyaasha ahaa waxa uu Samsam wadiiyay inay garanayso ragan, waxayna ugu jawaabtay "...waan garanayaa oo waa nimankii kufsiga iyo jirdilka ii gaystay, waxaana ka maqan hal nin iyo taliyihii ku amray in kufsiga iyo jirdilka igu samaeeyaan oo kaliya", waxaa halkaas kabilowday buuq iyo foori aad u tiro badan, taasoo ay kiciyeen dhegeystayaashii halkaas joogay.

 

Intaas kadib ayaa xaakimkii amray in la kaxeeyo gabadha, laguna celiyo xabsigii ay horay ugu jirtay lana soo celiyo 9/10/04.

 

9/10/2004, waxaa maxkamadda joogey dad weyne gaaraaya ilaa 1000 qof oo ka mida ah shacab waynaha Hargeysa, dhamaantood ka wada xumaa dhibka loo geystey Samsam ee xaqdarada ku ah Shareecada Islaamka iyo Dastuurka u yaal Somaliland, Dhaqanka Ummada iyo Xuquuqda Aadamiga intaba.

 

Waxaa halkaas ka furmay doodii, Waxaana maalintaas yimid Xeer Ilaaliyihii, oo isagu maalintaas la soo baxay eedaynta uu ku eedaynayay Samams oo ahayd:-

1- Inay ahayad Basaasad loo soo diray guriga Madaxwayne ku-xigeenka.

2- In ay sheegatay qoys aysan u dhalan.

 

Eedayntaas kadib waxaa markiiba cirka isku shareeray buuq iyo sawaxan oo u badan oo ka soo yeeray dhegaystayashii maxkamadda oo iyagu ku qancay in aan wax eeda ah oo macquul ah la keenin goobta, Samasana xaq u leedahay in xoriyadeeda dib loogu soo celiyo.

 

Waxaa kaloo goobtii ka hadlay looyarkii Samsam oo isla markiiba sharciga ka codsaday in loo xirxiro danbiilayaasha Xeer Ilaaliyuhu uu maragga ka dhiganaayo ku waas oo ah buu yiri ragii faraxumeynta u geystey Samsam.

 

Wuxuu kaloo halkaas ka caddeeyay inuusan xeer ilaaliyuhu keenin waxa dacwad ah oo lidi ku ah Samsam oo qawaaniinta iyo sharciga waafaqsan, wuxuuna looyarki cuskaday qodoba badan oo ay ka mid ahaayeen, 21 . 22. 23 .24. 25. 26 .27 .28 ee Dastuurka Somaliland iyo heshiisyada iyo xeerarka caalamiga ah.

 

Sidaas darteed waa in Samsam Axamed loo soo celiyaa xoriyadeedii talaabo sharciga waafaqsanna laga qaadaa danbiilayaashii falkaan kula kacay inanta yar ee sabiga ah.

 

Hadalkaas ayaa waxaa sacab ku soo dhaweeyay dhegaystayaashii Maxkamadda, waxayna ku qaylo iyo fooru ku abaal mariyeen Xeer ilaaliyihii Maamulka Somaliland, waxaana ka mid ahaa erayada ka soo baxayay afka dhegaysatayasha "..waa in lagu bedelaa gabadha danbiilayaasha gabadha qashay..".

 

In yar kadib waxaa irida si qarsoodi ah kaga baxay xeer ilaaliyihii maxkamadda oo isagu aaday sida la xaqiijiyay guriga madaxwayne ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, si uu ula socodsiiyo halka ay wax marayaan.

 

Waxaa isna udul qaadan waayey shucuurta shacabka kacsan qaadigii maxkamadda oo isna iska baxay isagoo aan waxba sheegin.

 

Muddo walaahow ah hadii lagu jirey ayaa waxaa taleefon soo diray xaakimkii oo amray in Samsam laceliyo lana soo celiyo 14/10/04 taasna halkaas ayey ku dhamaatay.

