Sign in to follow this  
General Duke

Marka: TFG forces AU allies take over lower Shabbele-latest

Recommended Posts

Saraakil sar sare oo ka tirsan Nabad Sugida Qaranka oo maant gaaray Magaalada Marka ee Xarunta G/Sh/Hoose xili taliye Cusub oo Nabad Sugida Gobolka loo magacaabay

 

Xubno ka tirsan Nabad sugida Qaranka ayaa maanta waxa ay gaareen Dhinaca G/Sh/Hoose gaar ahaan Degmada halkaas oo ay u aadeen qiimeyn iyo socdal hawled.

 

Ilo Waredyo Muhiim ah aya Shabakadan u sheegay in Xubnaha Nabad Sugida ee Gaaray G/h/hoose uu diray Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Jeneral Darwiish si ay halka ugu beeraan ama ugu abuuran Ciidamada Nabad Sugida qaranka

 

Socdaalka Xubnahan ayaa imaaanaya xili dhawaan ay ciidamada dowlada Etopia iyo kuwa xooga dalka ay gabi ahaanba la wareegen degmada G/sh/hoose.

 

Warar hordhaca ahi oo ka imaanaya G/sh/hoose ayaa waxeey ku waramayaan in taliyihii maleeshiyada yusuf siyaad Indha-cade oo ku magac dheeraa Nuuriye oo isla markaana sheegan jirey in ay dowlada u magacaawdey taliye ku xigenka ciidanka Poolis-ka G/sh/hoose ayaa ka baxsadey G/sh/hoose waxaana lala' yahay meel uu ku danbeeyey, ayadoo wararka qaar ay sheegayaan in uu si toos ahi ugu biirey maleeshiyada Al-shabab

 

Degoomyinka G/Sh/Hoose ayaa aha meel aanay si toos ah DFS gacanta ugu heynin , waxaana Maamulaka G/Sh/Hoose ee hada talada haya diiday in G/Sh/Hose ay ka shaqeeyaan Nabad Sugida hadase waxaa ay u muuqataa in hawsha Maamulka G/Sh/Hoose si weyn ay DFS u fara galisay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saraakisha Hogaamineysa Ciidamada Nabad ilaaliyaasha Ethopia ee la wareegey Degmada Marka oo kulan la qaatay Mas'ulliyinta Gobolka ( Nuuriye Cali Faarax oo kulanka ka baaqday)

 

Kulan aad u adag ayaa maanta waxaa uu magaalada Marka ku dhex maray Saraakiisha Hogaamineysa Cidamada Ethopia ee la wareegey masuuliyada G/sh/hoose iyo Mas'uuliyinta hore ee Gobolka oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka C/qaadir Nur.

 

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Gobolka ayaa waxa looga hadlay arimo ay ka midyihin in mas'uliyinta ay keenaan qaabka ay uga shaqeynayeen gobolka , iyadoo sidoo kale laga dhagaystay warbixin ku aadan amaanka Gobolka.

 

Warar lagu kalsoonaan karo aya sheegaya in Sarakiisha Ethopia ay Mas'uuliyinta ay arkeen gacantana u galiyeen qoraal ay ka siteen Madaxda DFS oo ku aadan in ay saldhigyo Miltari ka sameysan doonaan ilaa 8-Degmo oo ka tirsan G/Sh/hoose oo ay ku jirto Degmada Marka ee Xarunta Gobolka.

 

Wararka ayaa inta raacinaya in sidoo kale maamulka ay u sheegeen in ay yareeyaan dhaqdhaqaaqa Ciidamadooda inta ay ka dagayaan Nabad ilaaliyasha Ethopai fariisimaha loogu talo galey si aanay isugu dhicin.

 

Gudoomiyaha G/Sh/Hoose C/qaadir Nur ayaa laga soo xigtay in uu u sheegay Saraakiisha Ethopai in Maamulkisu diyar u yahay qorshe walba oo lagu taagerayo dhinaca Nabada Gobolka.

 

Dhinaca kale Wariyeyaashi ku sugnaa kulanka ayaa Shabakadaan u sheegay in aanay kulanka ku arag ninka Gobolka ka ah Taliye xigeenka Police-ka Nuuriye Cali Faarax , waxaana kamaqnaanshihiisa kulanka uu yimid xili uu Degmada Marka dhinaca hoodka uu ka joogo .

 

ka maqnaanshaha Nuriye ee kulanka ayaa dareen ku abuurtay Saraakiil Ciidamada Xooga ka tirsan oo kulanka ka qeybgalayey , waxaana halkaa la isku dhafsaday xog ah in G/Sh/Hoose laf ahaantisa xubnaha maamulka qaarkood lagu tuhunsanyahay in ay gacan saar la leeyihiin ururka alshabab Canshuurta gobolkana wali lagu naas nuujiyaa kooxaha Aragagxisada ee dagaalada wada.

 

Xeeldherayasha Siyaasada ayaa rumeysan in Waacusub u baryey G/Sh/Hoose oo ahaa mid ay wali maamulayeen Maamulki Indhacade si dadban iyo si toos ahba.

 

xafiiska warqabadka ee shabakada carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Marka: Ciidamadii Itoobiyaanka ee shalay gaaray gobalka shabeelaha hoose oo dhaq dhaqaaqyo ka wada gobalkaas.

 

25. marts 2008

Marka (AllPuntland) - Cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee taageeraya dowlada soomaliya ee shalay gaaray gobalka shabeelaha hoose ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wada gobalkaas.