 

Markii laga baxay maxkamadda ayaa ururadii xuquuqul-in-saanka iyo kuwa rayadkuba waxay soo qabteen sadex looyar oo iyana udooda Samsam waxaayo waxaa iska cadaatay arintii lagu haystey gabadha.

 

Subixii 14/10/04 Waxaa laysugu yimid dhageysigii dacwadda iyada oo lakeenay maxkamadda ciidamo gaaraaya 120 askari oo gaar ah, taas oo loogu talagalay in lagu caburiyo xoriyada mubaadiniinta dhegeysanaayey arintaan foosha xun.Majirin wax uu xeer ilaaliyuhu uu kasoo bedelay eedayntiisii hore, ee dhalisay buuqa iyo qaylada.

 

Doodo kulkulul kadib ayaa sadex dii qareen ee u doodaayey Samsam waxay keeneen dood aad usoo jiidatey dad weynihii xumaan diidka ahaa, waxaana bilaabmay sacab iyo mash xarad, lagu taageerayo qareenada Samsam, waxaynta arrintaas ciidankii goobta la keenay kaga jawaabeen shan xubnood oo ka mid ah dadkii u ka dhiidhiyay ficilkii loo gaystay Samsam. waxaana ka mid ahaa dadka la xir xiray.

 

1- Xil-dhibaan Axmed Dirir (Xildhibaab baarlamaanka S/lanad)

 

2-Mudane Ibraahin Xaaji Muuse (Ururada Bulshada Rayidka)

 

3-Siciid Axmed Maxamuud (Agaasimaha Ururka Isbahaysiga Xuquuqu Insaanka)

 

4-Garyaqaan Ibraahin Jaamac Cali (looyarka Samsam)

 

5-Saleebaan Ismaacil Bullaale (Afhayeen ka isku xirka xuquuqul in saanka )

 

Waxaa halkaas ku dhamaatay maxkamadii lakeenay Samsam, waxaana goobtaas ka dhacay gancan ka hadal, Samsamna waxaa dib loogu celiyay jeelka oo ay ilaa iminka ku jirto.

 

Waxaa xogta soo gaarsiiyay goob-jooge ay Puntlandpost u dirstay arrinta Samsam, kaasoo aan magaciisa la shaacin doonin arrimo la xiriira amnigiisa awgiis.

 

NB:waxaan dhawaan Insha'allaah idiin soo gudbinaynaa qoraalkii uu xeer ilaaliyaha S/land uu ku soo oogay Samsam Axmed iyo Sawirkeedii.

 

Puntlandpost,Garoowe,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa: Mahadhadii Hargaysiyo, Samsam Hadimadeedii, Haaraan Aduunyiyo, Hodman sow ma Baylihin!

- Thursday, October 21, 2004 at 00:25

 

Hargeysa - Waxaa goor saqdii dhexe ah, oo badi san-ku-neefluhu dhinaca dhulka la haleeyay, loogu soo dhacay maqsinkii ay ku xidhnayd gabadh ardayad ah oo dhawr iyo toban jir ah.

 

 

 

Waa laga salaliyey. Waa la rusheeyey. Waa la dhabanaaneeyey. Calaladii ay xidhnayd ayaa laga murxiyey. Dharbaaxo iyo farajirjir ayaa laysugu daray. Intaasi haddii ay waxba ka tari weyday ayaa jirdil, faraxumayn, bahdil, iyo falxumo tasarufka insaaniyadda ka fog laysugu xijiyey.

 

 

 

Masiibadu waxaa ay haleeshay ugub Somaliyeed oo dhawr iyo toban jir ah - waa Samsam Axmed Ducaale e.

 

 

 

Ayaandaradani waxaa ay ka dhacday ciid Somaliyeed oo la is lahaa nabaad iyo nabdoonaan ha loogu hirto - Hargaysa ayaa ah bar-ibtileedka.

 

 

 

Waxaa si aan marnaba caqliga saliimka ahi qaadan karin dharaar cad magaaladda Hargeysa dhallaaxda lagu qaaday damiirka iyo anshaxa asaasiga u ah hab-dhaqanka Somalidu ay ku hirato.