 

Ciidamada Itoobiya oo kala gaaray Deegaanada gobalkaas ayaa la sheegayaa in ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ku aadan sugida ammaanka deegaanada ay joogaan.

 

Qeyb ka mid ah ciidamadaas ayaa ku sugan Magaalada Marka, waxaana ay dageen afaafka hore ee laga galo magaaladaas, waxaana saaka ay howlo baaritaan ku sameynayeen gawaarida gudaha u galeysa iyo kuwa ka baxeysa Magaalada.

 

Sidoo kale qeybta kale ee ciidamadan oo wehlisa kuwa dowlada soomaliya ayaa degay saldhiga degmada Qoryooley iyo xarunta maamulka degmada.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tagitaanka ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada federaalka ee gobolka shabeelaha hoose, warar ayaa sheegaya inuu jiro tuhun ah in deegaano ka mid ah gobalkaas ku dhuumaaleysanayaa xubno ka tirsan maxkamadihii iyo mucaaradka dowladda.

 

Gudoomiyaha gobalka shabeelaha hoose ayaa sheegay in saraakiisha hogaamineysa ciidamadaas ay maanta la balansan yihiin, isla markaana ay kala hadlaan arrimo dhowr ah.

 

Waxaa uu qiray in jiro tuhun ah in xubno ka tirsan maxkamadaha iyo mucaaradka dowladda ku dhuumaaleysanayaan gobalka, hase ahaatee ka maamul ahaan aysan haynin ama aysan ogeyn meel ka mid ah Gobolka oo xubinihii Maxkamadaha ku sugan yihiin.

 

Cabdicasiis Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kooxihii Maxkamadaha Ee Horey Looga Itaalka Roonaaday Oo Hada La Soo Sheegay Inay La Wareegeen Magaalada Jawhar

 

Jowhar (Jidbaale.com) Waaberigii saaka waxaa magaalada Jowhar ka dhacay dagaal dhex maray ciidamada dawlada KMG ah iyo maleeshiyaad ka mid ah kooxihii maxaakiimta ee laga itaalka roonaday, sida la xaqiijiyey iska hor imaadkaasi waxaa ku geeriyooday ugu yaraan lix qof, waxaanay haatan magaaladaasi Jowhar gacanta u gashay kooxahaasi maxaakiimta sheeganaysey.

 

 

Docda kale warar ayaa iyaguna tibaaxayaa inay ciidamadii dawladu KMG ay ku sugan yihiin magalaadaasi Jowhar, balse ay ka joogaan meela gaar ah.

 

Sidoo kale war aan isna la xaqiijin baa lagu sheegay inay kooxaha maxaakiimtu in yar markii ay ku sugnaayeen magaalada Jowhar inay isaga baxeen, halkaasina ay horey uga sii qaateen laba baabuur... shacabka magaaladaasi Jowhar ilaa hada waxay isweydiinayaan halkee ayey ku dambeeyey mas'uuliyiintii maamulka degmada Jowhar iyo weliba kooxihii u qaabilsanaa dhinaca sugida amniga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

General Duke, Weli ma calanwadaad u tahay kuwii fallaagoobey. Gobanimo sidaas laguma helo hadde adeer!

 

doofaar waxaa lagu xarimay diinka eebahaye

dur durda hadii lagu ridoo duuda laga maydho

adunbaa ku daalaaye e eyma daahiro e

 

Marka Adeer, Doofaarada Xabashida ah iyo dhalkey wadato annaga hanooga faallayn.

 

Let them wait while we dig pits for them so deep...

Share this post


Link to post
Share on other sites

LabaXiniiyood, the real and grave misunderstanding here is those who has never seen what the south is like and who are made into believing a phantom nationalist platform designed to topple the TFG.

 

The deep south, the most fertile part of Somalia, has been in captivity to a group of allied clans from central Somalia and who benefited from the lack of Somalia's government:

 

1. Financing warlords with money intended for relief and development and coming to each others' aid.

 

2. Suppressing and driving out the indigenous groups from their homes and farms.

 

3. Contracting with foreign companies (eg. Abdiqasim has at many times contracted with several companies and he was main guy behind the creation of the Islamist-garbed warlords)

 

4. Employing the divide and rule tactics in many parts of Somalia. (For instance, Puntland, Jama vs Yusuf. Kismayo, the traditional settlers vs JVA-a coalition of unrelated clans)

 

5. The so called Al-Itihaad-turned-courts, remained powerful and influential in Mogaidisho over the years, but they have never attempted to challenge Qanyare , Caato , Suudi, Raage and their likes, until these latter guys intruded into their turfs and challenged to oust them of their strongholds, basically trying to hoodwink the CIA agents and their money. You might have already known that CIA goes after and implements her country's blueprint of secrecy pursuing terrorist guys linked to the two US embassies in Nairobi while in reality not seeming to understand the complexity of Somalia's root problem: Clan Hegemony and Land expansion over the richest regions of Somalia.

 

Since TFG, things have dramatically changed. Many clans under brutal captivity feel today joyous and liberated. They tasted for the first time since 1991 what is like to be masters of their own affairs, being mayors, governors, legitimate representatives of their own territories. Believe me, there are so many unheard of clans that are so numerous in these regions, more numerous than the whole population of Northern Somalia, according to reliable stats and studies by International NGOs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this