 

 

 

Daah ayaa ka saaraa badi Somalida in ay dhacdadu run tahay iyo in kale. Waxaase xeero iyo fandhaal kala dhaceen mar loo hanjabay, xabsiga loo taxaabay tiro rag iyo dumar ah oo ay damaqday hadimada iyo falxumada Bilayska iyo Ciidamada amniga Hargaysa ay kula kaceen sabiga aan la garan wax ay galabsatay.

 

 

 

Maalmihii la soo dhaafay ayaa saxaafaddu ka war heshay dhacdadan ugub; waxaa tafaasiil laga bixiyey uur-dooxnimada, horornimada, iyo qabinimada aan marna looga fadhiyin bilayska iyo ciidanka amniga ee Hargeysa. Waxaa iyana tiiraanyo leh sida mas'uuliyiinta ay arintu khusayso, khaasatan Md. Axmed Yusuf Yaasin - Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland - ay u gabeen kaalintii kaga aadanayn.

 

 

 

"Waa la filan karaa maandaridda askarta falxumada gaysatay. Maxaase ibtileeyey hawl-wadeenada maamulka dawladda. Maxaa dadnimada, damiirka iyo dareenka ka xayuubiyey mujtamaca Somaliyeed ee boqolaalka kun kor u dhaafay ee Hargeysa maansheeyey" sidaa waxaa yidhi mid ka mid ah dhallinta arintu ka fajicisay ee Hargeysa ku nool.

 

 

 

Maxamuud Axmed Maxamed "Gubadle" waxaa uu ka mid yahay dadkaa damqaday ee xabsiga loo taxaabay. Waxaa uu xaqiijiyey cabsi dad badani ay iska indha-saabayeen oo ah jiritaanka dhacdadan. Warysi uu siiyey radiolaascaanood, waxaa uu ka hadlay sida dadka u dooda xuquuqal insaanka loo handado, aanan loo ogolaan in ay ka hortagaan ku tumashada xorriyadda shakhsiga ee rabaaniga ah, isaga naf ahaantiisana marar badan oo hore loo xidhay arimo la xiriidha falal danmiyeedyo bilaysku gaysteen.

 

 

 

Md. Gubadle oo ka warbixiyey sida ay Samsam ku timi Hargeysa ayaa sheegay in " .... Gabadhu waa gabadh 17 jir ah. Magaceedana waaxaa la yiraahdaa Samsam Axmed Ducaale, waxaana gaariga u waday nin Cumar Jaamac Warsame layiraahdo. Gabadhasi waxay ka timid magaalada Boosaaso, sida wararaka rasmiga ahi sheegayaan, waliba maantaan si toos ah u xaqiiqsanay gabadhaasi markay Boosaaso ka timid waxay ku tala gashay in ay hooyadeed ka baxsato. Makaa gabdho yar yar oo ka soo horeeyay ayaa waxay ku yiraahdeen xaaska Madaxwayne ku Xiigeenka, Axmed Yusuf Yaasiin, ayaa habaryar noo ah, markaad Hargaysa timaadana gurigiisaad noogu imaan kartaa bay ku yidhaahdeen. In kastoo iyada naftigeeda nin abtigeed ahi uu ahaa wasiir ka isboortiga oo la yidhaahdo Maxamuud Siciid. Sidaasay markaa ku tagtay gabadhu guriga Madaxwayne ku Xigeenka, isla mar ahaantaana markii gabadhii gurigii laga gadhan waayay waxaa la yiri gabadhani waa basaasad, oo saasaa lagu qabtay."

 

 

Maxaa ka jira in Samsam ay tahay basaasad, u socotay in ay disho Madaxweyne ku Xigeenka?

 

 

 

"Gabadhaasi wax astaan ah, ama qoraal ah, ama qalab ah oo ay sidatay oo laga helay, oo lagu xaqiijin karo in ay gabadhani basaasad ahayd ma jirto" ayuu yidhi Md. Maxamuud Axmed Maxamed “Gubadleâ€.

 

 

 

Faraxumayn iyo Jirdil

 

Mar wax laga weydiiyey in la faraxumeeyay, jirdilna lagu sameeyey Samsam, Md. Gudable waxaa uu yidhi " .. Gabadhaas markii la qabtay iyada iyo ninkii daraawalka ahaaba waa la xidhay. Isla mar ahaantaana, isagu laba habeeyn ayuu xidhnaa, waana la soo daayay markii danbe, laakiin gaadhigiisii oo ciidankii kaxaysteen oo duqadi gaadhay ayuu soo baxay, markii uu qayliyay oo gaadhigiisii ka hadlayna isaga ruuxiisii dib baa loo xidhay. Laakiin gabadhu siday iyadu sheegtay in ay gabadhaasi faraxumeeyeen askarta CID-da ah, waliba dahabkeedii qoorta ugu jirayna aan lahayn, ilaa hadda gabadhaan dhibaato wayn ay u gaysteen."

 

Xaaladeeda Caafimaad

 

Mar uu ka hadlay xaaladda caafimaad ee ay iminka ku sugan tahay Samsam, Md. Gudable waa uu ka dayriyey xaaladeeda.

 

"Xaaladdeeda caafimaad baryahaanba waa laga soo dayrinayay.... aniga iyo gabadh Amnesty International ka socota, ee Raqiya Oomar ayaa israacnay, markaa waxaan u tagnay qolada la yiraahdo UNHCR, waxaanuna waydiisanay in ay dhakhaatiir na siiyaan si gabadh aan ugu tagno....marakaa waxaa laga yaabaa hadii ilaahay idmo in aan bari u tagno anaga iyo dhakhaatirtu."

 

Mee Abtigeed?

 

Waxaa dad badani is weydiinayaa sababta keentay in abtigeed oo ka tirsan xukuumaddu aan la maqal wax tallaaba ah oo uu ka qaaday arintan.

 

"Walaahi sida la ii sheegay maraan maanta la kulmay gabar ay walaala yihiin isaga, waxaa la ii sheegay in uu saddex jeer u tagay Madaxwayne ku Xigeenka, uuna ku yiri wixii arintaas ka yimaada anaa ka mas’uul ah ee gabadha hala sii daayo, isla mar ahaantaana uu ka diiday. Markaa wuxuu ku yidhi anigu dib dambe kuugu iman maayo, warkaasaa igu maqaala ah. Laaakin intii anigu aan joogay ee soconaynay wax gabadhaa caa’iladeeda ah oo u soconaya haba yaaratee maan araag." ayuu yidhi Md. Gubadle

 

 

 

Mar Md. Gubadle la waydiiyey sida ay ku dhacday in gabadh da'daas ah loola macaamilo sidaas, ayaa ku jawaabay " ...kolla waxaan dareemayaa in midab takoor aad u ballaadhani uu jiro howshuna ayan halkaa gadheen haddii ay gabadhani tahay dadka dagaankaan"

 

Dareenka Shacabka Hargeysa

 

Mar wax laga waydiiyey dareenka dadka rayidka ah ee Hargaysa ku nool, waxaa uu yidhi "... Dadka shacabk reer Hargaysa horta sidaa uma ugaynoo sida reer Laascaaano ayay dhawaan u ******** , …. Laakiin dadka ururda xuquuqda aadanahaa u dooda hadda aad ayay uga xun yihiin, qareenadana iyaga ayaa u qabtay, waliba halkii qareen waxay ku kireeyeen lacag kun doollar ($1,000) gaadhaysa, waxayna diyaar ula yihiin in ay ladaba joogaan, hadday ku baxayso, oo ay arintaa xal ka gaadhaan."

 

Dareenka Dadka u Dhashay Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn

 

Dareenka iyo kaalinta kaga aadan dadka u dhashay Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayuu ku tilmaamay mid aad u liidata.

 

"Dadka Hargaysa jooga ee goballadaas u dhashay horta boqolkiiba 80% waxaad moodaa dad dareenkoodu hoos u dhacsan yahay in uu yahay anigaygan ku daroo, marka la yidhaahdo qofkii CID-da ayaa xidhatay qof kuu imaanayaa ma jiro, qofkii aad tiraahdo war arimahaan aan ka hadallo, ama cadaalad darida jirta aan wax ka nidhaahno waaba uu kula yaabayaaba oo waxaad moodaa dad xaaladoodu dhulka taal, oo dareenkii ka maqan yahay."

 

Xad Gudub Xuquuqul Insaan

 

Mar laga waraystay dareenkiisa Md. Gubadle waxaa uu dhaliilay hab-dhaqanka CID-da Somaliland oo uu ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn.

 

 

 

"Aniga laba jeer oo hore ayaa magaaalda Hargaysa CID du igu xidhay. Sanad kii hore waa ay i geeyeen saldhiga iyada oo aan wax danbi ah la igu helin; kan maantana si aan wanaagsanayn ayaa la iila dhaqmay, nin dhiig galay iyo nin danbi lagu haysto midna maan ahayn meesha la igu xidhay markaan kasoo qaado.... habeenimadii markii la i soo daayay ee aan la kulmay Jananka Bilayska, Janan ku Xigeenka, iyo Taaliyaha Qaybta iyo Taliye ku Xigeenka, iyo ninkii saldhiga haystay, Taliyaha ciidanka deg degga ah, wuxuu ii sheegay Janankii Ciidanka haystaa maadaama aad tihiin dadkaa meelahaa Bariga u dhashay ee haybtoodu tahay Warsangali iyo *********** , waxaanu u aragnaa in aad tihiin dad Soomaliwayn iyo Puntland noqday isla mar ahaantaana naga go’ay, haybi naga kaxaysay, waliba wuxuu iigu daaray ‘sidii ay wax u jireen dad aan looga aarsan baad tihiin’, marakaa looma baahna ayuu yidhi in aad dhaqdhaqaaq samaysaan, oo ilaa iyo xadkaa aad socotaan."

 

Ma aha markii ugu horaysay ee falal hanjabaad, bahdil iyo jirdilba leh ay la soo gudboonaadeen dad u dhasahy gobollada Somaliya ee aan iyagu haby-wadaagta la ahayn dadka dega Somaliland.

Sannad ka hor, tarxiil iyo xadhig ayaa lala beegsaday dad u badnaa beelaha dega Bay iyo Bakool oo biday Somaliland xasilooni kadib dhibaatooyin ay kala kulmeen Koonfurta fog ee Somaliya oo dagaallo sokeeye aafeeyeen dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay.

 

Cidise ugama fadhiyin in maanta falal lagu macnayn karo siqir-gawrac iyo sabi-doox ay ka dilaacaan Hargeysa, waase xaal aduun!

 

 

Maxamed A Ali

 

Suxufi Madaxbannaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baaritaan ku saabsan Faraxumaynta iyo Xabsiga loo gaystay Samsam Axmed Ducaale iyo Dilkii loo gaystay Marxuum Cabaas Cabdi Cali.

 

Waxaa noo suurtagashay inaan wax ka ogaano asbaabaha keenay in la xiro lana faro xumeeyo, waa sida haya,adaha xuquuqda Aadamaha udooda xaqiijiyeene, Samsam Axmed Ducaale oo ah gabar yar oo hadda madaxa la gashay 16 sano ayaa ilo kala duwan noo sheegeen in arinteedu madaxa la galayso oo ugaar tahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, taaso salka ku haysa kala afkaar duwanaasha Xagga diinta, haddaba waxan idiin soo koobin baaritankii waxa nooga soo baxay Sidatan:

 

Samsam oo ah gabar ciyaalo madarisa oo ka timmid Gobalka Bari ayaa si kama ah u timmid guriga madexwyne ku xigeenka ayadoo moodaysay guriga abtigeed oo ah wasiir ku xigeen, haddaba waxaa dhacday in waardiyaashii guriga ay ugu yeereen madexweynaha ku xigeenka,taasoo ka fajicisay madexwyne ku xigeenka dabadeedna sas iyo baqdin ka qaaday aragtida gabadha maadaama ay xijaabnayd Samsam oo waliba indho shareernayd, ayadoo Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb wadaadada dhalinyarada ah iyo kuwa ku dhegan xijaabka, ayadoo doodo iyo muramo badan ay isku hayeen wadaadaas.

 

Waxaana madexwene ku xigeenku si xanaaq iyo caro leh u amray in Samsam u baaritaan iyo xarig lagu sameeyo isagoo raaciyay waa mu,aamaraad la rabo in laygu khaarijiyo, Waardiyaashii oo amarkii kululaa ee madexwyne ku xigeenka fulinaya waxay gabadhii u gaysteen baaritaan naxariis daro ah iyagoo aakhirkiina ay faro xumeeyeen oo dhamaan wixii gabarnimo lahayd laga takhalusay, kadibna gabadhii si loo qariyo uurku taaladaas waxaa loogu marmarsiiyooday waxay rabtay inay khaarijiso madexweyne ku xigeenka, taasoo ka degi wayday dhamaan Soomaalida caqliga usaaxiibka ah waayo gabadh 16 sano jirta mu,aamaraad ay hindisi karto ayaa iska yar bay leeyihiin .

 

Waxaa isku soo duubo dhacdadaas isugu biyo shubanaysaa -walow uuna amrin in la kufsado Samsam- madexweyne ku xigeenku inuu sabab u ahaa dhibka ku dhacay Samsam, maadaama loo baahnaa inuu si caqli saliima u yiraahdo adeer yaad doonaysay? maxaad usocotay? ee inuu kula galgasho wixii u dhexeeyay isaga iyo wadaadada ay kala fikirka ahaayeen una qaato qof isaga khaarijnaysa meesha ma oolin ayay dadka isku raaceen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Samsam’s Ordeal Continues: And the Lunacy Blights Further Afar

- Saturday, October 16, 2004 at 22:39

 

Hargeisa, 16.10.04 – A group of human rights activist were yesterday imprisoned in Hargeisa, Somaliland for protesting against the sadistic maltreatment of Samsam A Du’ale by Somaliland’s police and Central Intelligence Department (CID).

 

Human rights activists gathered outside the courthouse where the hearing of the case concerning the accused was in session. Barred from the hearing, the group were later roughed up and detained for condemning the brutality in the case, and came out in support of the 15-year-old.

 

Only a few days ago, the heartbreaking story of Samsam Ahmed Du’ale, which was first reported in August of 2004, surfaced, tough unfortunately it now has taken a dreadful turn as local good Samaritans who rose to rescue the 15-year-old, had been detained for speaking against the atrocious nature of Somaliland’s CID’s practice of torture, sodomy and rape as an acceptable modus operandi of interrogation.

 

Regrettably, no one in Hargeisa dares openly speak of the case, let alone condemn practices of this kind. In Hargeisa, ordinary citizens are not only petrified of what might come their way should they breath a word, in fact many are said to be horrified by the sheer cruelty of Riyaale’s secret agents.

 

It is not the first time civilians from southern regions of Somalia had been badly treated, some subsequently dying from torture, in this once budding city in Northwest Somalia.

 

In Bosaso, Samasam’s relatives are distraught, and are uncertain as to Samsam’s future.

 

Mohamed A Ali

 

Freelance Journalist

Share this post


Link to post
Share on other sites

I believe this is Samsam Ahmed Du'ale's uncle. The Somaliland cabinet official from eastern Sanag.

 

Gees.JPG

 

In halganews he's talking about his personal experiences with his clan in attending the grand conferences in Burao, Borama and Hargeisa. His clan's increasing presence in Hargeisa and Somaliland politics in general.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this